XOOLAHA S.LAND WAXA XAYIRAADOODA QAYB KA AH MUQAALADA ABAARAHA OO SIDA QALDAN TV YADA LOOGA BAAHIYEY QALINKII CABDI CAWIYE

0
January 10, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 78
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XOOLAHA S.LAND WAXA XAYIRAADOODA QAYB KA AH MUQAALADA ABAARAHA OO SIDA QALDAN TV YADA LOOGA BAAHIYEY QALINKII CABDI CAWIYE

    XOOLAHA S.LAND WAXA XAYIRAADOODA QAYB KA AH MUQAALADA ABAARAHA OO SIDA QALDAN TV YADA LOOGA BAAHIYEY QALINKII CABDI CAWIYE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

XOOLAHA S.LAND WAXA XAYIRAADOODA QAYB KA AH MUQAALADA ABAARAHA OO SIDA QALDAN TV YADA LOOGA BAAHIYEY QALINKII CABDI CAWIYE


Waxaa hubaala in ay aad inoogu yartahay habka xakamaynta iyo xadaynta ee muuqaal baahiyayaasha wadanka macnaha habka TV yadeenu u baahiyaan muuqaalada kala duwan ee barnamijyada.
Waxa aynu la wada soconaa in SAUDI ARAB IYA AY xidhay xoolaheenii ayna ku sababeeyeen xanuuno iyo inaan si fiican loo baadhin taasina waxa ay ka timid markii ay daawadeen muuqaalo aan bani aadam eegi Karin oo argagax iyo cabsi ku reebaya qalbiga cidii daawata baahintaa oo ahayd tii taakulada loogu raadinaayey abaaraha .


Muuqaaladaa la baahiyey waxaa ka mid ahaa :-
Neef xoolo ah siiba lax cunaysa lax kale oo googoosanaysa
Ri caagad sida dooga u calaashanaysa
Iyo xaqiiqdii muuqaalo aan qoraal lagu soo koobi Karin oo ay baahiyeen tv yada wadankeena kasoo baxa mucaarad iyo muxaafadba.
In la soo bandhigo dadkeena tabaalaysani maaha mid xun
lkn waxaa un in la soo bandhigaa ay xun tahay wax dadka kula macaamila iyo bushadaadaba shaki kaa galinaysa.
Muuqaalka laxda markii la arkay dad badan oo aan anigu qoraa ahaan usoo joogay ayaa hilibkii joojiyey inay cunaan.
Waxa saxaafada ama baahinta qalad ku ah xeerarkeeda inaad baahiso muuqaal faa;iidadiisu ay samaynayso waxa badan oo qasaare ah sidan oo kale.
Waxayaabaha aan baahinta tv ga ka xasuusto ee yaabka lahaa
Qarixii fashilmay ee DEGMADA QOYTA XILIGII OLOLIHII UGU DAMBEEYEY
Wax yaabaha aan aadka ula yaabo waxaa ka mid xeerka saxaafada oo aynu aad ugu tumano dadna noloshooda aynu khatar iyo dil ku galino.,
Waqtigii ololihii xukuumadan haatan joogtaa ay waday UDUBNA ay wadanka xukumaysay Dec 18, 2009 ayaa degmda Qoyta oo 20km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Burco ayaa loo wanqalaayey markii wanqashu socotay ayaa gaadiidkii meel wadad dhexdeeda ah loo galay oo loo dhigay miinooyin jawaano ku jira dabadeed waxa arkay dadweynaha dad kamida waana la fashiliyey.
Hadaba waxaa layaab lahaa waraysigii lala yeeshay TALIYIHII BURCO EE WAQTIGAA IYO WARIYII TV GA QARANKA WAXANA UU U DHACAY SIDAN
WARIYIHII " taliye bal ka waran sida wax u dhaceen iyo sida qaraxa fashiliyey "
TALIYIHII " Ilaahaybaa mahad leh qarax ayaa cadawgu doonaayey in lagu fuliyo madaxda iyo maamulka dawlada laakiin alxamdulilaah wuu fashilmay waxbana may dhicin .
WARIYIHII " side ayuu u fashilmay qaraxu "
TALIYIHII " dad waynaha muwaadiniinta ah ayaa soo sheegay "
WARIYIHII " oo yaa ugu hor arkay ee idinla soo xidhiidhay "
TALIYIHII " wuxuu ahaa qofkii ugu horeeyey wiil yar oo dhalinyaro ah oo beerta ku xigtay joogay oo yara dhaga culus oo layidhaahdo INA JAMAC QALIB .
Bal u fiirso waxa meesha ka dhacay immisa gaf ayaa ku jira meesha
1.Qaladka wariyaha " oo yaa ugu hor arkay "
2.Qaladka taliyaha "wiil yar oo dhalinyaro ah oo beerta ku xigtay joogay oo yara dhaga culus oo layidhaahdo INA JAMAC QALIB .”
3.Qaladka baahinta iyo taftiraha " baahinta la baahiyey muuqaalka iyo codka "
4.Dhibaatada ka iman karta
Taliyaha oo ay dadka uu u taliyaa ka aamin baxaan ogaaddana khibrad la aantiisa waayo waxa uu sheegay qofkii fashilay qorshaha
Ninkii yaraa ee INA JAMAC QALIB oo qudha laga jaro waayo waxa uu kala kiciyey ama masaxay qoraal iyo maskax in badan qaraxan ku hawlanaa run ahaana hadii ay ragii qaraxa fulinaayey ku dhawaan lahaayeen bir ayey dhaafin lahaayeen
Guntii iuyo gabagabadii saxaafadu waa hubka ugu culus caalamka aynu ku noolnahay hadii inyar ooi qalada loo adeegsadana waxay burburin kartaa wadanka oo dhan waxaan talo kusoo jeedin lahaa raga aanu isku bahda nahay ee saxaafada in ay ka digtoonaadaan marka ay muuqaal baahiyaha fadhiyaan inaanay baahin war ayna isha kasoo gurin.

WAAD MAHAD-SAN-TIHIIN
ALLAH AYAA MAHAD LEH
Qalinkii Cabdi Cawiye
SHAYWAAL@GMAIL.COM
+252634115877



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online