Saadaashaa Doorashadan dhafoortaabadka ah iyo siday u adagtahay inay Somaliland ka badbaado dagaal sokeeye.

0
December 09, 2016 in Wararka by staf ger
  • Visits: 1782
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saadaashaa Doorashadan dhafoortaabadka ah iyo siday u adagtahay inay Somaliland ka badbaado dagaal sokeeye.

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wacanoo wanaagsan Akhyaareey idil ahaantiinba waxaynu qormadan ku baaladaymoondonaa  wixii eebe inaga garansiiyo halista ay ku jirto Shankaroonland doorkan maanta ah Doorashadan dhafoortaabadka ah  awgeed.


Saadaasha Doorashadan

Waxaynu la wada soconaa beryahan in goobihii ugu caansanaa Dunidan ee wax saadaalin jiray ay ku fashilmeen odoroskii dhacdooyinkii sanadkan , goobahaas ah kuwo ku xidhan Jaamacadaha iyo ilowareedyada dunida ugu caansan hadana inay ku guuldaraysteen saadaasha  labadii dhacdo ee ugu muhiimsanaa sanadkan aynu ku jirno oo kala ahaa Codbixintii Ingiriisku kaga baxay Midowga Yurub iyo Doorashadii Maraykan ee uu ku soo baxay  mudane Trump.

Sidaas awgeed waxaa suura gal noqon karta inay ka soo baxaan doorashada Somaliland waxaan la filanayn, labada garab ee ku loolamaaya oo midiba xujooyin culus iyo cudud ku hanjabaayo wax kastaba filo. dhacdooyinkaa dunida ka dhacay ee afkala qaad ku noqotay goobihii lahaa waxbaanu saadalinaana waxaynu ka faaiidaysan karnaa inaanu qofna mustaqbalka soo socda ku odhan karin hubaal awaal tirisa.

kala duwanaanshiiyaha Ololaha Doorashada ee Wadani iyo Kulmiye.

Wadani

Inkastoo dhamaantood Axsaabteena laga wada urinaayo sumada Qabiil sida Kulmiye loogu tilmaamo inuu yahay hagbad laba reerood ku bahoobeen siday marwo Samsamba ku cadaysay erayadii xanafta bada lahaa ee magaalada Burco ay isku dayday inay isku soofayso labada Beelood ee walaalaha ah ee wada dega Burco. Waxaad moodaa in xisbiga Wadani uu ka duwan yahay Kulmiye marka loo eego siduu Kulmiye iskugu soofeeynaayo Beelaha qaar.

Waxaynu dhawaan ogsoonayn inay si balaadhan ugu biireen madax tiro badan leh oo ka soo digo rogtay xisbiga Kulmiye,  ha ugu faanohoreeyeen Mudane Xirsi iyo Mudane Yoonis wasiirkii hore arimaha dibada ee Somaliland. Dhacdadaa ka dib waxaad moodaa inuu noqday xisbi ay iska dhex arkaan badi beelaha Somaliland walow muran badan uu dhaliyey dhacdadii (Muumin) inkastoo dhanka Wadani ay si kale u fasireen.

Kulmiye

Markaynu u nimaadno xisbiga Kulmiye waxa uu yahay xisbiga gacanta ku haya xukuumadii mudo lixsano ah ka soo talinaysay dalka waxaana mudadaa lagu eedeeyaa inay aad u biyo dhigtay dadkii Qabyaaladii waxaanay umadii usii kala jajabaysaa Beel-Beel. Waxay xukuumadu maalinba gaar ula shirtaa qaab qabiilaysan hadba beesha ay xodxodanayso, waxaana tusaale inoogu filan dhacdadii muruga lahayd ee ka dhacday dhawaanta magaalada Burco taas oo ay wasiirada marwo Samsam ereyo xanafbadan reebay kaga dhawaaqday goob uu goobjoog ka ahaa Madaxweyne Siilaanyo.

Hadalkaas oo ahaa in dawladaba ay doorteen laba beelood  (hadaanu nahay reer hebelna shalaanu dooranay Siilaanyo oo beeshiina ah ee idina maanta waa inaydin doorataan Muuse Biixi oo beeshayada ah), Waxaa dhacdadaa sii raacday waxay dawladu ugu yeedhay Isku-shaandhayn oo looga gol lahaa in beelo lagu qanciyo hebelo isku duurxulana ay kukala aargoosanayeen taas oo khilaafsanba weedhihii Siilaanyo  ee ahaa waxaanu dhisidoonaa Dawlada tiro yar se tayo badan. waxaana dad badan oo Siyaasada Somaliland ka faaloodaa tilmaamayaan inay khatar ku tahay midnimadii beelahan kolba madax la isku gelinaayo ee xataa dhulkii Gobolo iyo Degmooyin loo magacaabaayo si reer hebel loo raali galiyo.

Saadaasha guusha Wadani iyo waxa dhici kara haduu guulaysto.
Xisbigan oo ah xisbiga ugu da´da yar axsaabta Somaliland hase ahaatee ah mid xawaare aada ku socda marka laga eego heerkuu ka yimi iyo halkuu maanta maraayo. Markaynu eegno jaaniska uu haysto dhinaca suuragalnimada guusha waxay tahay mid aad u saraysa waayo badi lixsano oo uu Kulmiye dalka ka talinaayey waxaa aad usii xoogaysatay qabyaaladii waxaanay dadku badi ku hungoobeen waxyaalo badan oo hogaanka xisbiga Kulmiye ku hadaaqi jiray xiligii uu ku jiray ololaha doorasho.

Sida caadiga ahna badi dadku waxay u hamuun qabaan waligeedba wixii cusub, hadii aanu xisbiga dalka kolkaa ka taliyaa aanu guulo wax ku oola oo saameeyey nolosha bulshada ku dhaqan dalkaa aanu keenin badi dadku waxay u codeeyaan cida isbadal kale ugu baaqda, sidaa darteed wuxuu Wadani haystaa jaanis aad u badan waayo dadku way tijaabiyeen Kulmiye. Waxaa kale oo jirta in murashaxa xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi  uu yahay qof badi dadka reer Somaliland ku kala qaybsan yihiin marka loo eego taariikhdiisa ku aadan dagaaladii sokeeye.

Markaynu u nimaadno hadiiba wadani ku guulaysto waxaa muuqata inay adagtahay inuu si sahlan u dhayi karo boogaha malaxaysan ee xisbiga Kulmiye damqay ee gaar ahaan is ahaanshihii bulshada reer Somaliland taas oo aan uga jeedo qabyaaladii oo aad u sii faaftay wax kastoo la eegaayan  dhanka qabiilka laga eegaayo,inkastoo badi la iska dhex arko hadana waxaa dhici karta in loo arko sidii Kulmiye loo arki jiray hadaanu la iman isbadalo uu ku tirtiraayo qabyaalada ragaadisay maamulkii umadeena.

 waxaa kale oo aad u sii baahay dhinaca musuqmaasuqii, waxaa la xalaashaday hantidii umadu lahayd waxaanu xisbiga Kulmiye sii beeray qodxo badan. Hase ahaatee maadaama badi hogaanka sare ee xisbiga Wadani aanay ahayn kuwo ku astaysan dagaal sokeeye sida madaxda   Kulmiye (Muuse iyo Ina Kaahin) waxaa dhici karta inay kusoo dabaalaan wixii khilaafa ee ka hor yimaada xal nabadeed. Waxaa xusid mudan in Ciro iyo Xirsi ka soo kala jeedaan laba beelood oo aad muhiim ugu ah nabada Somaliland halka aanu jaaniskaa Kulmiye ka haysan taasna dad badani uga  baqo qabaan hadii uu Kulmiye ku guulaysto dagaal sokeeye.

Jaaniska  guusha Kulmiye Doorashadan iyo waxa dhici kara haduu ku guulaysto sidoo kale Saadka Kulmiye u yaala xumaan iyo samaanba.
Xisbigan oo ah xisbil xaakimka dalkana in mudo ah ka soo talinaayey  inkastoo uu wax badan qabtay hadana wax badan oo dhiman ayaa jira. wuxuu bilaabay dibu dhiska wadooyin,qaabayn wax barasho sida qiimihii waxbarashada oo uu wax ka badalay, waxaanu wax ka dhisay haayadihii dawlada, wuxuu kaloo dhisay dhismayaal cusub. Dhinaca xidhiidhka dibada wuxuu wax ka badalay qaacidadii ahayd inaan Somaliya lala hadal oo wuxuu bilaabay wadahadal inaga iyo Somaliya intuu xilka hayey waxaa sii xumaaday xidhiidhkii shirkada DPWorld iyo dalka Jabuuti taasoo sababtay inay shirkada DPWorld danayso dekeda Berbera jaaniskaasna waxay Xukuumada Kulmiye ku uga faaiidaysatay inaanu dhaafin ee markii lasoo waydiistay waxay si toosa ugu wareejisay dekedii Berbera DPWorld taas oo la odhan karo waa waxa ugu wayn ee lagu xasuusto xukuumada Kulmiye.

Dhanka kale bal aynu eegno wixii seegay Kulmiye waayo somalidu waxay tidhaahdaa (Nimaan hali seegine Hooyo ma dhasho) Xukuumada Kulmiye waxaa lagu tilmaamaa xukuumadihii Somaliland soo maray tii ugu Musuqmaasuga iyo Qabyaalada badnayd. Waxaa la xusaa in aad loo xalaashaday hantidii dawlada taas oo lagu qiyaaso boqolaal iyo boqolaal Guri oo dan guud ahaa si beelaysan hebelo la yaqaan lagu wareejiyey, waxaynu wada xasuusanaa wixii ka dhashay Maktabadii Gaandi iyo sidii la rabay in cid ay isku hayb wadaagaan Madaxweynaha loogu wareejiyo.Waxaase xusid mudan in badi madaxdii waxbadan wax ka qabtay guulahaasi ay maanta ku biireen dhanka Wadani goblana uu ka joogo madaxdii guulahaas keenay xisbigii Kulmiye.

Intaa waxaa ka sii daran iyadoo aad u sii faaftay qabyaaladii si badheedha taas oo aad u dhaawacday midnimadii iyo is-ahaanshihii umada reer Somaliland waxaana kala irdhoobay dadkii walaalaha ahaa iyadoo markii horeba booga jireen iyo cadaalad daro ay tirsanayaan dadyow badan oo  reer Somaliland ah bale ay siduu Faysal Cali Waraabe marar badan tilmaamo in Somaliland loo kala badsaday sidii loo kala hor iimaansaday. iyadoo waxaasoo dhami jiraan halkay ahayd inay dhayaal nabaradaa iyo boogahaa wuxuu xisbigan Kulmiye sii boholo-boholeeyey nabaradii waxaana ugu danbeeyey markii ay dhawaan Burco marwo Samsam ereyadii xanafta lahaa ee  qabyaalada cad ahaa ay kaga dhawaaqaday goob uu joogay madaxwaynaha laftiisu dhacdadaas oo aanay ilaa hada xisbiga Kulmiye cudurdaar ka bixin sidaana ugu gashay taariikhda ma guuraanka ah aadna usii kala irdhaysay dadkii wada lahaa keegan yar.

Waxaa kale oo xusid mudan in Murashaxa xisbiga Kulmiye yahay mid ku eedaysan dagaalo sokeeye dad badan oo reer Somaliland ahina ay ka qabaan xasaasiyad, waxaa kale oo usii raaca isagoo Muuse leh dhaqan askariyeed taas oo badi baraha bulshada iyo taariikhda wixii laga xuso intuu xilka hayeyba lagu xuso . Waxaana taageerada ugu badan ee uu haystaa tahay mid ku salaysan qaab beelaysan haday tahay beesha uu ka dhashay iyo haday tahay beesha ay ku soo baxday ereybixintii maalinta dhawayd ee Gaashaanbuurta taas oo looga jeedo beesha Siilaanyo shalaanu dooranee idina maanta noo doorta se suaashu waxay tahay ma dhabaa waxay Samsam tidhi ee ah in laba beelood awgood uu ku soo baxay madaxwayne Siilaanyo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa cad waqtigan aynu ku jirno sida dadkii u kala irdhoobeen iyo siday halista u daaqayso hashii Maandeeq ee aynu ku dhaadan jirnay inaynu la soo laabanay 1991 doorashadanina waa mid ina xasuusin doonta ereyadii dahabiga ahaa ee uu ku sii sagootiyey maalinti uu xilka ku warejinaayey Siilaanyo  madaxweynihii hore ee Somaliland mudane Dahir Riyale Kahin kaas oo ku yidhi ( waxaan kaaga tagayaa dal iyo dad mida ) waxayna suaashu noqon doontaa madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa Kulmiye ma ka tagi doonaan dal iyo dad midaysan mise waxaynu goosan afwaynta oo waxa iman maalin la odhandoono alow yaa harageedii nagaga celiya.

Guusha Kulmiye haduu ku guulaysto iyo dagaalka.
Waxaan muran ku jiran doorashadan la isku habarwacday ee ku salaysan qabyaalada sida tooska ahna la isugu abtirsaday abtirsigaas oo gaadhay madaxii sare ee umada oo hab qabiil isku garabsiiyey waxaynu aragnaa siyaasiyiintii iskugu necbaa oo midba midkuu la qabiil ahaa haduu necbaa garabsiiyey Samaale oo Muusihii uu ugu necbaa u toobad keenay, halka horeba ay u dhacday inuu Saleebaan Gaal Siilaanyo taageeray dhanka kale hadaynu eegno Dr Gabooseba waa kii Taageeray Ciro oo xurgufi ka dhaxaysay  waxaana la rajaynayaa inuu Jamaal isugu biyo shubto.

Sawirka noocaas ah ee la isku habar-habarsheegtay maxaa ka dhalan kara? natiijada dorashadan way iska cadahay inay ku kala qancaan natiijada doorashadan halista ah, gaar ahaana hadiiba uu soo baxo Muuse iyo kooxdiisa seefta wadataa kuwaas oo aaminsan caqliyada Askarinimada ee ah in lagu xaliyo khilaafaad badan gacan, taas` oo horseedi doonta dagaalka sokeeye waxaa cad inaanay Beesha laga gaashaanbuuraystay aanay aqbali doonin  Muuse iyo kooxdiisa , waxaa kaloo cad inaan Muuse lagu qancinkarin inuu xilkaan ka tanaasulo si Somaliland u badbaado sidaas darteedna hadiba uu soo baxo Muuse beesha laga gaashaanbuuraystay waa midaan aqbalidoonin waana halka Somaliland Fidaheeda iyo Axankeedaba doorkan lagu cunidoono.

Siduu kulmiye u maamuli doonaa dagaalka sokeeye haday guulaystaan iyo hadii laga guulaystoba?

Haduu guulaysto.

Waxaa iska cad hadiiba uu durku daabac u rogmo oo Muuse iyo kooxdiisu soo baxaan inay nabadu faraxa ka baxayso waayo waxay u muuqataa qoladii shalayba Muuse isku dhaceen inaanay maanta diyaar u ahayn hogaan ay u hoos tagaan Muuse sidaynu hore u xusnaybana dalku wuxuu ku soo socday Muuse iyo Kaahin midna xil umadan uma soo qaban se maanta haday figta sare u fuulaan waa hubaal inay nabadaa yare faraha ka baxayso.

Hadaba waxay tahay suaashu siday u maamuli doonaan Kooxda Kulmiye hadiiba diidmo qayaxan oo beelaysan lagala horyimaado ? Waxay tahay jawaabta suaashaasi oo koobani waxay adeegan magaca dawladeed waxaanay adeegsan caqliyada Askarinimada sida caadatan lagu yaqaan Milateriga, waxa ugu horeeya ee ay gacanta ku dhigi wuxuu noqon doonaa dhamaan goobaha ciidanka sida qudhee taasi ku hirgalaysaana in qaab beelaysan hubka iyo hogaanka ciidanka loo maamulaa iyadoo awood la adeegsanaayo. Waxaa la xoqi boogo badan oo beelaha walaalaha ah ka dhaxeeyey una baahnaa in la dhayo waxaana si rasmiya ay iskugu dayidoonaan inay curiyaan Gaashaanbuuraysi jeegaaamaysan hadii aan Eebe inaga badbaadin.

dhanka kale waxaa ka dilaaci mitid iyo tolaayey waxaana halkaa gebi ahaanba lagu soo afmeeri himilada Somaliland iyo jacaylkeeda waxaana lagu laaban Habar-Habartii inagoo aakhirkana ku danbayn doonaa sida koonfur iyo isma dhaanto hadaan eebe xal degdega keenin, saadaasha hada muuqataa maaha mid irbaan ee eebe ha inoo sahlo waayo waxaad hada arkaysaa iyadoo wixii inaga wada dhaxeeyey dhamaan hoos looga wada daadagay oo malaxdii qabiilka siday tahay dib loogu laabtay.

Sidee looga badbaadi karaa Hebelada isku duurxula dalkana dagaal sokeeye looga badbaadinkaraa?
Waxaa hubaala inaanay bulshadani dhib isku qabin wada noolshaheda hase ahaatee  hadba shakhsiyaad gaari ku adeegtaan magaca qabiilka iyo inay kala qoqobaan dad walaalo ah oo dani meel wada dejisay. badi markaad eegto dagaalkastoo dhaca madaxyaweyntu ma dhimato ee waxa ku le´daa waa uun dhalintii iyo ubaxii umada u kacaamaysay bal gadaal dib ugu laabo dagaaladii sokeeye reerkasta qabqablahoodii wuu noolyahay miday kaneeco dishay oo bestii u dhintay mooye nimanka maanta ina hogaaminaaya waa kuwii shalay labada dhinac la soo kala safnaa  midina ma dhiman waa Muuse,Waa Ina Kaahin, waa Buubaa,Waa Axmed Mire,Dayib Guray, Dhegowayne iyo qaar kaloo badan.

Xalka koowaad.

Xalka koowaad waa in nin walba habartiisu ku qancisaa inay odayaashani siyaasada ka dhafiistaan waqtigoodiina soo qaateen maantana aanay ahayn xiligii ay umada mar labaad iska horkeeni lahaayeen umaduna iyaga awgood u coloobi lahayd.

Xalka labaad.
In kooxdaa isku duurxula dhamaantood lagu qanciyo inay nolosha dibadaha ku qaataan ninkastana habartiisu inaga mustaafiriso, taasina waxay sababi inaynu ilawno sidoo kale wajiyadan isku muuqdaa ma jirayaan ninba qaarad buu sida wariye inooga soo warami oo tajribadiisa aynu ka waraysan se iyadoo la doorbidaayo maslaxada caamka waxa inoo fiican inaanay inagu soo laaban oo qurbe joog ku qaataan maalmaha uga hadhay nolosha.

Xalka sadexaad ee kama danbayska ah.
Xalkani maaha mid sahlan waxaanu badanaa ka fulaa umadaha horumaray ee leh hogaan ka amarqaata  musdanbeed , musdanbeedkaas oo aan badi la aqoon kuwaas oo hamadooda guud tahay wixii u dana umada ay kolkaa u taliyaan waxay musdanbeedkaasi sameeyaan hadiiba ay dhacdo inay soo baxdo cid khalkhalgalinkarta amaanka guud ee umadaas waxay u maleegaan dilal qorshaysan oo ay adagtahay in la furo guntimaha ay xidhaan waana sababta sababta inaad maqasho waxa loogu yeedho (Conspirancy theories ) imisaad maqashaa qof magac lahaa oo dilqorshaysan lagu fuliyey waxaa hubaala inay ciduun ka danbaysay dilkiisa cidaasoo u aragtay inuu danaheeda khatar ku yahay sidaas awgeed waa xal jira oo lagu khaarajiyo  dadka sharkooda la rabo in umad laga badbaadiyo hase ahaatee inaga xalkaasi waa suura gal se ila maha inuu hir gali karo waayo waxaynu nahay umad muslima oo shirqoolada noocaasi diiniyan iyo akhlaaqiyanba waa kuwo aan ka hirgali karin umad muslima.

Hadal iyo dhamaan  waxaynu ka hadlaynoo ah mustaqbalka soo socda mustaqbalkana waxaa ogaan kara uun Eebe hase ahaatee waxaynu wuxuun bay ku eegyihiin odorsid iyo faalayn inagoo waaqaca maanta aynu ku noolnahay ka saad qaadanayna balse doorashadana waxaan kaga bixi  erayadii uu inagaga dhinta Abwaan Ibrahin Gadhle kuwaas oo aad moodo inay markasta oo xaaladan kala guurka ah aynu ku jirno inay taagan yihiin ee ahaa

Sida daalinkii hore
ma mid daaraaddiisuun
derejada ku kooboo
inta kale dulmay dhali
mise doorkan maanta ah
dadku nin uu u simanyiyo
damal la hadhsaday dhali
Sida daalinkii hore
duul wada walaalo ah
ma mid kala durkinayiyo
beelo kala dilay dhali
Mise doorkan maanta ah
mid dadkaa is wada nacay
isku soo dabbaaliyo
dermo nabada bay dhali

wa bilaabi tawfiiq I.C



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online