Halkan Kaga Boggo Madax-dhaqameedka Beel weynta Habar-yoonis Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Qorsha Uu Ganacsade Ina Aw Siciid Daba Ka Riixayo Oo La Doonayo In Lagu Xidho Siyaasiga Guuleed Daahir Samatar.

0
January 11, 2017 in Wararka by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 877
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Halkan Kaga Boggo Madax-dhaqameedka Beel weynta Habar-yoonis Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Qorsha Uu Ganacsade Ina Aw Siciid Daba Ka Riixayo Oo La Doonayo In Lagu Xidho Siyaasiga Guuleed Daahir Samatar.

    Halkan Kaga Boggo Madax-dhaqameedka Beel weynta Habar-yoonis Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Qorsha Uu Ganacsade Ina Aw Siciid Daba Ka Riixayo Oo La Doonayo In Lagu Xidho Siyaasiga Guuleed Daahir Samatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Halkan Kaga Boggo Madax-dhaqameedka Beel weynta Habar-yoonis Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Qorsha Uu Ganacsade Ina Aw Siciid Daba Ka Riixayo Oo La Doonayo In Lagu Xidho Siyaasiga Guuleed Daahir Samatar.










Burco (SLL)-Madax-dhaqameedka beelaha Habar-yoonis oo maanta kullan balaadhan isugu ymi magaalada Burco, ayaa eedo kulul usoo jeediyey ganacsadaha fidma walaha ah ee ina Aw siciid, waxanay ka soo horjeesteen gebi ahaanba qorshaha dhagaraysan ee ay xukuumadda KULMIYE iyo ganacsade ina aw siciid daba ka riixayaan oo ay ku doonayaan in xabsiga lagu dhigo siyaasi Guuleed Daahir Samatar,kaasi oo ay waaran gacan ku rimis ah u soo jareen.

Kullanka oo ay ka soo qayb-geleen Salaadiin odayaal cuqaal iyo wax-garadk beel weynta Habar-yoonis ayaa waxa ka haddlay ugu horayn madaashi Cali Qaabiil waxaanu ku bilaabay haddalkiisa sidan:"Guuleed waan nin siyaasi ah waa nin ka tirsan golaha dhexe ee Xisbiga WADDANI, waa nin aanu bilaa debi ku ognahay, waa nin oday ah oo sharaf leh, waxa dhacday oo warku nagu soo gaadhay in la yidhaah-do ina Aw siciid oo baayac-mushtari ah oo aanu ceeb hore ku ogayn inuu ninkaasi ina aw siciid yidhin ninkaa Guuleed Daahir hala ii xidho, marka dhan laga eego waa laba nin oo shacab ah ama xisbi haku jiraan ama siyaasi ha hakujiraane, waxa weyeenaan waa laba nin oo shacbi ah oo aan xukun dowladeed midkoodna aanu hayn ama xil dowladeed aanu hayn, nin waliba waddanka waxa uu ku leeyahay xuquuq nina xuquudiisa laguma laguma tuman karrayo, hadddii lagu tuntana lama qaadanayo” Ayuu yidhi Oday Cali Qaabiil.


"Ina Aw Siiciid waxaanu leenahay Guuleed daahir wax kale muu odhane wuxuu ku yidhi haku milmin siyaasad, markaa annagaaba ku leh haku milmin, adigoo hantidaa cid gaar ah ugu hiilinaya, bal adigu ha is boqma goyn ayaanu ku leenahay,Siyaasi Guuleed wax khalad ah oo uu galay ma jirto warkiisii waanu daawanay intaa aanu leenahay in ka yar ayuu ku yidhi”Ayey yidhaah-deen.


Dhanka kalena waxa Isna halkaasi ka haddlay Jiif Caaqil faarax Jiiciir waxaanu ku bilaabay haddalkiisa "waxaanu u aragnaa in haddalk la leeyahay waaran ayaa loogu soo jaray inuu yahay haddal caadi ah oo laba nin oo shicib ah oo aanu Guuleed wax denbi ah gelin, ninka ganacsadaha ah waxa uu lamid yahay Jimciyada aan xuduuda lahayn ee bisha Cas, waa in ay meel walba maslaxaid u taalaa gobol iyo degmo shicib iyo dowlda, haddii uu taa waayo waxa laga yaabaa in aanu ganacsidiisu aanu siduu doonayey noqonin”Ayuu yidhi Caaqil Faarax Jiciir


Sidoo kalena waxa isna halkaasi ka haddlay Oday Cabdi Jaamac Xirsi waxa kamid ahaa haddaladiisii "Ganacsatayaasha kale ee Dahabshiil Iyo Oomaar iyo ina Faarax Xarbi nin-mankaas oo kale sidoo uma socotid ina Aw siciido, Nin Aad u dheeraynaya oo laba baal leh ayaad tahay oo duulaya ilaa Nayroobi, waanu ku fahansanahay, xadhigaan katarki wuu nooyaala noo jarayey.”Ayuu yidhi Cabdi Jaamac Xirsi.

 

Isku soo wadda duuboo salaadiinta, odayaasha, cuqaasha iyo wax-garadka beesha Habar-yoonis ayaa gebi ahaaba ku tilaamaay sharci darro waararan la sheegay in lgu xidhayo siyaasi Guuleed Daahir Samatar, waxaanay sheegeen in ay ka soo horjeedaa in la xidho siyaasi Guuleed Daahir Samatar madaama oo aanu gelin wax debi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online