"Kaftanka maanta ,Dalmar & Dab-jeex:" Axmed Guruuje

0
January 11, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Kaftanka maanta ,Dalmar & Dab-jeex:" Axmed Guruuje

    "Kaftanka maanta ,Dalmar & Dab-jeex:" Axmed Guruuje

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Kaftanka maanta ,Dalmar & Dab-jeex:" Axmed Guruuje

'' Ayaxeey dubatayoo , Kulmiyena doorasho doonayaa ''

Waa mar kale iyo xikaayadii odaygii dalmar ee dawaafi jiraye , maantana waxaynu arki doonaa , sheeko dhex martay oday Dalmar iyo nin reer miyi ah oo la yidhaa Dab-jeex oo ay ku kulmeen banka saraareed .

Dalmar , sc waar bal waran maxaa la sheegay .

Dab-jeex , yaaaaah waar biyo ma haysaa aad kuu maqli maayee .

Dalmar , waar yaahe miyaad dhago cuslaatay , maxaad sheegtay .

Dab-jeex , waar waysada iqu qabo waan liitaaye .

Dalmar , waar bal hoo , bisinka ninkuba waa bistii .

Dab-jeex , haaaah waar nin yahow xayntii oo haraadan baa iga dhex qaylinaysoo hadalkaaguba waa igu hamag hamag .

Dalmar , waar bal abaarta iyo sida arlada laggu yahay iiga waran .

Dab-jeex , waar abaar maahee arlada waxaan odayna ka sheekayn kaa dhacay , dhulku waa xaaluf , caloosha la jiidaana xaab kama qaado , dadku afarta dhanba wuu u guuray , waxse ugama kordhin , daaduunka waayaha taagan qof aan arkin loogama warami karo .

Dalmar , alle ayaynu leenahay abaar xun baa taagaane .

Dab-jeex , waar bal adiguna ii waran meeshaad ka timi maxaa laga joogay .

Dalmar , waar anigu ceelkii Hargaysa ayaan ka imi , waa laggu nabdoonaa , warkaa abaartana waa lagu hayaya , dee buuq doorashada oo xiligii la isku ogaa soo dhawyahayna waa taagnaa .

Dab-jeex , eeeeeh waar nin niman yahow yaadhaheen , reer magaalku cadawsanaa , ma maalin la doorasho loo hawadaa dadkiibaa jiifee , waar maxaad tidhi doorashadana yaa hadal haya .

Dalmar , abaarta waa lo ogyahaye , dee qoladan kulmiye ayuunbaa ku yara dhagan abaarta iyo doorashadu isdiidi maayaane hala is dhax wado , waase laggu qaylinayay .

Dab-jeex , waar nimanka kulmiye doorashooooy , doorashoooy waatay ku qaylin jireen , hadii la doortayna miyaanay garanayn dadkii idin doortay wax ku tara maanta dadkiiba liitee .

Dalmar , waar mayee intaa way garanayaane , wuxuun bay u jeedaan , hadii la haleelo ,hanala doorto , abaartaba wax waa ladooran karaaye .

Dab-jeex , ayaxeey dubatayoo kulmiyana doorasho , doonayaa , waalee dadka abaartan jooga iyo doorashana kala war la'a.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online