Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) kuna saabsan Dhibaatooyinka la soo dersay shacabka reer Somaliland iyo moogganaanta xisbiga Kulmiye

0
January 09, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 186
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) kuna saabsan Dhibaatooyinka la soo dersay shacabka reer Somaliland iyo moogganaanta xisbiga Kulmiye

    Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) kuna saabsan Dhibaatooyinka la soo dersay shacabka reer Somaliland iyo moogganaanta xisbiga Kulmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) kuna saabsan Dhibaatooyinka la soo dersay shacabka reer Somaliland iyo moogganaanta xisbiga Kulmiye








Warmurtiyeed ay soo saareen qurbajoogga beesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) kuna saabsan Dhibaatooyinka la soo dersay shacabka reer Somaliland iyo moogganaanta xisbiga Kulmiye, kaasi oo ay ku saxeexanyahay guddoomiye Deeq Cabdi Digale

 

Bismillaahi Arramanirraxeem.Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahayAsalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Annaga oo ah jaalliyaddaqurbajooggabeesha Daa,uud Ismaciil (Ciidagale) ee kudhaqan dalkaIngiriiska,waxaanu ka biyo diidsannay habka ay ula dhaqmayso dawladda Somaliland iyo xisbiga ay ka soo jeeddo ee la magic baxay Kulmiye magacaas oo ay ahayd in ay ka run sheegto oo ay kulmiso shacabka reer Somaliland ee qabaa,ilka ku abtirsada ee danta keliyina ka wada dhaxayso oo ay tahay in la helo maammul isku haya una xaqsoora.

Hab dhaqankaas waxaa ka mid ah;

Kala qaybin shacab dal wada leh oo walaalo ah oo ay kala dhex dhigtay kala fogayn aan dantooda iyo ta dalka midna jirin.

Dhaqaalaha dalka soo gala oo ay shacabku ka qatanyihiin lagana leexiyo dan yarta lagana haqab tiro kuwa aan u baahnayn sida Qabqablayaal xisbiga kulmiye ku soo biiray ama xisbiyada mucaaridka lega leexinaayo,ama qaar dawladda dhaliisheeda sheegay oo lagu aamusiinaayo iyo qaar hab qaraabo kiil ah wax lagu siiyo.

 

Xilalka dawladda

Dawladda waxaa lagu sameeyaa wax loogu magic daray isku shaandhayn dhawrkii biloodba mar, laakiin waxa jira xubno wasiirro ah oo aan marnaba isku shaandhayntu aanay taaban,halkaas waxaa laga arki karaa kuwa wax beddelaa ee talada khaldan bixiyaa in ay kuwaas yihiin waanay badheedheen, qaadashada hantida ummaddu wada leeday way iska furantay mana arkaysid wasiir la beddeley oo laga xisaabiyey wixii ku baxay iyo meesha uu mariyey

Dawladda hoose

Waxay dayaceen masuuliyaddii ka saarrayd gaarahaan caasimadda dalka ee Hargaysa,shacabku intii dhaqaale haysatay way dhiseen dalka waxaanay qotomiyeen daaro dhaadheer oo qurxoon,dawladda hoosena cashuur ballaadhan ka qaadato,laakiin cashuurtaasi dalka dib uguma soo noqoto,waddooyinka caasimadduu waa wada boholo,gaadhiga saddex bilood lagu kaxaysto waa tuuris,waana sababta reer Somaliland aanay u eegin gaadhiga da,diisa ee ay u eegaan xilliga uu dalka soo galay

Maayerka magaalada Hargaysa wuxuu ballan qaaday uu dhisayo waddada wadnaha dalka ee gegida dayuuradaha u baxda,laakiin wuxuu haddana ku hanjabay haddii aanay xaaafadda ay waddaasi marto aanay dhismaha ka qayb qaadan in la joojin doono,waa yaab waddada ma xaafad ayaa leh mise dalka ayey ka dhaxaysaa?halkaas waxaa ku jira XASAD xasadkuna waa xaaraan.

Haddii waddadaas la dhammays tiro waxaa dayactir lagu samayn karaa biriishka ay waddadu marto ee sii dumaya.

Habdhaqankaasi

Wuxuu shacabka reer Somaliland ku keenay dhibaatooyin tiro badan waxaa ka mid ah.

Waxay waayeen cid u caddaalad u samaysa,waxay u kala fadhiisteen qabaa,il,waxaa batay dhibaatiinka dadka loogaysto,waxaa ku adkaatay nolosha aasaasiga ah dhinac walba,waxaa noloshoodii ka quustay dhallinta dalka u soo koraysay,waxaa ku batay in la xidho ciddii dawladda godadaloolooyinkeeda tilmaanta,taasina waxay keentay in ay shacabku ka baqdaan in ay baahidooda sheegtaan,waxaa iska soo xidhhay in ay caalamka aqoonsi ka helaan.

Waxaas oo dhibaatiiyin ah wuu moogganyahay xisbiga Kulmiye waxaase u wanaagsan in ay hoos u eegaan dalka iyo dadka ay masuuliyaddooda qaadeen

Talo soo jeedin

Masuul kasta oo dawladda xil ka haya arsaaqaddiisa waxaa u haya Alla inna wada abuurtay yaanu kuugu hanjabin addoon kula mid ah in uu arsaaqadda kaa xidhi doono,waxaad qadanaysaana ha ahaadaan xalaal, si aanad u galin naarta,hadalkaagu ha ahaado mid sadaqo kuu noqda.

Dawladda

Xisbigii udub wuxuu idinkula dardaarmay in aad shacabka reer Somaliland isku haysaan laakiin wuu idinka furfurmay dib isu saxa oo hab maammulkiinna wax ka beddel ku sameeya dalku waynaga dhexeeyaa.

Shacabka reer Somaliland

Innalaaha maca saabiriin u sabra xaaladda aad ku jirtaan, ilaashada nabadgeyadiinna waa ogtihiin dhibaatooyinka idinku xeeran,Nin kursi doonayaa yaanu kugu guurin oo ogow marka uu kursiga ku fadhisto kuma garan doono ee yaanu dalkaaga talaxumdiisi kaaga dumin,qaabillada reer Somaliland waa dad dal ka wada dhexeeyo ,isku dan ah basashii idinka kala furfurantay gacantiinna ku doorta xisbi mid cusub idinka dhex beera,cidkasta oo nabadgeyadiinna wax yeelaysa meel uga soo wada jeesta.

Golaha guurtida

Waa gabteen kaalintiinni waxaa la idiinka bartay xaalad kasta oo dhibaato abuuri karta in aad door wanaagsan ka qaadataan laakiin waa la idin tebay.

Maasha Allaah culimadu

Badankoodu doorkoodii way ka qaateen xaaladda kala guurka ah ee dalku galay waxaanu idin leenay jasakumallah kahyran

Guddoomiyaha jaalliyadda UK,

Beesha badhtamaha ,koonfurta

iyo bariga Hargaysa.

Ahnaguddoomiyihii hore ee

ururka Gaaroodi

Deeq Cabdi Digale




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online