Fadeexaddii nala fogaatay.! Abwaan Galaydh

0
January 09, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexaddii nala fogaatay.! Abwaan Galaydh

    Fadeexaddii nala fogaatay.! Abwaan Galaydh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexaddii nala fogaatay.! Abwaan Galaydh


Dirirku wuxuu salaamay afa-gaalayaashii ,isagoo ka cararaaya mariiq.
Waxay isu diyaariyeen inay soo dadajiyaan ,dayrta oo waagaa lagu diirsaday.ilaahay nimcadiisii waa na huwiyay,annana waanu uga mahad naqnay.
Goobtu waa bookha saaran laf axmed ,waraabahu waa noo wehel libaaxa oo mararka qaar soo gala waanu Ku walaalownay oo isku maanaan walaaci jirin!

Barwaaqadu markay badato waxaad bilowdaa botorin ,iyo inaad hesho cidd aad beerka saarto! Fahanoo waa gabadh gayaana oo aad guri u
yag-leelato.habaynkii markaanu geela soo xarayno waxaanu u ciyaar gudi jirnay geel-deeq in leeg waa meel ugu yaraan noo jirta konton kiloo mitire.markaanu Ku soo heesno hablaha aan hawarista iyo hebadka ahayn ee hooyada wanaagsani soo bar-,baarisay waxaanu dib u soo qabsan jirnay dhabihii aanu hore u soo marnay oo xeradii geela ayaanu Ku soo noqon jirnay.

Ninka noogu laqansan ee labiga gaadha ayaanu Ku daba fayli jirnay.
Maalmihii danbe ayaanu tagnay gaaf cadde goonbaarida laga didiyay oo gaarida loo fasaxay! Isla markaana uu lahaa gaanni aanu inmaadeer nahay . Askarigii arooska isku ruxaayay ayaa bakooradda I saaray anna intaan kacay ayaan qaaday heestii ahayd
sida laba is jeceloo ,
laydhsanaaya fiidkii.
Dadkii ayaa ila qaatay oo waxa rikoondho iyo koodh lay saarayo maad malaynayn ,fahanoo waa lay caleemo saaray.

Xabaal iyo ninkeed loo kala tagye Waxaanu bugta iyo bamta halkii ka gurnaba dadkii ayaa Ku kala dareeray ,markii aanu damacnay in aanu ugaadhsano ayuu arooskii naga codsaday in aanaan ka tagin oo aanu gaadhka galno,oo u qabano gabadha.
Habaar qabto way ka xoogwaynayde,markii loo kala jaray ,ee uu doonay inuu dusha kaga dhaco ayay diiday! Xoog ayuu isku dayay inuu kaga qaado balse" intay aad yar isu jabisay ayay kasoo tuurtay dabxeeradaha iyo weedhadhka dhexdooda ! Oo aanu annagu Ku beegnayn.isagoo qaylinaaya ayuu nagu soo hordhacay,iyana dabadda ayay u soo booday iyadoo xagga qaylada isagii tidhi fadhiiso!.

Intaanu soo afar-qaadlaynay ayaanu inantii tudh siinay oo is nidhi u qabta ,islaamihii oo qaxayaana way nasoo galeen annagoo kala dhignay.

Sidii baaa iyadana lagu baryay oo ay habaynkaa Ku adkaysatay.!

Annana Fadeexaddii nala fogaatay oo xattal aana markaanu dhulkii tagno waxaa nagula dacaayadeeyaa,in aanu gabadha qaban kariwaynay.

Maxamed. Galaydh





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online