Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimi ! Waji Gabaxii iyo Karaamola,aantii uu Saaka Cali Guray kala Kulmay Shirkii Kulmiye iyo Qaabilaadii Muuse Biixi

0
December 18, 2016 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 1785
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimi ! Waji Gabaxii iyo Karaamola,aantii uu Saaka Cali Guray kala Kulmay Shirkii Kulmiye iyo Qaabilaadii Muuse Biixi

    Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimi ! Waji Gabaxii iyo Karaamola,aantii uu Saaka Cali Guray kala Kulmay Shirkii Kulmiye iyo Qaabilaadii Muuse Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimi ! Waji Gabaxii iyo Karaamola,aantii uu Saaka Cali Guray kala Kulmay Shirkii Kulmiye iyo Qaabilaadii Muuse Biixi Somalilandlive.com/  Sheeko Somalida ayaa Badanaaba Kubilaabanta  Sheekaba Sheeko  ayay Keenta  iyada  oo  Looga Jeeda  in Hadalku   Kuxasuusiyo  Taariikho Hore  Dhacdooyin  Kusoomara  amaba  lagaaga Sheekeeyay  taas oo kahadkeedu kuyimi  Xasuus Laxidhiidha   Dhacda  Wakhtigan  Isaga ah Taagan!  Qormadaydan Caawa ayaan kubilaabantay  Xasuusta  iyo  Wareega Taariikhda  ee  Sida   Giraanta   Qaybiba maalin  kuhor  Imanayso,


 Ali Yusuf     oo  Caan ku ah   Cali Guray  mararka Qaarna looguba Yeedho Mujjaahid Ali Guray Madama  uu Kamid ahaa  jabhadii  Xoraynta  Jamhuuriyada  Somaliland  ee SNM   Cali Guray  Taariikh Siyaaseed oo  Facwayn  male Sidoo  kalana Majirto Xilal Miisaan Siyaasiya leh oo Dalka kasoo Qabtay   Balse Hadal banaantiisa   Dhiiranaatu  iyo Aflagaadada Qabyaaladu  Kudheehantay ayaa  Sabab   Unoqotay In Magaciisu  kasare Maro Siyaasiin Caan ahaa  Xilal  Badana Dalka Kasoo Qabtay.

Waxa  uu mudo badan   ahaa Mucaarid Kulmiye ah Balse Macalfan   Guushii Kulmiye  Helay Mucaaridnimo Badan kadib  waxana  uu Albaabka Arsaaqada Waydaartay Markii Wax yar uun  uga dhimantay   Guushii Xisbiga  Kulmiye waxa  uu Kubiiray Xisbigii Waagaas  Caleentiisu Cadayd  ee UDUB  kaas oo Mudo  Kooban Kadib Kuduldumay Cali Guray  Burburka Xisbigii UDUB door  aan  qarsoonayn ayuu Cali  Guray  Kasoqaatay kadib  Markii uu   lakala  saftay  Khilaafkii Damaaciga ahaa ee   soo  kaladhex  galay  Ex Wasiir Waran Cade  iyo Ex Musharrax Jamaal Cali Xuseen Mudo  kadib Xisbigaas ayaa burburay waxa  uu  Cali Guray Bustihiisa  Duldhigtay Xisbiga UCID oo  uu  Jamaal Cali Xuseen  kulugdaray inyar  uun Kadib Guushii Dirqiga ahayd  ee  uu Xisbiga UCID  kaga  soogudbay Tartankii Ururada  waxa   Istaadhmay  Khilaafka  Xisbiga UCID ee markii danbe  burburiyay   sida   uu Faysal Cali Waraabe waxabadan   Sheegay  waxa  khilaafka    bar bilaw u ahaa  Cali Guray,  waxa  xaajadu sii   xumaatay  bilagii sannadkii  2015  markii  Cali Guray  Fashilyay  Qorshe Reeraysnaa oo Xan ahaan Loogu Keenay Waxa  uu Sheegay in Beesha   Habar Awal  ay Leeday Plane B Hadii   Plane  A   u  meel mariwaydo.


 Muxuu  uga jeeday   Plane B   iyo plane  A?

 Plane  A( Qorshaha  Koowaad )  waxa  uu ahaa Jamaal Cali Xuseen  i uu noqdo Musharrax Madaxwayne hadii  Xisbiga Kulmiye Siilaanyo marlabaad  kanoqdo   musharrax Madaxwayne.

Plane B:-  Qorshaha Labaad) Hadii Siilaanyo  dabadii Xukunka Xisbiga  kulmiye  lagu wareejiyo Muuse  Biixi in Qorshaha Jamaal Cali Xuseen    ka kac  iyo Waxba Kamajiraan laga sooqaado  oo Awooda  laysugu  geeyo Musharrax Muuse Biixi.

Labada  Qorshe oo Cali Guray Xan ahaan loogu sheegay waxa  uu isna  ufaafiyay  qaab   Public  ah  waxana   arintaas  aad  uga  Cadhooday jamaal Cali Xuseen oo Shaki badan   kagalay hadalka uu  sheegayo  Cali  Waxana  uu Jamaal dhawaaqa   kasoobaxay Waagaas  Cali    guray  Kubeeniyay Waraysi  ee  uu    Badhtamihii   2015  Siiyay  Warbaahinta Somalilandlive Media  balse  sida  ay  xaqiiqada  noqotay  Cali  Guray ayaa ahaa  nin ka Ogaalbadan  Jamaal Cali Xuseen waxana xaqiiqo  noqotay in Hankii Jamaal  loosidqeeyo  rabitaanka Muuse Biixi



  • Isaga  oo Og Abaal  Xumada  iyo  Karaamo La,aanta  Kulmiye  kaga Horaysa ayuu Hadana Saaka Ismaqiiqay Waxa  uu Iska Xaadiriyay Hotel Maansoor Halkaas oo Lagu Qabanayay Shirkii Garabka Dhaliinyarada  ee  kulmiye sida  waan Warar   kala Duwan Kuhelnay waxa  uu Halkaas   kala Kulmay  Cali Guray  Karaamo Dhac  iyo Jawi Gabax  ah (.Kuuma Yeedhine Aduunbaa Yimi)  Sababtuna waxa ay ahayd mid  iska cad  Sannado  tiro badan oo  Cali Guray  Soowaday  Aflagaadooyin  iyo  Soobandhiga Ceebaha Qarsoon ee Muuse Biixi  waxa inaas  udheera in aanu  Cali Guray ahayn nin kalsoni badan  lagu   qabi kari maadama  uu Maalinba Meel  uguuro halkii uu Dantiisa  kadhex arko  waa  Siyaasi Cadaysimo ah ama Garab  rarato ah aan meelna kubiirin miisaan siyaasi ah    si kale hadaan  udhigno waa  siyaasna  halka uu Tagana aan wax   kala   tagan halka uu kubiirana  aan wax  kulabiirin.

 Muuse bixii waxa uu Ladhaafay Salaanta Cali Guray Balse Mardanbe ayuu Cali Kasoodaba kacay  oo Salaan  aan Qiimayn lahayn  Muuse Biixi Salaamay  arintaas  oo aan kayaabin   Cali Guray  ayaa ahayd  Fariin Cad oo ah Kuuma Yeedhin ee Aduunbaa Yimi


Cali Guray  oo Salaanta  ku Qasbaya Muuse Biixi

lamahubo  halka ay  isla gaadhidoonan Muuse Biixi  iyo Cali Guray balse burburintii Xisbiga UCID  oo ahaa kii ugu danbeeyay  ee uu burburiyo  ayay hada  iswaydiitu tahay  kulmiye  ma isaga ayaa  burburin mise  waa laga  Burin-?  aynu Dhawro Waayaha!

Eid@somalilandlivemedia.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>