Sidee daanta Bari ee magaalada Hargeysa loogala dagaalamay wixii magaalo magaalo ku ahayd ?

0
January 27, 2017 in Wararka by
  • Visits: 1056
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sidee daanta Bari ee magaalada Hargeysa loogala dagaalamay wixii magaalo magaalo ku ahayd ?

    .

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

.

Wacanoo wanaagsan akhyaareey idil ahaantiinba waxaynu qoramadan kooban ku dul istaagi doonaa arin aad moodo inaan dad badani sidaaba ugu fiirsan waana arinta ah farasmagaalihii magaalada Hargeysa iyo sida loo baabinaayo wixii magaalo magaalo ku ahayd ee ah xarumaha magaalo kasta  oo dugsanaysa ilbaxnimada sooceeda astaanta u ah ee kala ah kuwan soo socda:

A-Goobta cibaado ee ugu wayn ee magaaladaasi leedahay (masjid jaamac)
B-Xarunta dawlada ee magaaladaasba looga taliyo (municipality)
C-Xarunta ugu ee lagu kulmo (National Theater)
D-Xarunta ugu wayn ee kaydka aqoonta iyo Buugaagtaa Rugta kutubta (Library)
E- Carwada magaalada ama waxa loo yaqaan (National Museum)

Dhamaan qodobadaasi waa xarumaha ishu ku dhacdo uguna muhiimsan magaalo kasta, bal hadaba aynu eegno sidii goobahaa loogu qorsheeyey magaalada waagii Bile Rafle iyo halkay ku danbeeyeeen iyo sidii aynu ugu talinay inagu inagoo taaga sheeganayna ilbaxnimo iskuna aragna kuwii inoo sameeyey inaynu uga abtirsiimo fiicanahay ilbaxnimada sooceeda.

Hargeysa iyo qorshayntii farasmagaalaha iyo xarumihii sida gaarka ah la iskugu xulay.

Magaalada Hargeisa oo waagii hore ahayd caasimadii labaad ee Soomaaliya hadana ah caasimada Somaliland waxaa qorshaynteedii aad saamayn ugu lahaa ninkii la odhan jiray Bile Rafle kaas oo sida ay maanta tahay wax badan ku lahaa aragtideeda waxaynuna eegi marka hore sidii farasmagaalaha loo qorsheeyey iyo xarumihii la isla doontay si ay u sameeyaan bilicda magaalada iyadoo laga dabqaadanaayey waagaa qaabka magaalooyinka casriga ah loo qorsheeyo.

Farasmagaalaha oo waagaa loo qorsheeyey halka ay dhacayaan goobahan muhiimka ah waxaa la isla doontay inay iska soo wada horjeedaa Dawladii hoose ee magaaladaba looga talinaayey, waxaa kale oo barbarka kaga yaala xarunta ugu wayn ee cibaado loo qasdiyo ee ah Masjid Jaamacii ugu waynaa magaalada, waxaan ka fogayn Tiyaatarkii u ahaa astaanta magaalada, ku darsoo waxaa gadaal kaga yaala Carwadii loo dhisay kaydka  hidaha iyo dhaqanka  ugu danbayntii waxaa lagu soo gunaanaday Rugtii Kutubta ee magaaladaba ugu waynayd. Dhamaan dhismaayaashaas ila doonashadoodu miyaa la odhan karaa waxay ahayd nasiib? mise waxaad halkaa ka garan kartaa inay ka danbaysay qorshe  hiraal fog waliba.

Maanta iyo siday reer Hargeysi u kufsadeen xarumihii astaanta u ahayd magaaladoodii Hargeysa.

Markaynu u nimaadno dhamaan xarumahaa aynu soo sheegnay ee dawladii kacaanku ugu talogashay inay ka qayb qaataan quruxda iyo ilbaxnimada bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa waxaad odhan kartaa  wax kale kuma masaali karnee waynu kufsanay. Bal aan balbalaadhiyo sidaynu u kufsanay anoo mid mid u dul istaagaaya.

Tiyaatarkii

 Tiyaatarkii oo ahaa xarun aad u quruxbadan loona qosheeyey si aad u bilicsan barxad baladhan dhir si habsami ah loo qorsheeyey kuna haboonaa wixii loo sameeyey waxaynu awoodi waynay inaynu ku soo celino bilicdii iyo haybadii uu lahaa waayo Tiyaatar maaha xarun lagu jaaso oo qudha ee waa xarun looga faaiidaysto ujeedooyin tirobadan waa xarun lagu abaabulo nadwooyinka iyo aqoon iswaydaarsiga cilmiyeysan, waan goob muxaadaraadka iyo ildheergaradka umadu ka waraabiyaan bulshada inteeda kale. Waxaynu ka dhigan kari lahayn goobtaas meel siyaasiyiinta waayni umada hiraalkooda ugu soo gudbiyaan culimadu muxaadaraadka ka jeediyaan abwaanadu bulshada ka hagaan hase ahaatee sidii la odhan jiray dadku waa u cadaw waxaanay garanayn. Taasi waxay sababtay inaynu qalad ka fahano ahmiyadiisana aadba aynaan ugu feejignaan ka xaafad ahaan iyo ka magaalo ahaanba, balse aan idin wargaliyo maanta iyo sida xarumo la mida loo aasaasay  sida xarunta hido dhawr oo kale goobo aan goobahan ahayna loo qorsheeyey in la geeyo lagana dhiso iyadoo asalku ahaa in xarumihii magaaladu lahayd marka hore la xoreeyo kuwaana boodhka laga tumo.

Ruktii Kutubta ee uu Jaale Siyaad u dhisay Hargeysa waxaynu ka dhignay Jeel aynu ku xidhno tuugta sidaas darteed Siyaad barow Xaal qaado.

 Waa xarunta kaydka aqoonta iyo iftiinkeedaba waana goob astaan u noqon karta magaalada dhan dhamaanteed waxaanay isla goobtani ka soo horjeedaa isla Tiyaatarka waxaas nasiib daro ah in  xaruntaasi tan iyo markii aynu iska xoraynay daquudkii Siyaad Bare inaynu u badalnay jeel lagu xidho tuugta waxaa wax lala siiyaabo ah in isla xaruntaa jeelka aynu ka dhignay oo sideedaba wax lala yaabo ah inuu ka soo horjeedo Iskuul ka mida kuwa magaalada Hargeysaba ugu caansan uguna taariikhda iyo facaba wayn kana mida dhismayaasha tirada yar ee gumaystihii Ingiriis inooga tagay oo ah iskuulkii la odhan jiray (Reece) waxay suaasha la yaabka lahi tahay waligaa ma aragtay goob wax barasho iyo goob dadka dambiilayaasha ah kulmise ama la isla doontay  sida goobaha dadka lagu daweeyo looga fogeeyo xarumaha buuqa badan ayaa goobaha dambiilayaasha lagu hayo looga dhex saaraa magaalada iskabadaa goobaha waxbarashada in lala jaarsiiyee. Hadal iyo dhamaan waxay suaashu tahay yaa ka danbeeyey shirqoolkan ? mee dadkii wax garadkaa ahaa xaafadu? ilaa goormay sidan sii ahaan? ma xaafadaa ku eedaysan mise golaha magaalada ? iyamaa inoo muhiimsan in lagu soo celiyo waxay ahaan jirtay iyo inay inoo sii ahaato jeel aynu tuugta ku rabaysano?

  
Carwadii
waxaydin dhamaantiin la socotaan xaalada ay ku sugantahay Carwadii waynayd ee magaaladu lahaydba, walow qaybi tahay xarun caafimaad oo lagu daweeyo dadkeena danyarta ah inkastoonay ku haboonayn xarun caafimaad oo aanay lahayn shuruudihii loo baahnaa  hase ahaatee waa xarun  markii hore loogu talo galay inay ahaato goob taariikhiya laguna kaydiyo hidihii iyo dhaqankii suubaanaa  kuna kulmaan dadkeena inuun lagu xanto dhaqankii iyo suugaanteenii suubanayd, waxayse ku tusaysaa xaalada ay maanta ku sugantahay inaynaan ehelkeeda ahayn wax badan oo uu inoo sameeyey kacaankii ka dib markaynu inagu u badalnay wax ka duwan wixii loo sameeyey somaliduna waxay tidhaa gaalka dil gartiisana sii.   sidaas dateed sida aynu u kufsanay Tiyaatarkii , Ruktii kutubta ayeynu iyana u kufsanay . Waxaase wax lala yaabo ah in maanta xarun kaydka hidaha iyo dhaqanka lagu astaameeyey in la sameeyey iyadoo goobtii carwadu ku haboontahay xaal xaal yaruun u baahan cida maanta ku jirta ee dadka ugu adeegaysana waxaa la awoodaa in meel kale loo kireeyo se mooyi wax jira  iskuna sii daalin maayo sababaha goobahan looga sii ordaayo ee meelo kale loogu ordaayo  sababtu ma xaafad ka orodbaa mise wax qarsoon oo aan la loodin karin baa jira oo looga ordayaa? mise dagaal baaba lagula jiraa sidii farasmagaalaha looga rari lahaa goobahan muhiimka ah ? warjiraaba cakaaruu iman 


Masjid Jaamicii

Masjid jaamaca Hargesi wuxuu ka mid yahay goobaha ugu waawayn ee magaalada Hargeysaba ku yaala,  waana astaan lagu astaansado magaalada waxaanad ka garataa muhiimadiisa inuu yahay goobta ay u soo qasdiyaan madaxda dalku ciidaha aynu leenahay waana goob ay kula tukadan dadka kulana ciidaan. Hase ahaatee suaashu waxay tahay isaga maxaa ka qaldan hada ee aad dhaliilaysaa? Miyaa la iibin rabaa? ma badhbaa laga shaxaaday dhulkiisii? Mise ujeedadii loo dhisay mid ka duwan baa lagu qabtaa hada ?  Anoo ku bilaabaaya jawaabta oo koobani waxay tahay suaasha ugu danbeysa oo ah ujadeedii loo dhisay wax wuu inoo qabtaa weli se waxbaan dhaliilayaa oo intaa wax ka badan buu inoo qaban karaa se xagay sartu ka qudhuntay ? Waatan jawaabtuye adoo degan ka fiirso.


Cigaal iyo qorshihiisii Masjid Jaamaca Hargeysa. 

Tan iyo markii dalka lagu soo laabtay intii aanu madaxweyne cigaal madax ka noqon dalka waxaa masaajidkaa wayn ee Masjid Jaamaca gacanta ku hayey Culimada danbe oo uu uga wakiil ahaa Sheekh Maxamed Cali Gadhle waxaanu masaajidku ahaa goob wax barasho ramadaanada Taraawiixda lagu khatimo quraanka karimka ah waxa kale oo uu ahaa goob nadwooyinka iyo muxaadirooyinka wax ku oolka ah ay ku galaan culimada waawayn ee dalku sida Sheekh Mustafe iyo Dirir oo kale. hase ahaatee imaatinkii Cigaal iyo dagaaladii sokeeye wuxuu madaxwayne Cigaal uga faaiidaystay jaaniskii lagu kala maqnaa qaxa inuu u gacan galiyo maamulkii masaajidka Culimo dhaqameedkeenii  hore kuwaas oo uu u arkaayey inay la safan yihiin isaga sidoo kalena khatarbadani aanay kaga imanayn dhankooda,  isagoo sidoo kale ka baqo qabay waagaa ururadii Islaamiga ahaa oo uu ka urinaayey inay hogaamin karaan Culimadaa waawayn dhalin badan oo dalka u kacaamay waagaa walow culimadeenu kafaroxalnaayeen tuhunka noocaasa. 

Sidaas darteed buu tan iyo waagaa masaajidkii ugu waynaa ee magaalada Hargeysi yahay goob ay habeenka jimcaha ku kulmaan odayada dariiqada qaadiriyada ka dibna ay ku xadreeyaan  xiliyada salaadahana uu yahay goob dadka wixii ka agdhawi ayku tukadaan. masaajidkii inoogu waynaa maaha maanta goob jiilal iyo jiilal inoo soo saara xufaad quraan iyo culimadii diinta beri, maaha maanta goob ay muxaadirooyin ka jeediyaan culimada loogu jamashada badan yahay dalka ee aqoonta maadiga ah iyo ta diiniga ahba isku tarjumikara. Balse waa goob ah sidaa aynu soo sheegnay waxayna maanta dhalintu iyo dadka inuu aqoonta sooceeda diinta ka haystaa aadaan masaajido kale lagamana yaabo culimada aydin wada taqaanaan inay muxaadiraad inoogu galaan masaajidkii ugu waynaa magaalada hase ahaatee way iman  maalin uu masaajidkeenaasi kaalintii uu bulshada ku lahaa ku yeelan doono wuuna dhalin wiil sida Erdogan masaajidkii Ayasofia ee magaalada Istanbul ugu soo celiyey haybadiisi masjid jaamacana ugu soo celiya kaalintii uu bulshadeena ku lahaa.

Dawladii Hoose

Waxa ugu danbeeya ee aan rabo inaan carabaabaa waa Xarunta Dawlada Hoose ee iyaduna ah goob ku taala bariga magaalada Hargeysa kana mida xurimahaa shanta ah ee la isla doortay Tiyaatarka,masjid Jaamaca,Ruktii kutubta iyo Carwadii magaaladaba waxaanaynu is waydiin  miyey inoo fulisaa weli ujeedadii ay ahayd inay ino fuliso oo ah inay si hufan ugu adeegto dadka ku wada dhaqan magaalada Hargeysa? waxaynu la soconaa inay Dawlada Hoose tahay meesha ugu saraysa ee maamulka magaalada. haday iyada caafimaad qab waydona inay saamayn dabadan ku yeelan doonto dadka iyo magaalada hoostagtaba, waxaa maanta dul hoganaaya eedaymo badan maamulka ka taliya Dawladaa Hoose waxaana aynu ognahay sida hada qorshayaal la wado in xataa iyada lafteedaba goobta laga raro rag soo jeediyeen sida goobihii kaleba loo dhalan rogay. Waxaynu la soconaa in xataa Geerashkii ay lahayd Dawlada Hoose la rabo ina rag ganacsato ah laga iibiyo sida goobo kale oo dawladu lahaydba loo iibiyey.

Marka la eego goobaha adeega bulshada haday tahay wasaarado iyo haday tahay xarumaha hayadaha dalka jooga iyo haday tahay xaruntii madaxtooyada, tii golaha Baarlamaanka, tii golaha Guurtida, saldhigyadii ciidamada iyo xarumihii kale ee sida baananka iyo warbaahinaduba waxay ku yaalan hal daan waxaa qudha ee gacanta daantaa ka baxsadayna waxaa la odhan karaa waxaa ugu muhiimsan Gegida dayuudaha , Istaadyoonka kubada cagta, mid iyo laba wasaaradood iyo shantaa shay ee New Hargeysa ku yaala ee shantiiba ujeedadii aanay inoo haynin. dhamaan dhacdooyinkaas markaad sidaa ugu fiirsato waxaad is waydiin xagay wax usocdaan? maxayse magaaladu dhan qudha uga rarantahay ? maxaanse aanay suura gal u ahayn si saxmada loo yareeyo in xarumahaa aynu soo sheegnay loo kala qaybiyo daanba wax si daan kastaa muhiim ugu noqoto dadwaynaha ku dhaqan magaalada Hargeysa?  suaalaha jawaabahooda adoon raadinba waxaa shaki kaa galayaa in xarumaha kale ee daamaha kale ku yaalaba laga soo raro taas oo runtii tilmaamaysa inaanu jirin qorshe heer gole deegaan ah oo ka talinaaya aayaha magaalada iyo isdhexgalka bulshada iyo magaalaynteedaba.

 Hadal iyo dhamaan haday sidan wax u socdaan xal degdegina lagu gaadhin waxay ku danbayndoontaa magaalo ka kooban hal xaafada taasina waxay aad wax ugu dhimi doontaa magaalayntii magaalada Hargeysa iyo inayba isu sharaxi karto caasimad umadeed, waxay kaloo sii xumayn doontaa saxmada badan ee hadaba ka jirta magaalada sababtuna tahay markii wax kastaba meel la iskugu geeyey hadiise lakala durkin lahaa oo qof waliba subixii daan u kalihi lahaa dhibka saxmada ee hada ina haystaa muu jireen sidana  suuqu umuu xidhmeen barqadaba hadii la gaadho se dadkaan la hadlayaabaan lahayn dux iyo iidaan, runtiina waxaa ku eedaysan xaalada maanta boobka iyo cadaalad la aanta dawlada hoose dhamaan maamulka daamaha iyo dadkii loo xulay inay ka taliyaan aayaha bulshada ku dhaqan magaaladaas.

wasalaamu calaymkum
wabilaahi tawfiiq ic



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online