Cali Guray ka ladnaa xanuunkii Muuse, waxa se shidaysa xumadii Faysal.

0
January 11, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cali Guray ka ladnaa xanuunkii Muuse, waxa se shidaysa xumadii Faysal.

    Cali Guray ka ladnaa xanuunkii Muuse, waxa se shidaysa xumadii Faysal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cali Guray ka ladnaa xanuunkii Muuse, waxa se shidaysa xumadii Faysal.

Muj. Cali sidaynu uga baranay maaha qof huursada waxa uurkiisu hibanayo waa intacaloosha calaw kaa gelihaa waxa la qaatay xaga afka inuu ka ciilbaxo, dabeecadaasi horseed uma noqoto qofkeeda inuu meel sare gaadho ilaa figta siduu u fananayu marka danbe ku fadhiisto. Maxaa yeelay waxa ku badan daacadnimada oo wuu ka madhanyahay jirjiroolaynta, dhul isu ekeysiinta, laba boglaynta wixiisuba waxay bariisanayaan banaanka. Doorashadii Siilaanyo madaxwaynaha ku noqday gadaasheed Cali waxa haleelay xanuun oofaha iyo adhaxdaba liicshay meelo badan ayaa loola cararay nasiib xumo lama helin dhakhtar ogaada bukaanka hayaa qolada uu yahay. Hilaadahaa labaatankii boqol laba iyo tobankii 2012 ayuu u yimid gudoomiyaha iyo u tartamaha madaxwaynaha ee xisbiga uciding Faysal Cali Xuseen, bukahaa mudo dheer ayay baadhidu ku socotay ugu danbayntii jiradii way heleen dhakhaatirti caafimaadna wuu helay. Markii uu ladnaaday wuxu dib u haybsaday halkii jeeskooda uu ku ogaa ee ugu danbaysay.Faysal waxay u ahayd rayn rayn farxad uurka ah inuu anbabixiyo Cali si uu uga nasto rafaadkii iyo hawshii adkayd ee uu la soo maray intii uu duljiifay. Cali isagaa ku tiraabay inuu ka bogsaday xanuun Muuse la yidhaahdo oo meel xanuunada uu kaga jiro la aqoon Faysala kama hayno inuu ka daweeyay xanuunka magacaa leh waayo afkiisa ayaanay ahayn aqoonta ayaa dabraysa oo diidaysa. Cali wuxu guure iyo galab caraababa goortuu reerkoodi gaadhayba wuxu carooga u qaatay F AYSAL IYO xusbigii ucid ee waadhka u ahaa intii uu tawsaysnaa ee gacanta ku hayay. gebegebadu waa MUUSE KA LADNAADAY EE FAYSAL AYAAN U BUKAA

SICII waraabe Taffe
xigash Cali Guray


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online