Xildhibaanada Xaaraan Quutayaasha, Moorgan, Maxamuud Xaashi & Qoyskii Boqortooyada:By Caasha Jaamac

0
February 13, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 68
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Xaaraan Quutayaasha, Moorgan, Maxamuud Xaashi & Qoyskii Boqortooyada:By Caasha Jaamac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus



Xildhibaanada Xaaraan Quutayaasha, Moorgan, Maxamuud Xaashi & Qoyskii Boqortooyada

ee Wadankii Wada Xaraashay, haday Xishood & Naxariis & Cabsi Rabiba midna iska diideen

oo intay Doollar qaateen, Cagmihii u taageen, Qaaxo & Tiibay & Cudur ayaad qaateen.

Xildhibaanada Xaaraanta qaatay, ee xalaasha diiday, ee Wadankii Wada xaarashay & Qoyska Madaxtooyada Wadankii

wada siisay, Cidhibtiina Aakhiro & Aduunbaa Ilaahay ayaa Umadu idinku reebtay.

Xildhibaanada Shicibkii oo abaarihii aafaysay, Xoolihiina u dhoofin, Biyo Baadna aan uba doonin, ee Calooshada & Caq-

ligoodii Caantayno Moorgan & Aamina Weris & Maxamuud Xaashi u saydhan, aduun & Aakhiro Cadaab & Cudurbaa gurateen.

Xildhibaada shicibkii u danayn ee abaaraha & gaajadaasi damqi weydey, Siilaanyo Daalina Dalkii u xaraashay, Daacuun & Dirxi-

baa aduun & Aakhirba Diiran doona jidhkiina.

Xildhibaanada Ilaahay Ka Xishoon, Umadii u naxariiseen ee xaaraantuun guranayaa, Doollarkii Dam ka siisay, Duli & Doqon-

iimo ayaad Moorgan, Aamina Weris & Maxamuud xaashi, Midigtiina ugu taagteen.

Xildhibaanada Xaaraanta ku naxaay, Xoolihii Umadii xaqdarada ku gurtaa, ee Odeygan Xayeyshka Xaqdara Gacmaha ugu taagay

Xabaal & Xisaab & Naarbaa idiina dambaysan.

Xildhibaada Dadkii ay metelaayeen, Gaajada & Haraadka, & abaarta & Sixir-bararka ugu damqan waayey, ee Daalimiintaasi Dalkii

wada siisay, ee acantaa ugu taagey, Cuqubo & cadaan & Cudur ayaad gurateen.

Xildhibaanada Ilaahay aan ka xishoon, Umadii Xoolahoodii Xaqdaro & Laaluushna ku xaabsaday, ee Xaaraanta Gacantaa ugu taagay

Xisaabtii Aakhiro & Aduunkood Ku rafataan ayey Shicibku idinku Dacweeyeen.

Xildhibaada Ciidan Shisheeye Shicibkii u horseedey, ee qiiqaa Yamaneed & wadankii ku hogaanshay, ee shilimo kuba qaatay Ilaahay

Ololkiisa aduunyo & Aakhirna naartii cadaabta Caadil haydinba geeyo.

Xildhibaanada, Shicibkii u naxaynin, abaarta, Gaajada, Haraadka, Sixir-bararka, iyaga Calooshada Xaaraanta ku gurayaa Aduun &

Aakhito & Ubadkiina Inkaar baa ku dhacaysa.

Xildhibaanad Baarlamaanka Wadankii Maanta way dhaxal wareejiyeen, oo Dagaalkii Yaman & Xutuyiinta ayu soo rareen, oo

aldhigaasi Berberi wey ku daysay Somaliland ka mid ahaa, oo Imaaraka & Carabta ayaa iska yeeshay, Itoobiyana Maanta inoogu

dambaysa, Siilaanyo & Reerkiisa & Moorgan & Maxamuud Xaashi, Bad & Beriba Xaaraantii way u taalaa, oo soo buuxsadeen

ee Shicibka Xoolihii laga joojiyey, abaaruhu aafeyeen, ee Sixir-bararku isugu darsamay, waxa la weydiin kuwa Baarlamaanka isku

sheegaya ee leh waanu idin metelnaa ee Cuqubada & Laaluushka intay gurteen gacantooda u taagay.

Shicibkoow waxaad ku ciil baxdaan inaad ducaystaan oo Ilaahay idin dhaafiyo Siilaanyo, Aamina Weis, Moorgan, Maxamuud Xaashi

ood kuna habaartaan in Cudur & & Belaayo aanay ku calfan Lacagta ay siisteen Saldhigaasi & Kuwii ka horeeyeyba uu ku rido oo

ay liqi kari waayaan, Kuwa baarlamaanka Xaqii Umada Shilimo siistayna cuqubo degdeg ah ku dhacdo, Mididigta ay xaqdarada u

taageen Dulmigaasi.

anigaa qoray, oo waa la aqbala Masaakinnta Dulman ee abaaraha, Gaajada, Haraadka & Sixir-bararku isugu darsamay ee Xool-

ahoodii Kibiri & Laaluush lagu bixinayo, iyaguna Gaajo la ildaran yahay ee loogu naxariisanayn. Ilaahay wuxuu u naxariista marka

kuwa dhulka jooga loo naxariisto.

Siilaanyo & eerkiisa & Xukuumadiisa & Kuwa Baarlamaanka ee Laaluushka qaatay Naxariistii Ilaahay way ka dheer tahay.

Wabilaahi Tawfiiq





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online