Miyuu Jamaal ugu soo lugo´ay Hargeysa,siduu Samater ugu lugo´ay Muqdisho? Maxay wadaagaan? Maxayse ku kala duwan yihiin?

0
December 30, 2016 in Wararka by
  • Visits: 263
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Jamaal ugu soo lugo´ay Hargeysa,siduu Samater ugu lugo´ay Muqdisho? Maxay wadaagaan? Maxayse ku kala duwan yihiin?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.


Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba, Waxaynu qormadan ku eegi doonaa carqaladaha soo waajaha badi dadka inuun isku daya inay umada Somaliyeed horgalaan, kuwaas oo badi la kulma caqabado isku mida sida: Jahliga umadooda ragaadiyey,Qabyaalada iyo waaqica nololeed ee lingaxa adagi ku xidhanyahay ee ay adagtahay in si sahala wax looga badalo. Lingaxaa oo uu ugu horeeyo kooxo siyaasiyiin sheegta oo afduub ku haysta umadan kuwaas oo iyaguun wax laga dhagaysto waxna laga maqlo. Waxba yuu hadalku ila sii durkine waxaynu qormadan ku soo qaadan isbarbardhiga labada  Aqoonyahan ee Samater iyo Jamaal oo labaduba islahaayeen wax ka badala bulshadii aydin ka dhalateen kuwaas oo labadoodaba hamadii iyo himiladii ay lahaayeen laga leexiyey laguna leexiyey sidii loo badnaa .Halkii ay umada ka badali lahaayeena iyagii la badalay.

Aqoonyahanka iyo waajibka umadiisa ka saaran.

Kalmada Aqoonyahan ama ildheergarad xeeldheere iyo kuwo kaloo u dhigmaba waa ereyada lagu sifeeyo dadka lagu tuhmaayo  aqoonta sooceeda, kuwaasaanay ku xidhanyihiin umadkasta horukaceeda iyo dibudhaceedu.Fasiraada iyo qeexida erayadan oo qoloba si u micnaysato inagoon gudagaleyn hadana biyo meel godan bay iskugu ururaane waa qayb bulshada ka mida oo iskugu jira Falaasifo,Abwaano, Mutacalimiin,Siyaasiyiin iyo haldoorkaloo badanba kuwaas ayaa umad kasta horgala horukaceeda iyagaana ka masuula dibu dhaceeda. Hadii umad xanuun kaga dhaco kuwaas waa umad ay u dhamaatay waayo waa halkii xikmadii Giriigee (Kaluunku haduu qudhmaayo madaxuu ka qudhmaa marka hore) si kale hadaynu u dhigno Somalidu waxay tidhaahdaa (Maska madaxaa lag dilaa) sidaas darteed iskuwada geeyoo Somali waxaa halkaa dhigay waa Aqoonyahankeedii kaas oo aan ka soo bixin waajibkii umadiisu ku lahayd.

Waxaa loo baahanyahay si Aqoonyahanku umadiisa wax uga badalo.

Waxay tilmaaman in laba qodob loo baahan yahay si hogaamiyuhu umadisa wax uga badalikaro, labadaa qodob oo kala ah : mid isaga ay tahay inuu yeesho iyo mid ay tahay inay umadiisu yeelato, Waa mida horee waxaa isaga looga baahan yahay inuu lahaadaa waa waxay afsoomaali ahaan ugu yeedhaan (Hiraal) afka qalaadna ku noqonaysa (Vission)  waxayna tahay inuu Hogaamiyuhu yahay mid curinkara ama falkin kara hiraalo hor leh sidoo kalena qotodheeri ka muuqato kaas oo arki kara waxaanay dadku arki karin,  wax tagay taariikh ahaan u dhigi kara, wax joogana ku saameeli kara waaqaca markaa ku xeeran, halka uu yahay mid mustaqbalka fogna ka soo warami kara.



Markuu Prof. Samater Hogaamiyaha tilmaamaayey waxaa ka mid ahaa hadaladiisa inuu yahay  nin dadka la jooga hadana isagoo la jooga mustaqbalka fog aadi kara oo uga warkeeni kara , waa inuu noqdaa nin isagu horkici- kara umada ee aanu noqon mid isagu daba gala bulshada.Tusaale hadaynu eegno nasiib darada ina haysata hadaynu nahay reer Somaliland marna maynu helin hogaamiye in horgala ee wixii ina soo maray dhamaantood waxay ahaayeen kuwo ina daba gala hadaynu u laabano taariikhda lixdankii kooxdii Cigaal horkacaayey may ahayn kuwo ina hor galay ee waxay ahaayeen kuwo ina daba galay waayo waxay raaceen rabitaankii bulshada  walow ay iyagu ka fikrad duwanaayeen bulshadii ay hogaaminayeen oo waa kii Cigaal lahaa umul baa la todoba bixiyaaye lixbilood inoo kaadiye ee loogu jawaabay hanagu soo noqonina hadaydaad midnimo Somaliyeed wadin.

Hadaynu u nimaadno Sagaashankii Cabdiraxmaan Tuur iyo kooxdiisu waxa la timaamaa inay inaga afkaar duwanaayeen siday markii danbaba cadaysteen oo ahayd inay weli ka qabeen rajo nidaam federaal ah oo Waqooyi iyo Koonfur dhex mara , halka sidoo kale Cigaalba waagaa ahaa Somaliwayn oo shirkii jabuuti lagu qabtayba uu ka ahaa Gudoomiye ku xigeen lahaana hadalada ilaa maanta ka daawano Youtubeka ee ah (waxaanu halkan  ufadhinaa nabaradii Somali kala gaadhay inaanu dawayno) waxayse labadoodaba bulshadii ku kala qasbeen midba wax ka duwan wixii ka dhexguuxaayey oo ahayd Tuur oo Federalism aaminsanaa waxaa lagu yidhi ku dhawaaq gooni isku taag halka Cigaal oo Somaliwayn rajo ka qabayna lagu niyad jabiyey shirkaa, kaas´ oo sida Samater markii danbe aaminay gooni isku taaga Somaliland. Hadal iyo dhamaan   "hogaamiyuhu waa inuu isagu yahay mid afkaar ku haga umada se waa inaanu noqon miday bulshadu hagto „

Sifada kale ee looga baahay yahay inay umadu yeelato si Aqoonyahankeedu wax uga badalaa waa inay umadu tahay mid dhego nugul, noqotana mid u dhego nugul afkaarta san ee suuban ee ka soo burqata marba dadkeeda aqoonta iyo xeeldheernimada lagu tuhunsanyahay. Hadii aanay sifaadisa jirine qaylada ka soo yeedha Abwaanadeeda iyo dadkeeda aqoonta u saaxiibka ahi waxay ku dhamaan uun biyo coldhaanshay, hada ogow ta anbiyaduna kama duwana umada aan Nabigeeda adeecin ilaahayba waa halaagaa imisaynu taariikhda anbiyada ku maqalnay qawm nabigoo

dii ku dhego adkaaday ama diiday waanooyinkiisii oo ilaahay halaagay waxaana tusaale inoogu filan aabihii labaad ee aadamaha iyo nebi Nuux iyo sababtuu ugu dalbay halaaga oo ahayd inay ku dhego adkaadeen. Hadi sifadaa la waayana cidluun buu ka xiiqi abwanku sidii timo cade ku tiraabaayey Dadkaan la hadlayaabaan lahayd dux iyo iidaan.

Waxa ay Jamaal iyo Samater wadaagaan iyo waxa ay ku kala duwanyihin.

Labada mudane waa laba mudane oo darajo ay taagnaayeen hoos uga so dhaadhacay, midi wuxuu taagnaa Somalilawayn oo waa Samater waxaanu hoos ugu soo daadagay Somaliland oo mudo 25sano ah uu dhaliilaayey mawaaqifteeda iyo hanaanka siyaasadeed ee ay raacdoba,  walow aanu ka wada tanaasulin mabaadidii uu aaminsanaa mararbadana uu sheegay inaanu garanayn midnimo Somaliyeed wax ka fiican  waa hadii la helaayo´e se wuxuu hada taageersanyahay jiritaanka Somaliland ka dib markii  Somalida koonfureed  ku  tidhi Abtirsoo ayaad tahay.

  Halka Jamaal taagnaa Somaliland iyo inuu wax ka badalo oo aanu u daba fadhiisan odaydhaqameed iyo kuwii umada waxan baday, se wuxuu uga tanaasulay himiladiisii kuwii uu rabay inuu ka  xoreeyo  umadan.  waxaanay ereyadii uu dhawaanta ku dhawaaqay iyo tusaalayaashii uu soo qaatay  ee ahaa (Hebel iyo hebelba reernimooy u taageereen hebel ana maxaa ku jaban hadaan Muuse u taageero siday kuwaasiba u taageereen ilmaadaradood ) waxaanay ereyadaasi  noqdeen kuwo xabaal ku riday rajadii dadbadani ka qabeen in wiil barakaysan oo dhalinyar ahi umada usoo bixidoono kaas oo ka madaxbanaan bulaacada qabiilka lana dagaalama gebi ahaanba xanuunada ragaadiyey bulshadan.

Hase ahaatee waxay u muuqataa inuu saaxiibkeen ka leexday wadadii aynu filanaynay, waxaana saaxiibkeen wadada u fadhiisatay budhcada u gaarka ah afduubka cid kasta oo ay ka baqikaraan inuu la iman karo wax ka duwan wixii yaalay. Jabka noocani inaguma cusba imisaynu soo aragnay hebelo lagu hanweynaa , xagay Soomaali hebeladii jaamacadaha uga soo baxay dhigeen? Lixdankiibay ahayd markuu abwaan Qaasim ku cataabaayey:

Inamadan dhawaan ii kacaw waydin eersaday
Daabgudimo  soo majarin wiilashaan diray
Madaadihin Rashiid maatidaan daadguree idhe
Meeshaan dad´aan ururshiyo dadab ka eegaayey
*******                 **********                *******
Ma doraato raadkaan dhigaan dib ugu soo laabtay
Sidii aan dayeysanahay miyaan dawgii ka halaabay
Iyana waa darxumo ii hadhee dacar miyaan leefay?

Shaxday ku dheeleen Faysal iyo Muuse Jamaal korkiisa.
Waxaynu lawada soconaa dhamaanteen in dhaqansiyaasadeedka dalku yahay mid ku salaysan qabiil waxaana dalka ka jira sadex xisbi qaran  mid waa Kulmiyee  wuxuu sidii hagbad ahaan ugu wada jira labada beelood ee ay marwo Samsam ka dhawaajisay ee Gaashaanbuurta jeegaamaysan. Halka labada xisbee kale waa Wadani iyo Ucide uu hogaanka sare ee labadaasi ka soo kala jeedaan hal beel (Garxajis) markay halkaa marayso labada xisbi ee ugu tunka wayni waa Wadani iyo Kulmiye  oo ay kala hogaaminayaan Muuse oo hayb la wadaaga Jamaal oo Ucid ka sharaxan iyo Ciro oo oo Wadani hogaaminaaya  kaas oo  hayb ahaan la wadaaga Faysal walow aanu Faysal sharaxnayn waagii hore oo Jamaal u sharaxnaa , waxay is-sharaxaada jamaal dhabar jab ku noqotay Muuse oo garab beeshiisa ah waayey waa reer Saaxiil sidaas darteed wiilka uu adeerka u yahay ee Jamaal waxay ay noqotay sidii uu ku soo xero gelin kari lahaaba in falowgeda la qabto.

 Sida qudha ee arinkaas ku hirgalayaan waa in Faysal lagu qanciyo inuu isasoo istaago markale walow qaanuunku aanu ogolaanayn sidaasna  ay ku  noqoto halkii shalay laba nin oo Habar awal ahi codadka isku cidhiidhyi lahaayeen inay maanta noqoto in laba nin oo Garxajis ahi codadka isku cidhiidhyaan maadaama Faysal  leeyahay shalay markaygii beesha Ciro ima dooran ana maantaan ka ciidaynayaa intaan awoodo.  Shaxda dhabta ah ee Muuse la dheelay wiilkeena dhalinta yarina waa taas, nasiib darona sidii Muuse rabay bay u socotaa oo Jamaal isagoo laga ciideeyey hankiisii ayuu hadana ku soo hoos laabtay kii ka ciideeyey oo ah Adeero muuse waana halkii Somalidu ka odhan jirtay (Wiil soo  joogso laga waayo soo jiifsa laga helaa)  waxaanay ciyaartaasi ku dhamaatay Goolkaasi dhalan waa hadafkaasi beenow.

Waxa Cigaal iyo Tuur tusaale uga noqon karaan Samater iyo Jamaal.

Waxaanaynu tusaale usoo qaadan karnaa kuwo ka horeeyey sida Cigaal iyo Tuur oo ahaa laba siyaasi oo sagaashamaadkii ina soo maray Cigaal wuxuu sida Samater horkacaayey aragti ah in Somaliland lala mideeyo Koonfur marlabaad waa waaguu Tuur ka ahaa madaxweynaha Somaliland´e se isla mudadaa wuxuu Cigaal ka tanaasulay mabda´aa sida Samater uga tanaasulay waxaanu ku soo guryo noqday guriga. Goaankaas Cigaalna wuxuu ahaa mid u dhaw ka Samater oo Cigaal intaanu Somaliland arimaheeda usoo guryo noqon Koonfurbuu ku horeeyey oo shirarkeeda ka qayb galay se wuu ka soo rajo quustay sidii Samater Markii hore Koonfur u aaday aakhirkiina rajobeel kala yimi ka dibna dani ku baday uun ku noqotay  aqbalaada Somaliland.

Halka Tuur ahaa nin qaran se dadkiisii u badaleen nin qabiil walow uu isagu diidanaa  si kastaba ama isagu ha isku arko ama dadku ha u arkeene waxaa dadku u arkeen nin Garxajis ah hada ogsoonow wuxuu ahaa madaxweyne qaran oo xil markaa u hayey waxaa ka diiday wasiiradiisii kuwii ugu cuslaa sida Ina Kaahin, waxaa cadaystay badheedhihiisa Muuse Biixi oo ku eedeeyey nin qabiil ilaa markii danbe dagaal ay tagto qabiil iyo qabiil la isku cuno. Waxaan uga danleeyahay waxay tahay inaynu arki karno tajribadani inaanay ahayn mid cusub haduu samater Somaliwayn hoos uga soo daadagay Cigaal oo ka horeeyaa sidaa falay hadii Jamaal nin reereed noqday ama loo arkay Tuur oo ka horeeyeyba reernimaa lagula dagaalamay loona arkay waana lagu qasbay ilaa uu aqbalay waayo waxaa la odhan karaa madaxdeena waxaa ka dhiman inay daraaseeyaan sidee loo badali karaa dhaqankan caqabada inagu ah isaguna uga badbaadi karaa?

 Maxaa la gudboonaa Jamaal iyo Samaterba hore iyo gadaalba ?

Hadal iyo dhamaan waxba yuu cataabku ila sii dheeraanine waan rajaynayaa inuu maalinuun siyaasigenii da´da yaraa garwaaqsandoono  kufitaanka uu ku kufay ka qaybqaadashada hanaanka siyaasadeed ee qudhunka iyo bulaacada ku salaysan, hanaankaas oo qabyaaladu irbada lagu tolo u tahay duntuna eexda tahay.

Waxaa labada mudaneba ka maqan baad odhan kartaa maadaama in mudo ah dalka dibadiisa kaga maqnaayeen booqashooyin kooban mooyee waxa ay ugu yeedhaan (Feasibility Study)  oo ah inay si wacan uga baaraan dagaan xogo badan uruuriyaan sidii dhaqanka Somalida lagu yaqaanayna reerna sahan la´aan ma guuree ay si wacan isaga sahamiyaan xiligan afkaartoodu ma ku beermi kartaa bulshada sidayse ugu abqaalikaraan  afkaarta san ee suuban.  . Ma odhan karo may samayn labadaa nin ee aqoonta u saaxiibka ah se hadaa maxaa qaldan labadiiba waa kuwan  si gaara loo yeeshee ma markii hore ee ay khataraha xisaabinayeen (risk calculation) ayey xisaab qaldan isku dhufteen (mis calculation)   ? si kastoo wax yihiinba waxaa ka muuqataa labaduba wixii loo sheegay markii hore wax ka duwan inuu waaqici yahay.

 Waana sababta sababtay inay labaduba hankoodii hoos uga tanaasulaan oo samater oo ku hamiyaayey Somali oo dhan inuu dhibta ka saaro inuu xisbi yar oo Kulmiye la yidhaa oo Somaliland ka jira oo Abtiyaashii leeyihiin xubin ka noqdo. Halka Jamaal oo ku hamiyaayey isna inuu Somaliland oo dhan qabyaalada ka saaro oo hanaan cusub u dajiyona uu ka tanaasulay oo adeerkii Muuse qabiil ahaan garabka saaro .

Gebagebada sheekada labadoodaba waxaa la gudboonaa markay arkeen inay afkaartay wadaan ku beermikarin caradii ay ku dhasheen inay talaabo gadaal u qaadaan oo aanay ku milmin waxa ka jira wadankii waxaana sharaf u ahaan  lahayd labada inay jiilalka soo socda tusaale u noqdaan weliba Samater dibaduu ka joogaa waana oday weyn oo waabadan u soo joogay berina nin reer hebela noqondoona kuna qasbanaandoona inuu la dhaqmo oday dhaqameed waxaanu hoos uga sii daadegi halkuu joogo sida uu Jamaalba hoos ugu daadagay ee uu afbuuxa ku yidhi Muuse geelaa isku kaaya jira.

Goaankaa goaan ka duwan haduu qaadan lahaa oo odhan lahaa waar nimanyow meeshii waxan u imi wax ka duwan baa yaala ana bulaacadaa ma geli karo ujeedadaydu waxay ahayd inaan waxan umada ragaadiyey inaan meesha ka saari karno oo afkaar cusub beero se haday noqotay in aniga la i geliyo oo aan dhamaan ka tanaasulo afkaartii  aan anigu la imi noqdana nin qabiil waxaan idin leeyahay Sory kii ugu jeclaanayow igu jeclow kii ugu nacaayowna igu nac,  intaasoo qudha haduu odhan lahaa waxay taariikhdu ku qori lahayd baal dahaba waxaanu noqon lahaa siyaasigii ugu horeeyey ee u hiiliya umadan dhibaataysan manaanu sudhaneen gidaarada ee waxaanu sudhan lahayd halbawlayaasha wadnaha.

 Hase ahaatee ma dhicin taasi se  waanu se rajaynaynaa inuu ilaa hay umadan u soo saaro wiil barakaysan oo u hanaqaada kana saara dhibkan, dhib iyo dheef kolba kay tahay laguma waaro aduunyaduna waa giraan wareegta ilaahayna kama rajo xumin midna ogsoonow akhriste anbiyada ilahay wuxu soo saaraa markay umaduhu halaabaan  ilaahay wuxuu caafimaadka soo dejiyaa markuu xanuunku yimaado umad kastoo xunbana nin baa ka dhasha oo  ka saara dhibaatada se faraqa u dhaxeeyaa umaduhu waxay tahay in sida ciidu ugu kala haboontahay beerida dalaga kala duwan inay dhaqamada umaduhuna ugu kala haboonyihiin falkinta iyo abqaalka afkaarta san ee suuban.

wa bilaahi tawfiiq
wasalamu calaykum
I.C


 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online