Diinta islaamku ma ogola in dal muslim ah oon waxba kuu geysan lala dagaalamo Abdi Mustafe

0
February 14, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 84
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Diinta islaamku ma ogola in dal muslim ah oon waxba kuu geysan lala dagaalamo Abdi Mustafe

    Diinta islaamku ma ogola in dal muslim ah oon waxba kuu geysan lala dagaalamo Abdi Mustafe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diinta islaamku ma ogola in dal muslim ah oon waxba kuu geysan lala dagaalamo Abdi Mustafe
Somaliland diintii ilaahay xagay ka dhaafaysaa marka madaxtooyadu ku haliileyso in dalka Yemen oo dad muslim ihi ku nool yiin oon wax tar baayaca mushtar iyo sshaqo tag mooyaane aan dagaal inoo geysan. Saldhiga lagaga duulayo ee Somaliland bixinaysaa miyaannu ahhayan mid lagu cadaab mudanayo. Cida saldhiga bixinaysa iyo inta ku taageertayba miyaanay ogeyn in aan ilaahay ogolayn dhiig islaama inaad faraha la gasho oo la xaraan timeeyey. Waxay u eegtay xiligii lala yaabi jiray cid diin ka hadasha oo malaa qiyaamihii baa soo dhow. Dayaarada ka duusha madaarka Berbera ee dumar iyo caruur iyo rag ba ku soo disha dalka Yemen denbigeeda yaa iska le. Dabcan madaxtooyada Somaliland iyo intii ku taageertay baa yeelaneysa iyo kuwa ku duulay. Bal inay aduunyo gedoon tahay culimadii reer Somaliland ilaa iminka ummada kalamay hadal denbiga halkaa ka dhalan doono uuga-manay digin. Madaxtooyada Somaliland iyadu inay muslin tahay iyo in kale shaki weyn baaba ku jira kol haday xalaaley-sanayaan dhiiga ummad islaam ah. Kuwa u codeeyey ee lacagacta qaatay iyaguna inay jariimad weyn ku jiraan way ilowsan yiin. Kuwa warbaahinta tuban ee Silaanyo iyo Amina Weris is maqashiinaya ee isle yaan shaqada la idinla eryin ee ay ka mid yihiin Wasiir Cadaani iyo Cukuse iyaguna iyo kuwa kale oo kala ah Cali Gurrey iyo Faizall Cali Waraabe ha istaaq fura leystaan. Silaanyo ilaahay baa ka wayn oo arsaaqda bixiye. Waxaan ku soo duu-duubayaa qofkii taageera in saldhig Yemen lagaga duulo la bixiyo denbiga halkaa ka dhaca intuu doonaba ha leegaado e waa ka badh oo if iyo aakhiraba waa lagala xisaab tamayaa. Hadaba qof walowba ogow inaad ku baaba'ayso hadaad ka qeyb qaadato dulaanka dalkaa islaamka ah ee aynnu jaarka nahay. Waxa aad iiga fajiciya labada odey ee aan cimri badani u hadhin ee kala ah Sulieman gaal iyo Cabdi Waraabe oo hadimo mooyaane aan wax kale ka talinin ayaa aakhirkii ku dhamaystay cimrigoodii inay ogolaad dilka ummad muslin ah. inaa lilaahi wa inaa ilaahi raajicuun. Qofkii taageera arinkaa madaxtooyadan aan muslinka ahayn lagu soo kariyey haduu dhawaan isku arko calaamado waa wayn oo ay ka mid yihiin Cancer iyo wax la mida waxba yaannu wareerin ee halka laga raacay waa dulmiga uu ka qeyb qaatay.

Nuxurka maqaal kani waxa weeye xasuusin in diinta dib loogu noqdo oo la garto in aan ilaahay raali ka hayn kibir lagula kaco adoomihiisa Yemen ku nool qofkii ka qeyb qaata dulmigaa iyo dhiigaa daadanayana ilaahay baa ifka iyo aakhiraba kala xisaab tamaya. Goor muu dhiiga banii-aadamku xalaal noqday??? Waakufri.com
Abmustafe123@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online