Muuse maxaynu ku dooran waxa uu yahay? Mise cida uu yahay?

0
November 04, 2016 in Wararka by staf ger
  • Visits: 1157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse maxaynu ku dooran waxa uu yahay? Mise cida uu yahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Wacanoo wanaagsan Akhyaareey idil ahaantiinba, waxaynu qormandan si kooban isugu hogatusaalayn-doonaa saadaasha doorashada inagu soo aadan iyo Zaadka uu uu leeyahay Musharax Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi .

Waxaynu kaloo eegi doonaa doorashadan ma ka badbaadi doontaa Somaliland mise way ku wiiqmi oo bulshadan Uurka ka kala guurtay hada Ardaagana ma ku kala guuridoontaa ? Waxaynu kala eegi saamaynta hogaamiye ku leeyahay dunida la saaxiibka ah Somaliland iyadoo sidoo kalena aynu soo bandhigi aragtiyaha kala duwan ee laga qabo hogaanka iyo hogaamintaba cilmi ahaan.



Hogaaminta iyo qeexitaankeeda

Waxkasta oo laga doodaayo intaan doodeedaba lagelin waxa haboon in la isla garto maxaa looga jeeda. Marka la isla fahmo qeexitaankeeda ayaana la bilaabi karaa tafaasiisha dheeraadka ah, qeexitaanka ereyga " Leadership „ oo runtii in ka badan 200 oo siyaabood loogu kala abtiriyey aynu mid ka mida soo qaadona kaas oo ay khubarada qaar ku tilmaamaan inuu koobsaday ujeedada oo ah ( Ability to move people towards Goal )oo micnaheedu si kooban ugu fahmi karo hogaamintu inay tahay awooda ama kartida loogu hogaaminkaro bulsho Ahdaafta la higsanaayo.



Markaynu Muuse miisaanka saarnay.

Sida dunida kale tahay marka qof laga sheekaynaayo waxaa laga soo bilaabaa ilaa iyo taariikhdiisii dhalasho ilaa uu ka kacaamay oo uu taariikhda meel ka galay. Hase ahatee waxaa inagaga filan inuu Hargeysa ku kacaamay dugsiyada Biyo-dhacayna aqoontii asaasiga ahayd ku qaatay lixdameeyadii halka uu Dugsigii badi dhashii Gumaysigu ka soo baxdayna aakhirkii ak soo baxay ee ahaa Camuud, dhinaca aqoonta sarena wuxuu ahaa badi mid ku soo qaata aqoon la xidhiidha Ciidamada Midawgii Sofiyeet ee burburay walaw markii danbena uu wax ku soo bartay isla culuum la xidhiidha Milateriga wadanka Maraykan.

Muuse iyo caqliyada Askarinimo iyo saamayntay ku yeelatay.

Sidaynu la socono Aqoonkasta oo qofka loo toobabaraa waxay leedahay hab iyo Protokoolo ugaara,waxay kaloo ku reebtaa raadayn´ raadayntaas oo saamaysa habdhaqankiisa danbe. Aqoonta Ciidamadu waxay leedahay dhaqan ka duwan dhaqankan bulshada caadiga ah, qofkana waxaa loo tobabaraa inuu awaamirta xaga sare ka soo fusha fuliyo isagoon suaal iska waydiin. Hadiiba uu suaalo iska waydiiyo wuxuu qaanuunka Ciidamadu dhigayaa inuu yahay danbiile, waxaa kale oo sii daran in kuwa darajada sare sita ee ciidamada ahi isku arkaan hadiiba awaamirtooda la qaadan waayo in cidkastoo amardiido samaysaa tahay dambiile.


Bal ufiirso Somaliya iyo kacaankii Ciidanku hogaaminaayey iyo siday

u arki jireen cid kastoo khilaafsan aragtidooda, dunida ma jiro meel ciidan usoo taliyey ilaa iyo hoog uun bay ka dhaxlaan . Cid ka waxtar badnayd ma jirin Hitler dalkiisa hase ahaatee aakhirkii xaguu ku danbeeyey isaga iyo dalkiisiba, dunida maanta inagu xeeran ee Carbeed badi dhalintii u kacaantay waxay ahayeen Ciidamo Jamaal Cabdi Nasir baa loogu jeclaa isna wixii uu dhiig daadiyey iyo Culimadii uu kurta ka jaray waynu la soconaa ,waayo ? Caqliyada milaterigu waa mid aan aaminsanayn xalka dhexdhexaadka ah waxkastana waxay aaminsan yihiin inay ku xaliyaan gacan.

Sababtuu Muuse inoogu dagaalamay waagii (SNM).

Darajada Mujaahidnidu waa darajada abaalmarinta ugu saraysa leh Islaamka, waana qof naftiisii ku bedeshay inuu Jano galo. Markaad bulshadeena u timaado waxa badi ciwaankaa qaata Hadhaaga ka soo hadhay ururkii SNM walaw dagaaladii ay kalitaliyhihii Siyaad Bare kula jireen ka soo wareegeen 28sano waxa la yaabka lihi wuxuu yahay: weli waxaa loogu yeedhaa Mujaahidiin. Waxaa ka sii daranba taas markay timaado kala doorbidida laba hebel waxaa lagu odhan hebel waa Mujahid taas oo micnaheedu yahay cidi lama loolami karto waayo wuu usoo dagaalamay.


Hadaba suaasha ugu weyni waxay tahay inamadii inoo soo dagaalamay maxay u dagaalameen? Maxayse inaga mudan yihiin? Walow aanay Adeeradeen inoo qeexin waxay u soo dagaalameen inay Taliskii kali taliska ahaa ee Siyaad inaga xoreeyaan, balse umay dagaalamin inay waligeen ina hor fadhiyaan oo ina yidhaahdaan waanu usoo dagaalanay. Bal iswaydii ragii Hitler iyo Musaliini dunida ka xoreeyey wixii loogu abaal guday, waa loo abaal guday Taariihdana waa lagu dhigay waajib saarnaana oo umadoodu ku lahaydna way guteen intaa wax ka badan laguma qeexo hadaba adeeradeen waxanay inoo sameeyeen maxay tahay ? Ala ha u naxariisto intii waajib iyagoo gudanaaya dhimatay inta noolna waa inaan la hilmaamin ee Taariikhda lagu dhigtaa.


Waxba yuu hadalku ila sii durkine ma ogtahay inuu Hogaamiyihii ugu caansanaa waagii dagaalkii labaad kuna qanciyey Maraykan inuu dagaalka soo galo inuu ahaa Winston Churchill Raiisal wasaarihii Ingiriiska waxay umadiisu ugu jawaabtay ka dib markuu dagaalkii labaad dhamaaday (waxaanu kuu baahnayn waagii dagaalka ee kuuma baahnin waaga nabada)waxaana taalo wayn looga sameeyey saaxada ugu qiimaha badan dalka Ingiriis ee Parlamaanka dalka waxaana lagu dhigtaa Taariihda mawaaqiftiisii kala duwanayd iyo waajibaadkuu dalka usoo qabtay waxaana lagu soo koobaa (wuxuu ahaa nin ku begmay xili loo baahna )


Markuu Muuse inala dagaalamay "Dagaaladii sokeeye„
(anigoo wax dili kara duco qaadan maayo).

Adeero Muuse wuxuu ahaa gudoonkii shirkii lagu doortay Cabdiraxmaan Tuur 1989 ee SNM ku dooratay inuu ahaado gudoomiyahooda, hase ahaatee markii uu Taatikadii uu la yimi fushay ee dalkii uu xoreeyey Cabdiraxmaan Tuur Mucaaridkii ugu horeeyey ee ku kacaa waxaa horkacaayey Adeero Muuse iyo saaxiibkiisa mudada dheer Mr Kaahin. Wuxuu kaahin ahaa Wasiirkii ugu horeeyey ee iska casila isagoo ahaa wasiirkii gaashaandhiga kaxaystayna Sideed xubnood oo beeshiisa ugaga jiray Dawladii Tuur halka uu Muuse waagaa ku eedaynaayey Tuur inuu Berbera ciidamo beesha Tuur ka so jeeda ay qabsadeen, fitnadiii waagaa bilaabantayna waa tii ay ku burburtay dawladii Tuur.

Adeero Muuse wuxuu ahaa Wasiirka arimaha dibada May 1993- August 1995 Mudadaasina waa mudadii uu dalkeena ka socday dagaaladii sokeeye waxaana inagu kala dhintay kumaanaan iyo kumanaan waxaynu ka qaxnay dhamaan magaalooyinkeenii, waxaynuna ku noqonay halkii uu Siyaad ina geeyey ee xeryihii qaxootiga. Dad badan qaxii hore waxaa kaga xanuun badnaa kii danbe ee dagaaladii sokeeye. Waxaa iyo wax ka darinaba way dhacaan waana laga heshiiyaa se suaasha u wayn ee Muuse hor taalaa waxay noqon tahay dalka ma ka badbaadin karaayey dagalkii sokeeyeMise wuu ku qasbanaa maadama uu ahaa wasiirkii arimaha gudaha? Mise waxaa la odhan karaa caqliyada Milatery ah ee aynu ka soo sheekaynay ayaa ka qaalib noqotay ee ah gacan bir ah anoo wax dili kara duco qaadan maayo bale dhawaan ayey ahayd markii la waydiiyey inay somaliland ka gudubtay qorigii oo ay u gudubtay qalin oo isna ku jawaabay ma aaminsani in qorigii laga gudbay weli taas oo kuu cadaynaysa caqliyada milatery iyo siday badiba u fikiraan dhalinta soo qaadata tababarka nolosha Ciidamada.


Sideebay Habruhu ukala arkaan Muuse .

Muuse iyo Tolkii.
Maadama dhaqankeenu ku salaysan yahay Qabiil kastaan rabo inuu isna mar yidhaa ana waan soo taliyey Muuse tolkiina aanu marnaba si dadban mooye si toosa aanu talada dalka soo qaban waxay Tolkii hadanayaan inuu Muuse ugu fadhiisto Kursiga u sareeya talada dalka isagoo iyaga ka turjumaaya. Taasina waa ta keentay xaq iyo xaqdoroba inay ku taageeri karaan inankooda hadii Habrihii kale kusoo wada fadhiisteen waa markayagii waa siday ku andacoonayaan marka loo fikiro caqliyada ku salaysan qabiilka ee aynu sideeda ugu hadlayno maqaalkan. Heesta Muuse qaadaayaana wuxuu halku dhegeedu yahay Toolaayeey....... Tolaayeey.


Daymada Garxajis ee ku aadan Muuse

waxaynu la wada soconaa kaalintii uu ku lahaa Muuse dagaaladii sokeeye ee sagaashanaadkii, waxa kale oo aynu la soconaa inuu ka mid ahaa ragii horkacaayey burburintii iyo ka takhalusidii Dawladii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Tuur oo hayb ahaan ka soo jeeda Beesha Garjaxis ,halkaas oo Muuse laftiisu waraysiyo laga qaaday u arkaayey Cabdiraxmaan Tuur nin magaalada Berbera ciidamo Garxajis leeyahay soo toomiyey walow uu Tuur ugu jawaabay inaanu ahayn nin reer hebela waligiina Tolaay aanu odhan isagoo Gaadhigiisii uu lahaa xataa dayday ka dhacay kuna armay in faraha looga qaado oo aan laga daba tagin si aanay Habar-Habar u noqon. Sidaas darteed waxaa jirta gocoshoda ah inuu muuse iyo Kaahinba ahaayeen kuwo fitno wadayaala oo hor kacay dagaaladii sokeeye ee gaar ahaan beesha Garxajis la iska gaashaanbuuraystay waxaanay Beeshaasi u aragtaa inu yahay nin beeleed aanu Muuse noqon karin nin qaran.

Daymada Muuse ee ku aadan Garxajiy
Beesha Garxajis waa beesha ay ka soo jeedaan badi hurmuudkii garabkii Cabdiraxmaan Tuur ee ay is hayeen garabkii kale ee SNM ee Muuse iyo Kaahin, waxaana beesha Garaxjis ka soo jeeda Cabdiraxman Tuur, Axmed Mire, Ismaaciil Hure Buubaa iyo Cismaan Kaluun iyo qaar kaloo badan. Maadaama Muuse Caqliyadiisu tahay Mid ciidamaysan oo ah ta aynu ka soo sheekaynay dhamaantood dadkii aragtiidiisa tu ka duwan aaminsanaana ahaayeen kuwo hal beel ka soo wada jeeda waxaa laga yaaba inuu Muuse u arkoo beeshuba inay tahay amardiido ama dambiile waayo qawaaniinta caqliyada ciidamada ayaa sidaa dhigaysa waayo askriga amarka la siiyo diida waa dambiile walow amarkuba ha qaldanaadee wax kastoo dhakada kaaga yimaada hana ka doodin hana diidin ee sidiisa u qaado sida waxyi waxa sidaa dhigaaya nidaamka Ciidamada.

Muuse iyo Habar-jeclo
Dagaaladii sokeeyey waxay Beesha habar-jeclo xulufwadaag ahaayeen Muuse waxaana dhufsanayahara ay wadaagaan ahaayeen waagaaba saaxiibkaasa hada ee Kaahin. Marka la dabqaato caqliyada qabiilka ku salaysan ee aynu la hadhnay reerkii uga hiiliyey reerkaa ay is´hayeen wuxuu u hayaa abaal. Markii nabadii dhalatay ee loo gudbay Dimuquraadiyada beenta laga sheegay qadhmuunkii qabiilka hoosta kuwadatana waxay mar labaad xulufwadaag noqdeen si ay iskaga dhiciyeen beeshii shalayba khubaradeeda afkaarta isku hayeen, waxaanay taasi dhalisay inuu muuse beeshiisa ku qanciyo Siilaanyo ila taageera shan sano ka dib markuu ka dego ayeynu hagbada markeena qaadanaynaa. Waxaanay u dhacday sidii uu rabay oo waa la doortay Siilaanyo ka dibna isagaa isa soo sharxay hadana Habar jeclo isaga abaal bay u haysaa mar hadii inankeedii Siilaanyo qorshihii ay la rabeen fulay oo iyana taladii dalka mar ka soo taliyeen waxaanay maanta iyadu isku aragtaa inay tahay mid mudan inay abaalkiisii u celiso gar iyo gardorana way ku taageeridoontaa inta weli dadkeenu sidan u fikiraayaan.

Muuse iso xodxodasha Samaroon
Marka dhaqanka Somalida la eego laba Beelood oo kasta oo oodoodu is gaadhaa waxay wadaagaan xurguf soojireen ama daaq ha isku qabtaan ama xoolo ama biyo ama isku dhacyo kaleba sida dhaqankeena ku caana, sidaas darteed sida Beelaha Habarjeclo iyo Habaryoonis oo kale xurguf dhaqameedku uga dhaxeeyo ayaa Beesha Samaroon iyo Beesha Sacad-Muuse ee Muuse ka soo jeedo uga dhaxaysaa xurguf dhaqameed walaw ay isdhalaan oo dadka iskaga dhaw yihiin se bulaacada dhaqankeena ayaa qudhmisa xiliyada qaar.

Sida dad badani tilmaamaan Muuse soo dhawayn badan kama helo Boorama hase ahaatee waxay Boorami ku naalootaa inay badi xaq u leedahay madaxweyne ku xigeen. Balse waabay ka soo talisay oo Riyaale Kaahinbaa ka soo jeeday sidaas darteed lama dhayalsan karo se wuxuu ciyaaray Taatiko oo wuxuu Xisbiga Kulmiye ku soo daray Prof. Samater si uu ugu xodxoto Boorama.


Muuse iyo aragtida Bulshada Reer Somalind ee kale.
Waxan warbaahinta la yidhaa ama waxa ugu badan ee aad cid ka maqashaa waxay caqliga iyo qaab u fikirka qofka kaga tagaan raadayn, tusaale hadii lagugu soo cel-celiyo ereyo sawir ka bixinaaya qof walow yaanay saxba ahaanina waxaa dhacda markasta oo qofkii aad aragto waxaa maskaxdaada ku soo dhacaaya wixii lagaaga sheegi jiray Tusaale ahaan hebel waa Tuug hadii lagu yidhaa markaad hebel kii aragto waxaa kugu soo dhacaaya kalmadii lagaaga sheegay kolkaa siday bulshada Reer Somaliland u badan tahay waxaa dhacda in ay Muuse markay maqasho soo xasuusato ereyga u caan baxay ee uu iskagu ku heesay waayo waayoda ka mid ahayd ee ahaa (anoo wax dili kara duco qaadan maayo) halkaas oo laga fahmo inuu yahay nin dagaalka dhankiisa u janjeedha iyadoo tusaale looga qaadanaayo intuu xilka u hayey umada iyo wixii ku kala dhintay.

Muuse oo Madaxwayne ah iyo Soomaaliya.
Umada aynu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed se aynu isku qabanay saamiqaybsigii Hashii Maandeeq ee inaga wada dhaxayn jirtay waxay inooga baahanyihiin qorshe aynu waxeenana kaga soo dhacsan karno iyagana ku badbaadin karno ilayn waa lug kaa go´daye ,waa dad dhiig iyo dareenba inaga dhaxeeyo waana kuwo hadii si falsami ku jirto loo xaliyo mashaakilka inaga dhexeeya la iska kaashan karo dhinac kasta. Sidaas darteed Istaaraatiijiyada ay kooxda Muuse horkaacayey inagu hogaamin jireen ee ahayd (I´iinyo Istiraariiji) waxay noqotay mid madhalaysa 25 sano ka dig oo aynu raacaynay hal Istiraatiijiyad oo xidhan taas awaamirtii ciidamada lagu soo rogay cidii albaabkaa furtaana waxaa laga dhigay dambiile waayo waa siday Askartu u fikirto.

Somaliya la hadli mayno, Somaliya waxba tari mayno, Somaliya wada hadashiin mayno, Somaliya gogol u fidin mayno waxaanu sugaynaa intay iyagu hagaagayaan. Waxay taasi ahayd Istiraatiijiyadii Muuse iyo kooxdiisu ku qasbeen dadka cidii burisaana dambiile ay ka dhigeen se waxaa ka wacnayd inaynu Somali Gogol u fidino samayno cidii aynu inagu mustaqbalkeena kala hadli lahayn inagoo adeegsanayna maahmaahda Somalidu hore ugu maahmaahday ee tidhaa
(Dantaada Harag Ey baa loogu jiifsada ) .

25 in ka badan waxaynu ka santaagaynay xaqiiqadu waxay Konfurta Sudan waxay ka goday Sudanta kale markay wada hadleen, Eriteriya waxay Itoobiya ka go´day markay wada hadleen, East Timor waxa Indonisia ka go´day markay Indonesia wada hadleen Somaliland waxay Somaliya ka go´i doontaa markay miiska wada fadhiistaan ma sheegin sida Isra´iil oo kale hadii mucjiso wayni inaga gasho wadamada danaha inaga leh.

Hadaba suaashu waxay tahay Muuse qorshahiisii 25 sano uu aaminsanaa inaan nimankaa lala hadal in la sugo int ay iyagu soo bogsanayaan ma badali doonaa oo gogol ma fidin doonaa oo meel kastoo danta Somaliland gasho masala Ey ma ugu jiifsan doonaa? mise weli caqliyadii milateriga ahayd ayuu Diblamaasiyada dunidana kula dhaqmi doonaa ? walow xisbigiisu uu la furay wada hadalo iyagu laftoodu madhalay noqday, waayo? Maaha kuwo la raacaayo shardiga wadahadaladu ku guulaystaan ee ah
(win-win solution)guulayso ana aan guulaysto.

Muuse iyo Itoobiya

Itoobiya waa wadanka ugu saamaynta badan siyaasada Somalida Waqooyin iyo Koonfurba, waxaanay ka leedahay dano qoto dheer gaar ahaana somaliland hadiiba Soomaaliyada kale lagu qeexo inaaanay dan ugu jirin Itoobiya inaanay Somaliyi degin waxaa la tilmaamaa inaanay dani ugu jirin Somaliland oo colaad ka dhalato. Sidaas darteed iyada marwalba waxaa dani ugu jirtaa iyadoo Somaliland nabada xoolaheedana ka soo dhoofsata ama ka sii dhoofsata Dekeda. Sidoo kalena saamaynta kalee ay ku leedahay iyo Caro-edegaynta ay ka wado aan cidi ka qashqashin.

Kolkaa Itoobiya laba shaybaa isbarkan Muuse oo ah shakhsi ay si wacan u taqaan sido kalena ah dhalintii u jabiyey libaaxii Afrika ee Dawladii Somaliya si wacana way u taqaan wuxuu galo iyo wuxuu gudo waana midi ay daabkeeda qaban taqaan oo kuma cusba . Se wuxuu Muuse yahay shakhsi xasaasiyad laga qabo Somaliland gudaheeda waxaana dhici karta hadiiba uu soo baxo dalku inuu geli karo dagaalo sokeeye, Muusena caqliyadiisa Askarinimo waynu wada naqaana mucaaridkii shalay maantana way joogaan iyagoo waliba biyo ismarin Sida Axmed Mire iyo kooxdiisii Cuqdadii qabiilkuna waxay maraysaa meel aad u saraysa kolkaa dan Itoobiya ma ugu jirtaa inuu Muuse soo baxo? Waa suaal jawaabteeda ayaamuhu ka jawaabi doonaan.
Gunaanadka.
Guntii iyo gebogebadii waxba yuu hadalku ila sii durkine caqliyada maqaalkan qortay waa caqliyada taala dalkeenii dadkuna wax ku qiimeeyaan se maaha ta aan aaminsanahay se waxaan arkaa inagoo runtaa ka beensheegna oo wax kale isku sheegna inagoo magacyo kale iyo dhaqamo umada kale leeyihiin intaynu magac ahaan soo qaadanay shaadhna uga tolnay dhaqankii Qabyaalada ee aynu lahayn oo dhakadana kaga qornay Dimuquraadiyada hoostana ay kaga jirto Qabyaaladii oo aan biyo is marin. Dhanka inamadii inoo kacaamay ee ay ahayd inay bulshada ka boqsiiyaan dhaqankaa qabiilkuna waxay noqdeen kuwo iyagu gabood ka dhigta dhaqankeeni qabiilka, taasna aad aragto weli umadii oo aan waxba iska badalin waana ayaan daro inaad maanta ku suurayn karto gabaygii Abwaan Axmed Ismaciil Diiriye Qaasin ee ahaa :

Umadii daryeel ma helin daacada ahayde
Sidiibay u doonyeysantahay Damashii weynayde

Sidiibay duleedada darli´i ugu darjeexaane
Sidiiba dudada Aardhiciyo Dacaw u joogaaye
Sidiibaa Dugaag uga gurtaa daaqa xoolaha´e
Sidiibaa ducaa Aqaladu uga daloolaan
Sidiibaa daroorimada iyo daad u galayaa
Sidiibay degmadu ceelashii ugu darleeftaaye
Sidiibaa dagaalow biyaa loo dawariyaa
Sidiibay dabagaabsi u tahay Haradii Doolood
oo ay dibin-daabyiyo diriri joogtaaye
waakaa dareersaday Amxaar dayrcadkii dhalay
dambi ku hadlimaayee maan arag Dawladaan rabay
isma doorin gaalkaan diriyo daarta kii galaye
misane laguma diirsade qalbigu waa dirkii kalee
meeshaan dad aan ururshiyo dirir ka eegaayey
iyaba waa darxumo ii hadhee dacar miyaan leefay
ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
sidii aan dayeysanahay miyaan dawgii ka halaabay

wa bilaahi tawfiiq I.C



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online