Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad

0
January 08, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 53
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad

    Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taxaabistaydii Iyo Tacaddigii Aan Arkay (20kii Ogos 2016ka illaa 15kii Nofember 2016ka). Qaybta 5aad




Xoghayaha Caddaaladda ee Xisbiga Waddani Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi oo ka mid ahaa dadkii hormoodka u ahaa baaqyada lagu dalbayo in aan xorriyadda helo ayaa 31kii Ogos 2016ka yidhi "Waxa aan maanta si xooggan u cambaaraynayyaa oo aan ka hadlayaa xadhigga Siciid Maxamuud Gahayr oo ku jira Xarunta C. I. Dda ee Hargeysa muddo ku dhow tobaneeyo cisho. Wuxuu tobankaas cisho u xidhan yahay oo loo diiday in ay cidi booqato, oo loo diiday in ay cidi aragto oo uu xuquuqdiisa iyo xurmadiisa qofnimo ku waayay awood uu u adeegsanayo Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.

Sabab uu ku haysto, dembi uu faraha kula jiro iyo maxkamad la horgeeyay midna weli lama caddeynnin. Muwaaddinkaasi waxa uu leeyahay xanuunka macaanka, xaaladdiisuna way barakaysan tahay sida uu Waddani ahaan warku nagu soo gaadhayo. Bani-aadankana in xuquuqda iyo xorriyadad uu Ilaahay siiyayna in si dhayal ah looga qaado ma aha. Muwaaddinkaas dhibaataysan ee aad bartaas ku haysaan, waxa aanu kaa codsanaynnaa annaga oo qaddarin iyo qiimayn kuugu haynna masuuliyadda aad qaranka u hayso inaad xorriyaddiisa dib ugu soo celiso”

7dii Sebtember 2016ka maalin Arbaca ah, ayaa haddana maxkamadda la ii qaaday, waxaanu sii marnay Mawliid Cabdi Muuse Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha Gobolka Maroodijeex oo aanu siddeed gu’ ku wada jirnay geeddiga aqoonta. Waxa uu ballan-qaaday in ay dardar gelin doonaan dhegaysiga dacwadda. Sidoo kale waxa aan bahda garsoorka uga warramay xanuunnada ila dersay, aniga oo tusay warqaddii qan-xanuunka ee 25kii Ogos la ii qoray.

Waxa ay u muuqdeen kuwo aan dammaanad u babac-dhigi karin, laakiin waxa ay wacad ku mareen in aan caddaalad ka heli doono Golaha Garsoorka. Subaxnimadaas waxa aan wakaalad u saxeexay Garyaqaan Xuseen Shabeel oo si xalkasnimo ah u gartay in uu i difaaco. Dhawr cisho kaddib waxa aan wakaalad qareennimo qalinka ugu duugay afar qareen oo isu kaashaday samata-bixintayda, garab-siintayda iyo tirtiridda eedaha qalqallooca ee la ii soo guraanguray.

Waxa kale oo aan dad kala duwan ka maqlay in xalay (habeenkii Arbacadu soo gelaysay) uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku baaqay in xorriyaddayda la ii soo celiyo, maadaama oo aan u xidhanahay aragti siyaasadeed oo aan cabbiray. Walaalkay Jamaal waxa kale oo uu xusay in aan la noolahay jirrada macaanka, taasna ay tahay wax arrinkayga hoos loogu eego.

Xusuustu ma illawdo sidii xilkasnimada lahayd ee uu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen heeganka ugu ahaa baaqyada lagu dalbayo xuquuqdayda, isku-daygiisii dammaanada iyo ka-qayb-galkiisii fadhiyada maxkamadda. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen isaga oo ka hadlaya xadhiggayga 07dii Sebetember 2016ka uu yidhi "Nin suxufi ah oo qoraa ah oo macallin ah magaciisana la yidhaahdo Siciid Maxamuud Gahayr ayaa muddo dhawr iyo toban ah ku xidhan magaalada Hargeysa. Waxa uu u xidhan yahay maqaal uu qoray oo uu aragtidiisa ku cabbiray. Haddii la isku qoonsanayo qoraallada dhaliisaha ah, malaha dad badan ayaa jeelasha ka buuxsami lahaa. Laakiin isaga si gaar ah ayaa loo beegsaday. Waa nin xanuunsanaya oo macaan leh, dhibaato badanina meesha way ku haysataa. Ilaahyna waxa uu yidhi in dulmiga la eegto maaha, waxaan ku baaqayaa in si dhakhso ah xorriyaddiisa loogu celiyo”

Halkii ay ahayd in si togan looga jawaabo, waxa habeenkii ku xigay ama 08dii Sebetember 2016ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md Maxamuud Xaashi Cabdi oo isagoo ka baanaya xaflad loo qabtay heshiiska Dekedda Berbera yidhi "Kuwo qori sita ayaanu dalka ka xoreynnay, kuwa qalinka sitana waanu ka xoreyn doonnaa. Ma yeelaynno qalin-duurre budhcad ah oo dadka baadhaa uu waxa uu doono qoro”

Yaab! Waxa aan u fahmay in uu ka hadlayo aniga iyo Jaamac Axmed Oogle oo ahaa wiil maqaallo ka qoray Wasiirka Madaxtooyada oo nagula xidhnaa Xarunta Argaggixisada ee ciidanka dembi-baadhista. Markii aan warkaas maqlay waa aan ka qarracmay, ma digasho, wanjal, gooddi iyo duudsi ayuu isugu kaaya daray?

Inkasta oo aan xidhnaa, waxa aan isla habeenkii ku xigay oo ahaa 09kii Sebetember 2016ka curiyay gabaygan jawaabta u ah Wasiirka Madaxtooyada ee magaciisa la yidhaahdo Murdiso. Gabaygu sooyaalkii Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waabayda uu cabbayo ayuu muujinayaa. Waxa uu carraraabayaa adeegayaasha ay saami-wadaagga ku yihiin dhiig-miiradka iyo dhaca maatida. Waa gantaal uu ka gigilan doono iyo boog ku taalla. Maansadu waxa ay sheegaysaa in aanay adduunyadu maalin qudha ahayn, waxa ay ku nuuxnuuxsanaysaa in aan maankayga la doorin karin mar kasta iyo meel kasta.

Waxa uu yidhi gabaygu:

Dhaaxaan maldahay oon tix gabay, muunadayn jiraye
Haddii uu sidaad moodayseen, maanta noqon waayo
Ma-xishoodayaal dhawr ah baan, maag is-leeyahaye
Maansada dar ii gooddiyaa, loo murxinayaaye
Murjinkaygu wiilkaan ku gano, maydhaduu jariye
Meeqaamka aan kala geynaan, muuji leeyahaye
Maqla caawa duul buu ku yahay, moorin oo kale’e

Mansabyada aqoon iyo kartaa, lagu mutaystaaye
Adigoon masuul noqon karayn, maandhe abidkaaba
Maangaab xigaalkaa ah baa, maamul kaa dhigaye
Inkastood mudnaan sheegatood, madaxa taagayso
Midhkii Ooto Biixaan haddeer, marag u haystaaye
Maalmihii darnaayee SNM, mooshin lagu oogye
Adigoon miciin fidin kolkay, murugtay hawsheennu
Midabeeyihii baad ahayd, maandhe soo qaxaye
Mishiigaanka kii qaatayee, faqash muhiibsiiyay
Ee maalka nacab siinayiyo, maalay baad tahaye

Markaleeto waagii xil qaran, maayar lagu saaray
Manaayii Burcee aad shiddaan, weli madoobaane
Maatada la laayiyo wixii, maxas agoomoobay
Iyo miinadaad aastay waa, meeris kuu qorane
Malkadaa sanaag beelihii, Mawle ku abuuray
Maxamuud waxaad tahay kuwii, maaruqee dilaye

Haddii aan adduunyada maxkamad, maandhe lagu keenin
Manaxow godkii aakhiruu, malaggu joogaaye
Muldhiyiyo cadaabkii Allena, Meesha wuu yahaye

Magacaabistii kolkuu, minister kuu saantay
Ee uu madaarrada arliga, midigta kuu saaray
Mashruucii Kuweyd waan ogaa, taad makalayseene
Malaayiin kun oo doollar baad, maalin shubateene
Magaalada Hargeysiyo illaa, moolka Yurub tookha
Minankaad ka soo iibsateen, waa mas kuu dhigane
Madawgiyo caddaankiyo bulshada, Maalig naga uumay
Musuqmaasuqaagay dhammaan, madaxa haystaane

Mataggiyo kolkaad Xaashiyow, mililka saydhaysay
Ee aad maagtay qoyskuu ahaa, meeris kugu sheegye
Madaxweynaheennii Cigaal, weedh mug-luu yidhiye
Magacuu baxshaan kaa hadhayn, meel kastoy tahaye
Madax-dhaqan Cismaan baan kal hore, muuqa daawadaye
Macsi iyo xumaatay beryahan, muruq u yeesheene
Naanays ma-guuraan ah baa, igu maqaalaaye
Sida Muhannadkii filimka dhigay, looma meel dayo’e

Ceebtaada waxa maydhayaan, maanku garannayne
Murtiyahan umuu jilib-dhigeen, ruux magaan ahiye
Muusiyo haddaad Dhidar ku tidhi, "moodka ila booba”
Macna-yare wallee Cumar-ubbaan, meeris kaa celinne
Malluugta iyo saadaal haddaan, minanka faalleeyo
Oo aan manaasiisha dayo, maayadaa kiciye
Muddo kooban weeyaan intaad, madasha joogtaane
Is-macaashintaadaan dhawaan, meelmar noqonayne
Maaryahay anaan dahab kolnaba, kula maseeyeenee
Wax is-muujintaa xigi inuu, madaw ku fuulaaye!

Mijir iyo awood ciidan baad, magansanaysaaye
Maxbuusnimadu way ku dambayn, maansha aayaha’e
Madfac iyo rasaas iyo haddaad, miino igu xeerto
Maqaar-saar in aan kuu noqdaa, waa mid aan dhicine
Midh ha iila hadhin taad waddaan, maangal kuu noqonne

Isagoo macsuumoon kolnaba, xumo maleegaynnin
Nebi Maxamed qaar baa lahaa, "waa magnuun falane”
Masabiddida Caashaa la yidhi, "waad mar furateene”
Mandeelliyo Hadraawina horay, niman u maageene
Malmalluuqu raadkuu ka tago, waan masaxayaaye
Macmal iyo haddii eedo jaan, la igu soo miiso
Meeqaamku inu ii kordhiyo, magacu mooyaane
Milgahaygu lumi maayo oo, wuu mug weyn yahaye

Inta aan martabad gaadhayeen, Maatir noqonaayo
Ee maanku gabay iyo tix iyo, maanso tirinaayo
Ama aan maqaal qoriba karo, maaggu waa farale
Is-muquunin baa noo axdiya, mawdka oon dhicinne

Maqaarkiyo intay dhaaftay idil, marinaddii dhiigga
Micidiinnu dhuuxiyo laftii, way mudmudaysaaye
Madharaari bahalkii raqaa, wuu mafsuud noqone
Sida aar mudkii ruugayay, miilikhsanayaane
Magacoo la dhawrtaa ka weyn, maal la weecsado’e
Maahmaah xun baad kaga tagteen, meesigii qarane

Mugdiyahaw dalkaad boog ku tahay, waanad madhiseene
Midho iyo hadday noo baxeen, muuska iyo liintu
Murdisoy intaad xaabiseed, muudsataa badane
Maandariinta waagii la helay, malabka doocaanka
Macaan-jecel ku soo xoontaybaa, miirtay waayadane
Mahiigaan haddii uu arliga, maansha nagu hooro
Macquul maaha koox qudhi inay, maaxda dhurataaye
Maandeeq haddii ay dhashiyo, madiga geeleennu
Makas iyo sabool loo lisaa, ugu mudnaan laaye
Wallee maansamaa nacay inaad, maasho keligaaye
Mushahaar tolnimo loo baxshaa, waa madhnaan kale’e

Haddii aad malaaq soo dirtiyo, miidha igu xeeran
Maskaxdayda wixii aan gelayn, lama marsiiyeene
Haddii aad qoraayada mintiday, maro dul saarayso
Qalin-maalka lama ceejiyoo, miid horluu qubiye
Muusannawgu wuxuu hurinayaa, duul ma-waabte ahe
Makhnuudyahaw waxaa kugu fatihi, mawjad xoog badane
Cidda daadka kaa moosaysana, "mooyi” baan idhiye
Sida macangag oo kale haddaad, madaxa taagayso
Murta iyo qadhaadhkiyo sharkaad, mahadin doontaaye

Intaad muusannawdoo qudhaan, maluhu koobayne
Manaayuhu hadduu kugu dhib yahay, way macaan yahaye
Mashaqadu kolkii ay dhacdaan, farax-mushaaxaaye
Marsadii shirkeediyo kobtuu, madarku gawdiiday
Mallaalow dhawaaqaad ka tidhi, maangad lagu sheegye

Haddaan miimka soo xidho anoo, mahadhadii qeexay
Maankayga anigoon beddelin, maandhe waan bixiye
Macsalaama waa seben guntii, maamul loo xulaye

La soco qaybta Lixaad haddii Eebbe idmo
Siciid Maxamuud Gahayr
saedmgahair@hotmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online