JAWAB KU SOCOTA CALI GURAY MAR LABAAD

0
January 08, 2017 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 244
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    JAWAB KU SOCOTA CALI GURAY MAR LABAAD

    JAWAB KU SOCOTA CALI GURAY MAR LABAAD

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

JAWAB KU SOCOTA CALI GURAY MAR LABAAD AS, salaan kadib waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada iyo bulsho weynta somaliland intaa kadib,

Waxaan doonayaa in aan CALI GURAY halkan jawaab kooban ka siiyo hadal u ku soo qoray mareegtada, oo ahaa wax qabadkii MUUSE BIIXI intii uu wasiirka ahaa dowladii marxuun CIGAAL (AHN) wuxuu sheegay inuu Muuse dhisay ciidanka Policeka, Jeelasha iyo Baananka, sida u sheeegay hadaba waxaan ku bilaabayaa sidan.


Ciidanaka Policeka Somaliland waxaa la dhisay ama la sameeyay 03/03/1993 wakhtigaa ayaa la sameeyay bal hadaba Cali Gurow xiligaa MUUSE BIXI muxuu ahaa, se muxuu xil hayay oo dowladii marxuum CABDIRAXMAAN  ka ahaa, waayo xiligaa waxaa dalka madaxweyna ka ahaa CABDIRAXMAAN AXMED CALI.

Xiligaa MUUSE wuxu ahaa raga laga ilaaliyo ciidanka inuu burburiyo una kala qaybiyo qabyaalad, hadii an ku yara fasiro xiligii waxaa jiray isku day 8 jeer ah oo intuba fashilmay waxaana fashlliyay rag uu MUUSE kow ka ahaa oo ciidankii tashuush galiyay, xiligaa MUUSE wuxuu ahaa nin aan jeclayn wax dowlad la yidhaahdo iyo nidaamba.

Waxaan ku sheegayaa hadaba ragii dhisay Policeka Somaliland waxaa hormuud ka ahaa 


1_Wasiirkii arimaha gudaha Somaliland wakhtigaa o ahaa SICIID MAXAMED NUUR

2_Wasiir ku xigeenkii arimaha gudaha wakhtigaa o ahaa AXMED JAANBIIR SULDAN

3_Gudoomiyihii jumciyada Soyaal wakhtigaa o ahaa YUUSUF CABDI GABOOBE
(haatuf editor)

Ciidamada jeelka Calow xiligaa way dhisnaayeen oo wax dhisan ayey ahaayeen waxaana jeelka Hargeysa haystay marxuum CAWIL CADAMI BURHAAN oo ahaa mujaahidkii afduubay diyaaradii SOMALI AIRLINE  ee tariikhdiisa sida weyn looga yaqaan Somaliland iyo Somaliyaba, oo lagu dilay HOTEL GAR GAAR hortiisa ragii dilayna MUUSE BIIXI ugu tuhun weynaa, sababtuna ahayd  in rag ku jiray jeelka oo  HURE WERAAR ninkiii la odhan jiray ka mid ahaa oo hablo faro xumeeyay Muuse ku yidhi CAWIL CADAMI ragaa soo daa halkaana isku af dhaafeen kadibna Muuse ugu hanjabay in isagu u dhiman doono, hadalkaas ayaa keenay tuhunka 

Xaga baananku waxay ahaayeen qaar shaqadoodu ku xidhan tahay lacag iyo amaan markaa baananka shaqadoodu waxay si fiican u bilaabantay markii lacagta somaliland la sameeyay taasna MUUSE wax aqoon iyo caqli ah kumuu lahayn ee ninkaa qoriga la ordaaya ayuu ahaa

Hadaba MUUSE xiligii sadexda sano aha ee uu wasiirka arimaha gudaha somaliland ahaa maxaa qabsoomay 

1_Waxaa dhacay dagaal sokeeye oo dad iyo duunyaba burburiyay magaalooyinkii waa weynaa ee somaliland waxay isku badaleen meel laga haajiray oo qof qudhi ku noolaan karin oo duhurka cad EYDU dadka ku cuni jireen CALOW bal car i sheeg Hargeysa EY mooye cid kale o joogtay 

2_ Waxaa dadkii walaalaha ahaa dhex galay dhanxiiir MUUSE BIIXI la yidhaahdo oo inan iyo abtigii iska hor keenay oo ay dhacday in inan iyo abtigii qori iskala hor yimaadeen.

Somaliland nabad may arag intii uu MUUSE joogay laakin maalintii xilka laga qaaday ayaa ugu horaysay nabad in daganaan dalka somaliland waana wax taariikhda ku cad Muuse intii u xilka hayay xabad iyo dhiig qubanaaya mooye wax horumar iyo wax qabad ninka ku sheegaa naftiiisa iyo ilaahaybuu beeen u sheegay

TALO SOO JEEDIN

CALOW miyaanad shalay wixii aad ka sheegaysay dib isku dhagaysan ee aad MUUSE ku sheegaysay ma MUUSE kale ayaa soo dhashay miyaanu kii shalay ahayn aad lahayd "WAA DHAGAR QABE AFARTA DHINACBA GODOB KU SITA WALIGIINA DARIIIQ FIICAN UMA SO MARIN XIL DHIIG IYO XUMAAN MOOYE"  , hadaba MUUSE waa kii ee bal dib isku dhagayso CALOW

WASALAAMU CALAYKUM

AFHAYEENKA WADANI DENMARK


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online