Muse Biixi safaarad iyo dowlad toona la shiri kari waa cidii la shirtayna wuu ka xanaaqayaa by Abdi Mustafe

0
January 07, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 99
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muse Biixi safaarad iyo dowlad toona la shiri kari waa cidii la shirtayna wuu ka xanaaqayaa by Abdi Mustafe

    Muse Biixi safaarad iyo dowlad toona la shiri kari waa cidii la shirtayna wuu ka xanaaqayaa by Abdi Mustafe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muse Biixi safaarad iyo dowlad toona la shiri kari waa cidii la shirtayna wuu ka xanaaqayaa by Abdi Mustafe
Weftigii Waddani 10 safaaradod bay Nairobi kula soo shireen oo abaarta uuga soo warameen. Faizal Cali Waraabe Carabaha qaar ka mida ayuu mucaawino abaaraha ah soo weydiiyey. Muse Biixi na Hargeisa ayuu propagaandhe kaga furaayay. Horta hogaanka Wadanka sidaas bay ku kala hantiya yaan oo nin aan Station Police ka Hargiesa dhaafi karayn la dooran maayo. Muse wuxuu uuga xanaaqay weftigii Nairobi tegay wuxuu arkaayay in madaxdii Kulmiye ka tirsanaan jirtay dhowr ka mid ihi marayeen sida Xirsi Xaji Cali, Maxamed Biixi Yonis iyo Abdirizaq Khaliif. Wuxuu kaloo arkaayay in ruug cadaa arimaha dibada ihi ka mid ahaa sida Ismail buubaa. Wuxuu kaloo ka biya diiday Gudoomiyihii Waddani ahna musharaxa madaxweyne oo isna risiq aan siyaasad ka soo gelin aan weli jeebka gashan baa hogaaminayay. Dabeed ninkii Muse wuxuu isku deyey in uu dacaayad iyo been aan meel gaadhayn qarash badan ku bixiyo. Taas oo galaafatay laba weriye oo ka hawl geli jiray Kalsan TV. Muse Biixi hadaanu wadan qudha u bixi karayn ama safaarad qudha la soo shiri karayn maaha in uu ka xanaaqo kuwa qeylo dhaanta abaaraha daafaha aduun yada gaadh siinaya. Muse wuxuu isku deyey in uu Visa ka helo Safaarada maraykanka 2016 oo waxa la odhan jiray November buu maraykan qabanayaa. Hase yeeshee safaarda Nairobi way u diiday. Muse meel uu weji ku leeyey uu keligii tegi karaa ma jirto. Intaa waxa u dheer qulquladana ma daayo adkeysin na ma laha. Hadal A/rahman Ciro uugaga jawaabay propagaandhiihii Muse beryahan waday iyo Suldaano hadalay aya madaxiisa qiiq ka baxay oo uu ku waashay na heshiisiiya. Musow adkeysin yeelo ama eedaha beenta ah jooji. Hana noqon qof aan dalka wax u qaban cidii u qabatana ka xanaaqa.

Abmustafe123@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online