Muddo kordhin aan Duruuf waayin. W.Q Yacqub Ismai

0
January 08, 2017 in Articles by somalilandlive Staff
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddo kordhin aan Duruuf waayin. W.Q Yacqub Ismai

    Muddo kordhin aan Duruuf waayin. W.Q Yacqub Ismai

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo kordhin aan Duruuf waayin. W.Q Yacqub Ismai

Kordhinta Muddo xileedka Doorosho ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee maanta Doodu ka taagan tahay maaha Dastuuri, Abaar baa Doorosho Madaxtinimo dib loogu dhigayaa maaha dastuuri, waase xal siyaasadeed iyo xumad jebin, Kulmiyena muddo kordhin xisbi diidaya uma eeka, Waddani na xisbi muddo kordhin Madaxweyne u aqbalaya Duruuf abaareed maaha ee labaduba siyaasad bay ka leeyihiin marka sida runta ah loo hadlo. Qodobka 83aad, Faqradiisa 5aad ee Dastuurka Qaranka ayaa cadaynaysa Duruufta kali ah ee saamixi karta in Dooroshada Madaxweynuhu dib uga dhacdo xilligii loo qabtay ''Haddii ay suurtoobi weydo duruufo Ia xidhiidha nabadgelyada darteed in la qabto doorashada Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha marka muddadii xilkoodu dhammaato, waxa Golaha Guurtida waajib ku ah in ay muddada xilka u kordhiyaan Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka Madaxweynaha, iyaga oo tixgelinaya muddada dhibaatada lagaga gudbi karo; doorashaduna ku qabsoomi karto''

Badanaa waxa la isku khaldaa Qodobka 42aad faqradiisa 3aad ee Dastuurka Qaranka oo cadaynaysa sababaha keeni kara Muddo kordhinta Golaha Wakiilada iyo Qodobka 83aad, faqradiisa 5aad oo ka hadlaysa Muddo kordhinta Dooroshada Madaxtooyada. Qodobka 42aad ee Dastuurka Qaranku wuxuu leeyahay ''Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed, Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub. Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go'aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo.''

Markay sidaa tahay, Somaliland inta badan waa dalalka sharciga u qoran aan lagu dhaqmin ee xal aan sharci ahayn la raadiyo marka duruuf sharci timaado, si sharciga la isaga fogeeyo, xal lagu wada qanco ayaa la raadiyaa, maba xuma haddii sharci darro lagu wada qancayo ee. Intaas oo doorosho oo dib u dhacday looma kordhin duruuf la xidhiidha Sharciga, waxaase loo kordhin jiray weligeedba arin la xidhiidha tabasho sida Dooroshadii Golaha Wakiilada oo ilaa iyo haatan daldalan lana aqoon xilliga la qaban doono una daldalan hal qodob oo qabyo noqday sanadkii 2005, ilaa iyo haatana iska qabyo ah oo aan weli la qabyo tirin, arin farsamo sida diiwaangelinta oo kale oo sanadkii 2015 ayaa tusaale inoogu filan muddo kordhintii dhacday sababtaas ayaa ugu weynayd, wax la dhagaysan karo na ahayd, inkastoo waagaa Xisbiyada laftoodu aanay diyaar u ahayn doorosho hadana taasi ma ahayn sheeko la dhagaysan karo oo dunidu inaga maqlayo.

Somaliland waa Dal aan Guurtidiisa weli la dooran, lana soo xulin xitaa wixii ka dambaysay shirarkii Burco iyo Boorama ee sanadihii 1991kii iyo 1993kii, Ilaa iyo haatan aan la aqoon xilliga rasmiga ah ee ay qabsoomayso Dooroshadiisa Golaha Wakiiladu, aan la aqoon xilliga rasmiga ah ee Dooroshada Madaxtooyadu dhacayso, Haddii eebe idmo na loo kordhin doono Goleyaasha Deegaanada dabayaaqada sanadkan oo taa shaki kuma jiro, isla markaana Muxaafid iyo muxaarid ba arinkaasi si wanaagsan la isugu waafaqsan yahay.

Isku soo wada duuboo, maanta Musharixiinta Somaliland u tartami doona Dooroshada soo socota xilli ay doontaba ha dhacdo ee waxa looga baahan yahay inay ka jawaaban dhawr suaalood ka hor Dooroshada.

1. Waa kuma Musharaxa maalinta muddo xileedka shanta sanno ka dhamaato u diyaar garoobaya Doorosho Madaxweyne, Duruuf kasta ha jirto, Mid nabadgelyo mooyee oo ah ta Dastuurka inoogu qoran?. Macnuhu waxa weeye, Musharaxee baan ku marmarsoon doonin abaar baa jirta, Diiwaangelin lama samayn, Komishankii baan weli la magacaabin iwm.


2. Waa kuma Musharaxa ku dhiiran kara in uu abuuro Xeerka Dooroshada Golaha Guurtida ee qabyada ahaa tan iyo sanadkii 2006dii oo ahayd markii ugu horaysay ee la isku dayey in la abuuro, balse ilaa iyo imika aan la abuurin? Taasina ay sabab u tahay inay Somaliland leedahay Gole Guurti oo aan abid la dooran.
3. Waa kuma Musharaxa ku dhiiran kara inuu qaybiyo 82ka Kursi ee Golaha Wakiilada Somaliland? isla markaana qaybintiisa ay Somaliland oo dhami ku wada qanacdo.
4. Waa kuma Musharaxa iska iloobaya wax muddo kordhin la yidhaahdho oo hanaanka Dooroshooyinka iyo Dimuqraadiyada ee dalka hore u wadaya?


Yacqub Ismail.

Yacqubismial@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online