Doorashooyinka inagu soo aadan iyo Shaxda ay dheelayaan Sadexda Habrood ee walaalaha ahi.

0
October 29, 2016 in Wararka by staf ger
  • Visits: 2287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinka inagu soo aadan iyo Shaxda ay dheelayaan Sadexda Habrood ee walaalaha ahi.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wacanoo wanaagsan Akhyaareey idil ahaantiinba, sidaynu lawada socono Umadkastaa qaabdhismeed u gaara ayey u dhisantahay oo ay kaga duwantahay umadaha kale, Umadaha qaar qaabdhismeedkooda waxaa saldhig u ah caqiidooyin ay ku kala duwan yihiin halka Umadaha qaar ku salaysanyahay qaabdhismeedkoodu qaab Isir ah. Markaynu u nimaadno umadeenan Soomaali la isku yidhaahdana waxaynu ka dheregsanahay nidaamka ku salaysan Haybta isir-raaca ee Qabiilka.



Waxaanaynu qormadan si kooban u dul istaagidoonaa waaqaca rasmiga ah ee ka jira Somaliland marka la eego siyaasada qabiilaysan ee hadana la maldahaayo iyadoo magacyo kale lagu sheegaayo, qormadani maaha mid aan ugu talogalay inaan booqo ku dilaaciyo mana ah mid aan cid gaara ku weeraraayo igamana aha inaan ahay Qabiilayste ku faanaaya se waxay iga tahay inaan si kooban u akhriyi karno xaqiiqada dhabta ah ee Siyaasada Somaliland iyo loolanka ka dhaxeeya Axsaabtu wuxuu salka ku hayo.



Axsaabta Somaliland ma kuwo qaran baa mise waa kuwo Qabiil.

Tan iyo 1960kii markii Dimoqoraadiyadii ugu horeysay aynu tijaabinay waxaa markiiba soo ifbaxay sida uu dhaqanka qabiilku ugu milansanyahay nidaamkeenii siyaasi ee aynu u hanqaltaagnay, waxaanay isla waagaaba Axsaabtu ahaayeen kuwo markiiba ka turjumaayey beel iyo qabiil cayiman iyadoo hadana magac xisbi la sheegaanaayo waxaanu siyaasi kastaa sida hada jirtabana ku tiirsanaa Qabiilkiisa.

Waxaana tusaale kaaga filan ninkii gaalka ahaa ee la odhan jiray Maykal Maryama oo ahaa nin reer Burco ah oo la wada yaqaan ayuu Ingiriiskii dalka ka talinjiray waydiiyey Maykal adigu yaa ku dooran Soomaalidu waa dad muslima oo diintoodana ku ad adage? Ismuu dhibinba ee wuxuu ugu jawaabay muhiim maaha waxaad aaminsantahay ee waxaa muhiima inaad nin reer hebel ah noqoto!! runtii siduu sheegaayey ayey noqotay wuu isa soo sharaxay waanu ku soo baxay doorashadii.

Hadaynu maanta u nimaadno inagoo shalay uga tusaale qaadanaynana wax isbadal ah kuma arkaysid balse maantaabay ka sii darantahay oo qabiilkii madax iyo mijo wada saaqay bulshada haday tahay dhanka nidaamka, isxukunka, wada dhaqanka, awoodqaybsiga iwm.Waxaa aydin arkaysaan ee Xisbi hebel lagu leeyahayna waa kuwo ka turjumaaya Qabiilooyinka kala gedisan ee midba uu hogaaminaayo Hebel oo reer Hebela.

Habruhu shalay shalay markii loo talinaayey way is dugsanjireen ee maxay maanta oo ay isku taliyaan kala durkiyey ?

Markaynu Shalay oo uu kacaankii Siyaad Bare inoo talinaayey uga tusaale qaadano maanta oo aynu isku talino waxaad ogaanaysaa inaynu shalay iskga fiicnayn maanta midnimadeena iyo isku bogxaadhnaanta Beelaha wada degan Shankaroonland. Sababtoo ah dagaalku waa waxyaalaha mideeya Bulshooyinka ama Umadaha dirirta kula jira cadaawahooga.


Waxaa xaqiiqo Biyo kama dhibcaana in shalay markaynu Somalida kale ku dhexmilnayn inaynu iska jeclayn sida maanta aynu isku jecelnahay, waxa ugu badan ee la´ulanaayeyna intii kifaaxii Siyaad bare lagu jiray waxay ahayd in maruun xukunkii daaquutka ahaa tagidoono nabad,sinaan,cadaalad iyo kalgacalna ayku noolaandoonaan beelaha wada dega Shankaroonland.

Hase ahaatee waxaa muu qata wixii Adeeradeen inoogu yaboohi jireen wax ka duwan oo ah inay bulshadii shalay is jeclayd is wada nacday Maanta. Sababta ugu waynina ay tahay Cadaalad la´aan. Inta aanay Adeeradeen Cadaalad inagu dhaqayna haka filan waasan inuu inoo beryo waayo waxa jirta odhaahtidhaa (Alcadlu Asaasul mulk) cadaaladu waa Seeska laga duldhiso maamulkasta. Dhankale waa kii lahaa ala ha u naxariistee Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye :

Cadli baa wax doojee
wax kaloo rag deeqoo
dadka laga eedbaxo
nin u doonay heli waa!

Markaan mid-mid u dul istaagay shaxda ay dheelayaan Habraheenu.

Garxajis Dal ahaan iyo Dad ahaan.

Sidaynu la socono Bulshada Somalidu marka ay noqoto dhinaca tirsiga qofeed reer kastaa isagaa ugu badan. Sababtoo ah waa waxa qudha ee la isugu faano Laandheeraha laguu sheegaana waaba inta uu lagaa Ilmaadeerbadan yahay , sidaa darteed reerkastaa isagaa laandheere ah hadaynu is nidhaa is waydiiya yaa ugu badana doodu ma dhamaanayso se hadal iyo dhamaan Beesha Garxajis waxaa lagu tilmaama inay tahay ta ugu badan ama kuwo ugu badan sidaad rabtoba ka dhigo.

Markaynu eegno Deegaanka Beeshani degtaana waa ta ugu deegaan badan Beelaha Somaliland wada dega laga bilaabo Hargeisa ilaa Ceerigaabona meelba inayka degtoba badi deegaan ku ah sidoo kalena dhamaan magaalooyinka ugu waawayn dalka la qaybsata beelaha kale sida Hargeysa, Berbera,Burco iyo Ceerigaaboba.


Garxajis dhulka baaxada leh ee uu degaa muxuu dhib iyo dheef u leeyahay?
Sidaynu sheegnay Beeshani waa Beesha qudha ee badiba goboladii Somaliland ee shanta ahaa ee aynu u naqaanay hore mid mooyee inta kale degaanka ku leh, gobolka qudha ee aanay deegaan ku ahayna waa gobolka Awdal. Dhan marka laga eego waxay sababi kartaa in meel kasta cidi uga soo bixi karto maadaama wixii qabiil ku salaysan yihiin waa Dimuquraadiyada curdinka ah ee la inoosoo dhoofiyey ee aynu beenta ka sheegno´e.

Hase ahaatee dhinaca kale dhulka baaxada leh ee ayku teedsantahay beeshani waxay sababtay inay badi Habraha kale is gaadhaan haday tahay beelaha Bariga dega iyo haday tahay beelaha Galbeedka degaba. Markaad eegto Ceerigaabo waa Beesha Habarjeclo ladegaan qaybsata Ceerigaabo walow lala degan yahay, halka Burco sidoo kale dhankaa iyo Guban waxay isgaadhaan oo la degaanqaysadaan Ciise muuse halka ay hargeisana la wadaagaan Deegaan ahaan dhamaan Beelaha dega.Taasi waxay sababaysaa maadaama dhaqankeenu ahayn dhaqan xadaariya inay noqoto mid habrihii kale meel walba ku dirqiday taas oo marar badan iska hor imaad sababta haday tahay Saamiqaybsiga xilalka iyo dheeftab

Garxajis iyo filiqsanaantiisa iyo horumarka Deegaanadiisa.
Badi waxaynu ka sheekaynay Beeshan iyo faaiidooyinka ay ku qabto tiro badnaanteda iyo baaxada Deegaanka ay degto, hadase waxaynu eegi dhibaatooyinka haysta Beeshan oo ay ka mid tahay iyadoo badi u badan dhaqanka miyiga iyo deegaanka miyigaba. Badi dadka ku abtirsadaa waxay degaan miyiga gaar ahaan hawdka waanay adagtahay tiro koob rasmiya in laga helaa degaanaduna waa kuwo aanay ilaa hada gaadhin badidooda horumar rasmiya oo la sheegaa sida dugsiyada sare iyo jaamacahuba iyagoo dalkoo dhaniba aanay tayo lahayn se waa la is dhaamaa sida Gobolada Galbeedka wadanka.

Dawladihii dhibkaa xal u raadin lahaana ee dadkaa horumarkooda ka shaqayn lahaana waxay noqdeen kuwo qabiil ku dhisan oo ninba reerkooda u joogo meesha . Sidoo kale ma jirto (National Strategy) ku aadan horumarinta dalka sida kuwa hadhay in la soo gaadhsiiyo kuwo horumaray.sidaas darteed waa laga yaabaa inay tabasho jirto dhankoda.


Garxajis iyo hibashadiisa ku aadan Siyaasada.
Tan iyo xorayntii Somaliland sanadii 1991 oo uu ururkii SNM hogaaminaayey Mr Tuur oo beel ahaan ka soo jeeda Beesha Garxajis wuxuu ahaa Hogaamiyihii Taatikadiisa lagu qabsaday Somaliland,markii danbena wuxuu noqday Madaxweynihii u horeeyey ee ay yeelato Somaliland.Hase ahaatee nasiib daro waxaa ku kacay gacanyarayaal kasoo kala jeeda beelo bariga iyo galbeedka oo ay hor kacayeen Mr Kaahin oo hal maalin dareersaday wWasiiradii Beeshiisa kaga jiray, halka dhinaca Beesha galbeedka uu horkacaayey mucaaridkii ku kacay dawladii Tuur Mr Muuse Biixi.

Dhacdadaasi waxay ku abuurtay Beesha Garxajis hibasho ah in wiilkeedii halyeyga ahaa ee shaxdii uu dhigay loogaga guulaystay kacaankii Siyaad, ka dibna noqday Madaxweynihii u horeeyey ee ay yeelato Somaliland inaan la dhigin meeqaamkii iyo maamuuskii uu lahaa. Sidoo kalena Taariikhdii uu ka galay baaldahaba laga ciideeyey oo ay ka ciideeyey labada wiil ee maanta horkacaaya kacaanka kulmiye ee Muuse iyo Kaahin.

Waxaa intaa sii raacda in shirkii Boorama tabashadii ahayd xubnaha golayaashaa ee ay ka dilaacday boogtii hambaabuqeedu buuxsamay ay sii dilaacisay ka dibna aynu la wada socono dagaaladii sokeeye sababta ugu waynina ahayd afar xubnood noogu dara iyo idinku darimayno taasoo sababta in dad lagu qiyaaso 6000 oo ruux ku dhintaan magaalooyinkeenina ku dumaan utintii maalintaa dilaacdayna ilaa maanta weli jirto waayo waxaa dhacday dibu heshiisiin qaran ee weli may dhicin wax la yidhaa wadahadal qaran.



Hadii Sacad Muuse Habarjeclo la gaashaanbuuraysatay Garxajis yuu la gaashaanbuuraysan karaa?

Sidaynu lawada socono waxaa jira gaashaanbuuraysi ka dhaxeeya Beelaha Habarjeclo iyo Beelaha Habar-awal gaar ahaan Sacad Muuse kaas oo dib loogu celinkaro taariikhda danbe dagaalaadii sokeeye, shalay markay xabadu socotay waxay ahaayeen Gaashaanbuur, halka maanta oo cod lagu kala baxaayona ay yihiin Gaashaanbuur.


Sababta ugu wayn ee labadan habrood isuraaceena waxay tahay iyagoon isgaadhin deegaan ahaan gaar ahaan Beesha Sacad Muuse iyo Habarjeclo, waxaa kale oo sababay inay isgaashaanbuuraystaan waxay tahay iyadoo labada beeloodba uu Garxajis yahay ka xuduud la wadaaga. Xuduud wadaagaasina wuxuu sababay in ama daaq la isku qabto ama biyo la isku qabto oo badi dhaqankii reer miyiga labada Beelood ee deegaan wada dagaa badi waxaa ka dhaxaysa xurguf sababtuna waa noloshab badawnimada ku salka leh ee odhanaysa Tuulo heblaayo Reerhebel baa degaan u leh.

Hadaba madaama labada Beelood ee ugu lafdhabarsan Somaliland inteeda kale ay yihiin kuwo isgaashaabuuraystay waxaa la iswaydinkaraa yuu la gaashaanbuuraysan karaa Garxajis? Suaasha jawaabteeduna waa mid sahlan oo ah Samaroon. Waayo Samaroon iyo Garxajis ma wadaagaan deegaan colaadina kama dhaxayso halka Sacadmuuse iyo Samaroon ay wadaagaan ood sidoo kalena xurgufta ka dhaxaysa Habarjeclo iyo Habaryoonis tahay mid ka dhaxayso labadoodaa waa Samaroon iyo Sacad muuse`e.

Sacad-Muuse

Beeshani waa beel degta galbeedka waxaana lagu tilaamaa inay tahay beelaha ugu horeeya marka la eego dhinaca tirada (Demographie) iyo dhinaca aqoontaba. Waxaa ka dhashay dad badan oo taariikhda Somalida ku suntan sida Abwaankii gobonimada ee Timo cade Taariikhdii kacaankana waxaa ugu magac waynaa oo ka dhashay Cumar Carte Qaalib.
Wixii ka danbeeyey xorayntii dalkana waxaa aad ugu suntan hogaaminteeda haday tahay dagaaladii sokeeye iyo haday tahayba xiligan aynu ku jirno Muuse Biixi.

Sababaha kaalmeeyey horumarka deegaanka Beesha Sacad-Muuse.

Marka la eego Galbeedka Somaliland gebi ahaanba wuu ka horumarsanyahay gobolada intooda kale, laga bilaabo Hargeisa iyo wixii Galbeed ka xiga weeyee´ waxaana u sababa labada Beelood ee daga oo kala ah Sacad muuse iyo Samaroon. Markaynu gadaal ugu noqono Taariikhdii gumaysiga wuxuu Ingiriisku dalka ku lahaa sadex xarumood oo kala ahaa Sheekh,Cadaadley iyo Camuud oo ku soo saari jiray dhashii gumaysiga si uu ugu sii dhiibto dalka markuu ka baxo, kuwaas oo ahaa dhalintii inoo kacaamay lixdamaadkii ee uu Abwaan Qaasin lahaa:


Isma doorin gaalkaan diray iyo daarta kii galay
Dusha midabka Soomaalaad dugulka moodaa
Iyana laguma diirsade qalbigu waa dirkii kale.

Hadaynu Taariikhdi hore iyo Islaamnimada eegnona waxaa badi galbeedka ka iman jiray Culimada diinta waayo waa markay Herer ahayd caasimadii dawladii Islaamka ahayd ee ka talin jirtay Xabashida . Sidaas darteed badi galbeedku wuxuu dugsadaa ilbaxnimada Sooceeda. Waxaa sidoo kale kaalmeeyey waxoogaga yar ee ay ka dugsanayaan ee ah habka dhaqanka reer magaalnimo iyagoo badi u badan deegaan oo aan ahayn Reerguuraa sida Beelaha kale u badan yihiin. Sababta sadexaad ee aynu odhan karno way kaalmaysay waa iyagoo ah beel degen hal gobol baaxada dhulka ay degtaana yahay mid aad u kooban taasina sababto in horumarku si fudud loogu faafin karo maadaama deegaanku kooban yahay.


Sacad-Muuse iyo hibashadiisa hogaanka Siyaasada.

Maadama Beeshani ka midtahay beelaha ugu shilis beelaha Duriyada iyo dibu ugu soolaabashadii dalkana aanay marnaba hogaanka sare ee dalka qaban walay mudo dheer uu u soo hayey Cigaal oo hayb ahaan aywadaagaan Habar awalnimadu waxay badi ku taamaysaa inay maruun iyana xilka sare qabato. Maadaama labadii habrood ee kale ee ugu muhiimsanaa iyaguna midiba markeeda soo qabatay xilka oo ay u soo kala qabteen Siilaanyo iyo Tuur.


Markuu Sacad-Muuse ilduufay cida uu Habraha kale  horkeenaayo.

Sida dhaqanka Soomaalida lagu yaqaan reer kastaba ninbaa ku hor kaaja isagaanay dhib iyo dheefba la wadaagan una huraan daacadnimadooda walow yaanay waxbaba ku qabine, xataa haduu xun yahay oo habaar qababe yahay waxaa dhaqanka Somalida ku cad inay odhan jireen kaaga xun ka xun ee reeraha kale ku jiraa loo haystaa waan halkuu abwaan Gaariye ka lahaa mar kale:

Ninkastoo dekeno galay
qoladuu dabada galiyoo
danbi dhacay masuul ma leh
markaad hebel duqaysaa
reer hebel damqanayaa.


Hadal iyo dhamaan waxay doorkan aad ugu dadaalayaan beesha Sacad-Muuse inay hogaanka sare maruun hantaan maadaama aanu nin iyaga ku abtirsadaa aanu weli hogaanka sare qaban walow cigaal hayb wadaag ahaayeen. Hase ahaatee mabaxuma fikirkaasi xaqna way u leeyihiin se dhibku wuxuu ka jira ciday horkeenen bulshada oo ah qof xasaasiyad badan ay ka qabaan dad badani sababo la xidhiidha mawaaqiftii dagaaladii sokeeye,sidaas darteed waxaa adag inuu ka iibgeysmo Muuse Biixi. Waxaa sidoo kale Muuse laftiisa ku adkaanaysa inuu cod ka heli karo bulshadii shalay uu ugu heesaayey Anigoo wax dili kara duco qaadanmayo.

Habarjeclo

Habartani waa ta sadexda habrood ugu tiro yar se waa ta ugu ficil badan waxay habartani degtaa dhinaca Bari ee dalka. Waxay degaan ahaan caan ku yihiin magaalada Burco oo ay la dagaan beesha Habaryoonis labadan beelood oo wada dega deegaan aad u balaadhan ilaa laga gaadhaayo magaalada Ceerigaabo iyo jiida Bariba. Waxay beeshani tahay hada ta uu ka soo jeedo Madaxwayne Siilaanyo.Dhinaca dhaqaalaha marka la eego waa beelaha ugu ladan hada Beelaha dega Somaliland waxaana ka dhashay dad badan oo maal qabeenada Somaliland ka mida sida mulkiilaha shirkada Dahabshiil iyo Ganacsade Indho- Deero.

Deegaanka ay degto Beeshani

Beeshani sidaynu horeba kusoo xusnay waxay degtaa gobolada bari waxaana deegaan ahaan dhulka ay deegto ugu soo galbeedeeya magaalada Berbera. Taasi waxay sababtay maadaama wadanka laga maamulo Gobolka Maroodi jeex gobolkaasna ay wada degaan Beelo tiro badan inay dareento go´doon oo kale, waayo waxaynu ognahay wadamada Dunida sadexaad inay Caasimadaha oo qudha ka dhisan yihiin.

Dhamaan Adeegyada ugu muhiimsan dalka waxa la dhigaa ama saldhig u ah Caasimada, haday tahay adeegyada Caafimaadka, Milateriga, isgaadhsiinta, waxaa kaloo jirta adeegyo badan oo Caasimada u gaara oo aanad ka heli karin Gobolada kale dhamaantood. Taas´ oo sababta in Ceerigaabo ama Hawd guntii qofku uga soo boqoolo baahidaa awgeed.

Beesha Habarjeclo waxay garwaaqsatay arinkaas waxaanay awooda saartay tan iyo markii uu xilka u qabtay Siilaanyo inay deegaan badan ku yeeshaan magaalo ahaan magaalada Hargeisa. Waxaanay badi dadkooda maalqabeenka ahi geliyeen maalbadan sidii ay dhul iyo deegaanba ugu yeelan lahaayeen Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Habarjeclo iyo qorshaheeda ku aadan doodrashadan.

Hadafka ugu wayn ee ay lahayd Beeshani waxay ahayd inuu wiilkeedii ka hadhay Burjuwaasiintii Somaliland ee Siilaanyo kaas oo la safnaa Cigaal iyo Cabdiraxmaan Tuur uu maruun isna kursiga ku fadhiisto oo la yidhaa Mudane Madaxweyne sidaasna deeto beeshu iyaduna magac ugu filnaato inay iyaduna mar Kursiga ugu sareeya ee dalka kusoo fadhiisatay.


Si ay himiladaas iyada ah u xaqiijiyaan waxay Beesha Habarjeclo raadisay gacan saar ciday la yeelan karto, hadaad eegto Beelaha ay wada degaan deegaanada ay degto sida Dhulbahante oo kale taageero badan kama filayso waayo deeganada ay dagaanba muran badan isku hayaan sidoo kalena waxaynu ognahay inaanay kubaba qanacsanayn in badan oo ka midi mabda´a Somaliland sidaas darteed wax taageero la sheego kama sugayso.

Halka dhanka kale Beesha deegaanka ugu balaadhan ay wada wadaagaan tahay Beesha Habaryoonis, Habaryoonisna ay kala dhextaalo xurguf Taariikhiya oo ay kala dhexdhigeen Qabqablayaasha ku adeegta magaca Qabiilka kuwaas oo dan u tahay inay Bulshadeenu sidaa u kala qoqobnaato waana halkuu ka lahaa Abwaan gaariye:

Ufqabiil anaa leh
wuxuunbaa ku adeegta
nin iskii kartidiisa
isagoon cid ku tiirsan
isku taagi karaynin
una haysta ateero.

Isku soo wada duuboo waxaa iska cad inaanay taageero kuusan ka heliyn dhinaca Habaryoonis oo iyaduba murashaxiinteedii kale ku hawlan. Waxaynu ognahay inay Habartani tahay ta ugu yar Habraha sadexda ah sidaas darteed aanay cod ku soo saari karin wiilkeeda. Taasi waxay sababtay inay raadiso gaashaanbuur wiilkeeda cod kula soo saarta iyaduna hadhaw ugu abaal gudo mid la mida, waxay kolkaa la gaashaan buuraysatay Beesha Sacad muuse oo aanay degaan wada degin dameerahooduna is gayin masaafo balaadhanina u dhaxayso si marka loo eegona way ku guulaysteen arinkaas isaga ah.


Hadaba doorashadan ujeedo kale kama laha Beesa Habarjeclo mansab la sheegona inaanay ka rabin baa iska cad se ujeedadeeda qudhi waxay tahay sidii ay iyaguna usoo saari lahaayeen wiilka ay soo xusheen beesha Sacad Muuse ee Muuse Biixi. Waxayse suaashu ka taagantahay sida bulsho balaadhan oo Somaliland degtaa u liqi doonaan Muuse Biixi, waayo shalay Habarjeclo waxay soo sharxeen Siilaanyo oo si uun uga meeqaan duwanaa Muuse loona arkaayey oday wayn oo la safnaa odayaashii hore sida Cigaal iyo Tuur se muuse lama mid ahaa safkaa aynu sheegno da´ ahaana wuu kawada yaryahay meeqaan ahaana lama meeqaam aha kolkaa waa suaal ay ka jawaabi doonaan maalmuhu siday uga falcelinayaan.


Dheelitirayaasha labada Habrood ee Ciidagale iyo Ciise muuse.


Ciise Muuse.

Beeshan oo hayb ahaan la walaalo ah Sacad Muuse waxaa xusid mudan inuu inuu Cigaal ku abtirsado . Waxaanay degaan ahaan badi u badantahay dhinaca Gubanka ama xeebaha iyagoo degaan ahaan kuna abtirsada Marsada ugu muhiimsan Somaliland ee Berbera walow lala dego oo lala leeyahay. Markaynu u nimaadno doorashadan waxay yihiin kuwo kala qaybsan una kala qaybsan axsaabta kala duwan wiilka xariifka ah ee ku abtirsada ee Jamaal Cali Xuseen oo ka sharaxnaa Xisbiga Ucid se markii danbe khilaafka xoogani soo kala dhex galay gudoomiyihii xisbigaa ee Faysal Cali Waraabe.

Hadaba waxay suaashu noqon hadii wiilkeedii laga soo caydhyey xisbigii Ucid oo beel ahaan ku abtirsado xisbigaasi beesha Ciida gale ma isugu soo biyo shubmi doonaan xisbigaa Muuse ka sharaxanyahay iyagoo ka raacaaya Habar-awalnimada mise maadaama oo khilaafaad badani ka dhaxeeyo waxay isagu lugo duwan xisbiga labaad ee ugu sumcada iyo shacbiyada balaadhan ee Wadani iyana waa suaal u baahan jawaabteeda se qormada oo inagu dheeraanaysa awgeed aynu halkaa ku dhaafno suaashaa una dayno maalmaha iyo siday uga jawaabaan.

Ciidagale.
Beesha ciidagale oo hayb ahaan la walaalo ah Habarta habaryoonis degaan ahaan ahaana degen Hargeysa iyo nawaaxigeeda degta waxay doorkan ku kala qaysantahay itijaaha la aadaayo. Waxaynu la soconaa inay in mudo ah daba ka riixayeen xisbiga uu hogaamiyo wiilka hadalada cadcad ee Faysal Cali Waraabe hase ahaate waxa muuqata inaanu kaalinta koowaad iyo ta labaadna midna iman karin sidaas darteed maxay dedaal badan ugu lumin xisbi ay ogyihiin halka uu iman karo, sidaas darteed sida la sheego waxay khubaro badan oo ka soo jeeda beeshaasi ku taliyeen oo uu ka mid yahay Burjuwaasiga wayn ee Buubaa in beeshu miisaankeeda ku biiriso xisbigaa walaalkood hogaaminaayo kana daayo cuba dhawrka uu faysal ku hayo Ciro taas oo u dhiganta cuba dhawrka uu Jamaal ku hayo Muuse. Balse suaashu waxay taha Faysal taladaa ma ka yeeli doonaa ?


Doorashadan iyo siyaabaha kala duwan ee loo fasiran karo haduu Ciro ku guulaysto ama uu Muuse ku guulaysto.

Haduu Ciro ku guulaysto
Hadiiba ay dhacdo uu ku guulaysto Ciro doorashadan waxaa dhici karta inay noqoto markii ugu horeysay ee beesha aad loogu tuhmo inay badi u xagliyaan dhanka Somaliland ay hogaanka mar labaad gacanta ku dhigto iyadoo ay ugu danbaysay mudo ka badan labaatan sano ka hor oo ah waagi Tuur uu madaxwaynaha ka ahaa wadanka. Taas oo abuuri karta jawi ka duwan kii waagaa taagnaa lagana yaabo inay bogsiin karto dhaawacyo iyo tabashooyin ay tabanaysay Beeshaasi, waxay kaloo sababi kartaa inaanay maanta shalay ahayn ee sidii iyaduba ugu hogaansantay maamuladii ay madaxda ka kala ahaayeen habaraha kale in iyadana maanta loo hogaansamaayo.


Khatarta ka hor iman karta haduu Ciro guulaysto.

Waxaa jirta waxaa maanta ku sugan labadii kooxood ee labada garab ee dagaaladii sokeeye kala hogaaminaayey waa kooxda kulmiye oo ay horkacayaan isla labadii wiil ee dhibku ka bilaabmay waa Muuse Biixi iyo Ina kaahin oo uu kaahin ahaa wasiirkii fitnadii bilaabay hal habeena sideedii xubnood ee beeshiisa ugaga jiray kala baxay Dawladii uu hogaaminaayey Tuur. Halka dhanka kale oo ah garabka Wadani uu joogaan Axmed Mire iyo Buubaa oo waagaas la safnaa Tuur, waxaana dhici karta inay marlabaad soo laabato xurguftii iyo xamaasadii qabiilka ku salaysnayd ee shalayba laysku arkaayey Habar-habarta.

Maadaama labadii habrood ee dagaalkii sokeeye ku bahaysnaa maantana ku bahaysanyihiin ololaha doorashada wax horena yaaliin Atoorayaasha filimkan inoo matalayaana ay yihiin atoorayaashii inoo matalaayey filimkii hore aah ahaa (Action)ka welina boogihii Habar-habartu aan laga boqsan oo qabyaaladii aan laga gudbin balse sii xididaysatay waxaan shaki ku jirin inay mar labaad dagaalo sokeeye inoo bilaabi karaan kuwii horeba inoogu luuqayn jiray(anagoo wax dili karna duco qaadan mayno ama dhanka kale ka lahaa anagaa goaan naga go´aa oo madaarada anaagaana furna anagaana xidhna)


Haduu Muuse ku guulaysto

Waxkastaba filo doorashaduna waa sida natijada ciyaarta kubada cagta´e hadiiba ay dhacdo oo uu ku guulaysto Muuse maxaa ka dhalan kara waa suaasha ugu badan ee la is waydiinkaro? Ilaah baa og waxa soo socda saadaasha aadamuhuna maaha mid sax ah mar walba balse waxaa la hilaadin kara wax yaalaha hadana dhici kara iyo siday noqon karto. Waa mudaawin waanu isa soo sharixi karaa sida kuwii ay iska soo horjeedeenba ay maanta isku soo sharxeen.

Waxaa dhici karta in Muuse oo caqliyada Milateriga ahi wehelisaa ay ku adkaan karto inuu xal nabadeed kusoo dabaali karo hadiiba ay qaraxdo dhaako dhaakahan aynu nabnabaynaa, waxaa kale oo dhici karta in beeshii waagaba duday ay maanta meel kale looga heeso oo la yidhaa meesha waxba idiinma yaalaan oo sida xilka koonfurta Somaliya uu noqday Monopoly kaas oo beesha Hawiye iyo Daarood uun ay isku dhiibdhiibayaan xilka sare waxaa sidaa darteed loo fahmi karaa in beeshan Garxajis labada beelood ee kale ee Habraha ugu waawayni iska xigsiinayaan hogaanka dalka sheekaduna tahay qori isku dhiib iyo aan ka ilaashano ee markaaga ii dhiib ana aan markayga kuu dhiibo.

Waxaa kaloo ay sababi kartaa in ayba sii fogaato oo beeshaasi xulufaysi kale raadiso taas oo ku keeni karta khalal culus deeganada ay degto oo aad u balaadhan iyo boogihii qabyaalada oo sii xoogooba, ma rajaynaayo inaynu heerkaa gaadhno se dhamaan taxliilaadkani waa wax dhici kara se aynan jeclaysan inaynu afka ku dhufano . Waan ogahay inuu maqaalkani wax badan oo uurkeena ka guuxaaya taabtay se waxaa dhici karta in hadhaw dadka qaar si qaldan u fasirtaan, waxaan qoraalkan ugu talo galay inaan taabankaro malaxda jiifta dhexdeena ee aan qofna carabka ku dhufan iyo sidoo inaan qeexo oo aan qadhmuunkeeda dibada u soo saaro. Taas micnaheedu igama aha inaan qabaail isku diraayo ama mid amaanaayo se waa xaqiiqada taala iyo inaan milicsan karno sida dhabta ah ee ay u fikirayaan kuwa ina horkacaaya ee ku adeegta magaca qabiil.


wa bilaahi tawfiiq.








Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>