Isla kuwii habarta wiilkeedii curad ka ciideeyey, miyey maanta guridanbayskeedan loo bogay ka ciidayn?

0
December 31, 2016 in Wararka by
  • Visits: 1276
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isla kuwii habarta wiilkeedii curad ka ciideeyey, miyey maanta guridanbayskeedan loo bogay ka ciidayn?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba meel kastoo kala joogtaanba waxaynu qormadan si kooban iskugu hogatusaalayn doonaa shaxdan maanta ay dheelayaan axsaabta dalku, waxaanaynu u qeexi doonaa qaab ka yara duwan qaababkii hore aynu wax u eegi jirnay waxaynuna qormadan isku xidhi doonaa waqtiga qaybihiisa kala duwan inagoo dib ugu laabanayna shalay si aynu uga tusaale qaadano maanta sidoo kalena mustaqbalka soo socda uga saadaalin karno waxa maanta jooga. Sidaas darteed waxaynu xaaladan kala guur ee aynu marayno u dul mari doonaa inagoo milicsan doona wax tagay wax jooga waxa soo socda  (Chronological Analysis).


Habarta labada wiil dhashay iyo siday ugu suntantahay taariikhda Somaliland.
Iyadoon inaga ahayn cid amaan iyo cid u faan toona waxaynu isku dayi doona wax yar inaynu gadaal dib ugu noqono asalka banaanba taariikh Somaliland halkay kaga jirtaa habartan ugu xasarada badan marka laga hadlaayo siyaasada Somaliland horayso iyo danbaysaba? Habartan marka marka la eego dhasheeda waxaa lagu tilmaama habarta ugu dhasha badan. Marka aynu  jiquraafi ahaan ku qiimayno  deegaanada ay degtona ama waxay cilmiyan ugu yeedhaan ( Cartographic Analaysis)  waa habarta ugu deegaanada badan marka laga eego shantii gobol ee Somaliland ka koobnayd wixii ka horeeyey waxan hada la sheego  ee tirada badan waxay habartani degaan ahaan ku abtirsataa 4 gobol hal gobol uun baa ka badbaaday oo ah gobolka awdal. si kale hadaynu u dhigno waxay habartani degtaa laga bilaabo Hargeysa ilaa ceerigaabo berbera ilaa ka hawd iyo gaashaamo intaaba meelba si ay u degtoba waa u degaan.

Markaynu u nimaadno kaalintay ku lahayd Somaliland maaha mid ka bilaabmaaya xorayntii dalka iyo SNM balse marka dib loo raaco halyeyadii Midnimada kuwo badan oo ka midi waxay ku abtirsan jireen habartan waxa kale oo badi ku abtirsan jiray habarta  miidii Suugaanyahanadi iyo abwaanadii umadan iyo aabayaashii fankaba Sida Yusuf Xaaji Adan  oo ahaa aabihii astaanta qaranka Somaliya ee (Soomaaliyey Toosoo ) iyo aabihii fankan casriga ah ee Cabdilaahi Qarshe. Dhanka siyaasada marka la eego waxay habartan naasnuujisay halyeyadii ugu horeeyey ee isku dayey inay curiyaan Jamhuuriyada Barakaysan ee Somaliland waxaana ka mida ragii naftooda waaga u hurey ee uu ka dhicisoobay inqilaabkii dhicisoobay todobaatanaadkii Xasan Kayd iyo Cabdilaahi Koongo oo weli nool, sidaas darteed inamadii SNM uun baynu naqaanaa ee khubaradii ka horeysay taariikhdoodii way duugowday lamana xuso ee hamoogaanina inaydin raadisaan taariikhdaa, ugu danbayntii dhanka Curashadii Somaliland  iyo 1991 wuxuu ahaa madaxii sare ee SNM  Tuur  halka uu ahaa gudoomiyihii shirkii burco ee loogaga dhawaaqay 18 May Xaaji Aadan Ahmed Diiriye  (Aadan Baradho) oo ahaa  isna  kii ku dhawaaqay gooni isku taaga Somaliland isna wuxuu ku abtirsadaa  habartan shidada badan.

Markaynu u nimaadno taariikhdan casriga iyo SNM waxa ururkan mudadii ugu dheerayd madax ka ahaa madaxwaynaha hada ee Siilaanyo hawlgalo badan oo la isku dayey in dalka dib loogu xoreeyo wuu isku dayey hase ahaatee maysuura galin, ugu danbayntii waxaa madax looga dhigay ururkaa SNM wiil ay habartani dhashay oo yara godnaa sidaas darteedna dadku ku astaansadeen Tuur. Wuxuu wiilkani la yimi Istiraatiijiyad ka duwan kuwii hore oo ahayd: si Siyaad loo rido waa in maska madaxaa laga dilaa sidaas darteed waa in xooga aan lasaarin SNM ee waa in la taageero xoogaga ka dagaalamaaya Caasimadii Somaliya ee Muqdisho gaar ahaan jabhadii  General Caydiid ee USC waana sababtii sababtay inuu Caydiid ugu yimaado Baligubadle oo ay ku balamaan  ilaa markii danbe la isku tuhmi jiray in heshiis hoosaad ka dhaxeeyo SNM iyo USC  runtiina waxay noqotay Istiriaatiijiyadii Tuur mid lagu liibaanay oo dalki lagu xoreeyey sidiina Somaliland xoraynteeda waxaa madax ka ahaa Tuur.

Ugudanbayntii iyo kaalinta ay ku lahayd dhanka nabadayta habartani waxay lafdhabar u tahay nabada Somaliland waayo habarkastoo kale oo dudaa  waxay saamayn ku yeelan kartaa dhul cayiman waayo ma jirto habar degaan ahaan degta inta ay degto habartani badi dhulka ay degtaa wuxuu halbawle u yahay dalka waayo waxay degtaa badhtamaha dalka ,waxay kala xidhi kartaa berbera iyo burco iyo berbera iyo hargeisa Burco iyo Ceerigaabo iyo sidoo kaleba guban iyo oogaba, marka  haday deegaan ahaan dhulkaa balaadhan degto dad ahaana ugu tiro badan tahay sida la sheego walow dhamaanteen wada laandheere nahay dhankaas. waa umihiim nabada dalka  dagaaladii sokeeyana ilaa habartaasi ka degtay nabad kumay naaloon Somaliland. dagaalkii laguu sheegaana wuxuunbuu ku saabsanaa habartaa iyo inta kale uun waxaase aad uga qayb qaatay nabadayntii haldoorkeeda tirada badan sida Waran cade iyo Gaboose iyo salaadintii kaleba, bale markaad eegto waa sababta ilaa hada badi wasiirka arimaha gudaha looga dhigo wiil ay habartu dhashay.

Tuur iyo  taariikhda Somaliland iyo sida loo duudsiyey.
Madaxwayne Tuur waxa ugu weyn ee lagu xasuusandoona waa halgankii xoraynta Somaliland waxaanu taariikhda kaga jiraa baal dahaba inkastoo la duudsiyey si kale la inoo tuso, wuxuu madaxwayne Tuur yahay ninkii mudada ugu yard uguna khararjka yarayd ugu khasaaraha yarayd  ku xoreeyey dalka. waxaanu noqday madaxweynihii ugu horeeyey ee Somaliland yeelato walaw ay ku kaceen camaasiir uu isku haleeyey ha ugu horeeyaan Muuse iyo Kaahin oo shaadh qabiil waagaa huwanaa. Markii danbe ee dagaalada sokeeye ka dilaaceena wuxuu ka doorbiday inuu nin reer hebela noqdo oo deeto intuu Hawdka soo fadhiisto halkaa yidhaa ka wada dagaalka se gebi ahaanba waa kii ka googoostay ee  Muqdisho iska aaday isagoo awooday waagaa inuu nin reer noqdo waana sidii lala rabay hase ahaatee kuwii waagaaba ka ciideeyey waxay inoo tusaan siday iyagu u arkaan. 

Wuxuu Tuur mudanaa in lagu xuso taariikhda sida loo xusayba Cigaal oo ahaa madaxweynihii dhidibada u taagay Somaliland labadoodubana mid walba khayrkiisa iyo sharkiisa wuu lahaa waana sunaha aadamaha oo madaxwayne dhankastaba ka qumani ma jiro waayo waa bashar sideena ee madaxda waxaa lagu qiimeeyaa muxuu asiibay maxaase seegay ? waxaana la is barbardhigaa khasaarihii dhacay intuu xilka hayey iyo guulihii uu gaadhay intuu xilka hayey. Wuxuu mudnaa in siday tahay loo xuso Tuur iyadoo la saaraayo miisaankaa hase ahaatee umadeenu sidaa wax uma xisaabiso ee ama way caashaqdaa qofka ama way tuftaa  taasina maaha qiimayn ee waa caadifad. Waxay ahayd in sida Cigaalba loogu magac daray Madaarka Hargeysa in madaxwaynihii ka horeeyey isaga ee dalka xoreeyey isba lagu xuso taariikhda si aan loo ilaabin hase ahaatee iska dagaa in lagu magacdaro goob muhiima sida madaarkoo kaleĀ“e dadka qaar baa ka qaba dood aasida lagu aasay dalkiisii hooyo iyagoo u arka inuu khiyaamo qaran sameeyey taasna ku duudsiyaaya wuxuu umadan soo taray waana umaan gaabnimo runtii .

Duruufihii ku hareeraysnaa Tuur waagiisii ee ku noqday caqabada.
Wuxuu Tuur la kulmay dal yar oo hagaagay oo ay ragaadiyeen dagaalkii uu mudada dheer kula jiray kaligii taliyihii Siyaad, waxayna bulshadiisu ka koobnayd jabhado aan u qaabaysnayn dawladeed se u qaabaysan qaab qabiil, waxaa madax looga dhigay dad waligoodba nidaam dawladeed oo ay gaar u leeyihiinba aan waligood yeelan waxaanu dalku gebi ahaanba ku jiray gacantii kooxihii daydayga. dhanka kale waxay bushadeenu u fadhiday qolo qolo habarkastaaana waxay gaar u haysatey hubkeedii iyo jabhadeedii in qaran loo qaabeeyaana waxay ahayd aragti ku cusub dadka noocaasa . Dhanka kale waxaan daacad ka ahayd madaxdii isaga la shaqaynaysay oo iyaba ka soo kala jeeday beelaha wax kala tabanaayey, waxaa kaloo jirtay maba jirin wax nidaam dawladeed ah oo hore u dhisnaa sidaas darteed wax kastoo la qabanayo waxay ahayd in Zero laga soo bilaabo in qaran la dhisona waxaa ka horeeya in afkaarta dawladnimo lagu beero dadka. Cawaamishaas oo dhami waxay ahaayeen kuwo isbiirsaday waxaana aakhirkii ugu darsamay iyadoo loo arkay nin qabiil ha ugu horeeyaan Muuse iyo Kaahin oo uu aad ugu kalsoonaa se kaga baxay wacadkii .

Dhagartii Muuse iyo Kaahin u maleegeen Curadkii habarta.
Dawladii Tuur oo ahayd mid isku dheeli tirnayd si aan beeluhu u arag dawladii curdinka ahayd inay tahay mid dhan u xaglinaysa wuxuu wasiirkii gaashaandhiga oo ahaa wasiirada ugu tunka wayn wuxuu ka dhigtay mudane Kaahin hase ahaatee wuxuu Kaahin noqday isagoo huwaday markii danbe magac qabiil wasiirkii ugu horeeyey ee iska casila xilkii loo igmaday sidoo kalena ayaandarada wuxuu sameeyey wuxuu la faqay dhamaan xubnihii beeshiisa ugaga jiray xukuumadii waagaas ee Tuur kuwaas oo hal mar ka wada dareeray halka Muusena qorshihii Berbera u fasiray qaab qabiil oo uu u turjumay inay Berbera habarta Tuur la wareegi doonto halkaasna ay ka bilaabantay gacansaarkii Muuse iyo kaahin iyo dagaalkii sokeeye iyo tolaayey, halkii ayku danbaysayna iyo wixii ka dhashayba waynu la wada soconaa sii geli maayo.

Maanta iyo dabinada ay u maleegayaan Muuse iyo Kaahin guridanbayskan habarta.
Sidaynu ka aragnay olololaha doorashada ee Xisbiga Kulmiye iyo intii uu xilka hayeyba waxaa aad u soo noolaatay bahashii qabyaalada ahayd oo dadkii aad u kala durkisay eexdii iyo hebel jeclaysigii, waxaana ka sii daran intii ololahan lagu jiray sidii ay u wadeen ololaha waxaa markhaati inoogu filan wacdarihii marwo Samsam ka jeedisay Burco hadaladaas oo xanaf lahaa kuwaasoo dadkii iyo beelihii lagu kala qaybinaayey taariikh boogo badan lehna lagu xusay gaar ahaan iyadoo sagaashankii soo qaadatay iyo dagaaladii sokeeye tilmaantayna waxay ugu yeedhan Gaashaanbuur dhex marta beesha labada beelood ee Muuse iyo Kaahin ka soo kala jeedaan. Si hadaba doorashadan ay gacanta sare u yeeshaan waa inay si kasta oo loo hagardaamayn karo loo hagardaameeyaa guridanbayskan habarta waana in ciyaarta lagu bilaabaa eedaymihii waligeedba habartan caruurteeda lagu eedayn jiray oo ah Somalijacayl taasna waxaa inoo bilaabay Muuse iyo markuu sawiradii la isku keen keenay ku eedeyey guridanbaystka habarta  ilaa uu xusay in ay Maxkamad isla tegi doonaan.

Dhanka kale waa in xisbigan iyo madaxdiisaba dacaayadaha ugu badan laga fidiyaa iyo shaanbada ah Somaliwayn ayey inagu wadaan dacaayadaas oo ah mid qadiima oo inagu celinaysa gocosho fog waayo waxaa habarta kaga dhintay eedaa kumaan iyo kumaan ubadkeedi ah walow dhankastaba laga dhintay hadana waxay si gaara u taabanaysaa eedaasi xusuustii dadkii kaga dhintay waagaa waana sababta keentay inuu Guridanbayska habartu  si toosa u abaaro Muuse isagoo ku eedeeyey inaan wixii horeba wax ku gaadhin. sansaanka maanta muuqdaana maaha mid fiican haday sidaa u socotana waxay inoo hogaamin halaag iyo dib inaynu ugu laabano habar habartii xalku waa dhawyahay oo wuxuu yahay in dhamaan wixii dagaaladii ina soo maray ka qaybqaatay inaan lagu soo darin siyaasada si loo ilaaliyo midnimada umadeena  loona ilaawi karo wixii dhacay hase ahaatee hadii la yidhaa hebeladii labada dhinac ka soo kala jeeday ha ina hogaamiyaan hana tartamaan hadana boogihii yaan la soo hadal qaadin oo aan la xusin isma qabtaan sida ugu wacanina waa sidaa iyadoo cid cusub inoo timaado cidaas oo ka faroxalan wixii hore hase ahaatee sidan hada ay wax yihiin waxaynu duldaaqaynaa seero miinaysan ee ala ha sahlo.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online