"soomaaliland intay sidan ku sii socon lahayd waxaa dhaanta iyadoo saqiirtay"

0
January 11, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "soomaaliland intay sidan ku sii socon lahayd waxaa dhaanta iyadoo saqiirtay"

    "soomaaliland intay sidan ku sii socon lahayd waxaa dhaanta iyadoo saqiirtay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"soomaaliland intay sidan ku sii socon lahayd waxaa dhaanta iyadoo saqiirtay"



Soomaaliland intay sidan ku sii socon lahayd waxaa dhaanta iyadoo saqiirta. waa loo soo dagaalamay oo dhiig ayaa u daatay .dhaqaanlena hadalkiisa daa ,raggii waagaa joogay ee lahaa waxaanu nahay halgamayaashii dhiigooda iyo dheecaankooda u soo cabay maanta iyagaa dalka gacanta ku haya . 



halkaasna waxaa kaaga soo baxaaya inay sheekadu ahayd "qawda maqashii waxna haw qaban" oo waxaa daliil kuu ah inaan loo soo dagaalamin, ku tala galkuna ahayn in gooni loo baxo, balse muhiimaddu ahayd in la rido dawladii lagu gafay, ee uu horgalaha ka ahaa "maxamed siyaad barre" haddii inuun somaliland daacad loo ahaa maanta ayay laxejeclo ka qabilahaayeen, oo garan lahayeen xaqa iyo xuquuda carradoodu ku leedahay. waynu wada ogsoonahay oo waynu ka war qabnaa. halka maanta wax marayaan 


.xaqa waxaa ka sareeya baadilka, sharciga waxaa ka sareeya shilinka. nidaamka qabaliga ah hadda wuxuu noqday mid oodihiisa soo goostay ,oo duufanaddeeda iyo dabaylaheeda hadda waxaa daawo ka dhigta"inta talada danaysa iyo siyaasiinta aan aqoon ku dhisnayn ee abtirsiinta ku olaleeya. xukunka waxaa haysta dad isku hayba,xisbiyada waxa haysta in isku reera. dawladda darajooyinka waxaa ku taxan kuwa isku abtirsiina, waxa dhaqaaqa iyo inta hadashaaba waa wada isaaq. soomaalilaan kuwa ku faanaa waa qabiil kaliya,kuwa ilaashadaa waa qabiil kaliya,kuwa isu yaqaana inay leeyihiin waa reer kaliya,kuwa difaaca waa reer kaliya, inta u ololaysaa waa reer kaliya, cid kalana maahee waa qabiilka diilinta dhexe daga . magaca lagu 

qadhaabto iyo xuduuda la sheegaana ka badan dhulka isaaq dago, oo waa intii gobolada waqooyi laysku oran jiray ee maxmiyadda u ahayd biritishka. waxaana daga " dhul_bahante,warsangali, gudabiirsi,ciise, isaaq, iyo kuwa kaloo badan. haddana waxaa isi siiyay mid ka mida beelahii dagi jiray, maadaama oo ay haystaan dhulkii ganacsigu uga imanaayay 



. dulmiga maanta ka jira" soomaalilaan "maaha mid la tiro koobi karo, caddaaladii way ka guurtay ,dawladdii umadda u dhaxayn lahayd ee haddii lagu dhaco aad ku carari lahayd iyadaaba ku boobaysa oo aad ka caraysaa! shariciga waxaa ka sareeya shilinka oo haddaamnaad waxba ku dhex haysan kabahaa lagaala baxayaa oo waxaa kuu tashanaaya in kaa tamar badan ,cid kaa ridda iyo cid kuu hiilisa toona ma haysatid oo xukuumaddaadii ayaa saadka jecel oo haddii aanaad laaluushin maryaha kaala baxaysa. soomaalilaan intay sidan ku sii socon lahayd inay saqiirtaa dhaanta. 

maxamed galaydh


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
>