MAANSADA SIYAASIGU QADARIN MA LE

0
February 14, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MAANSADA SIYAASIGU QADARIN MA LE

    MAANSADA SIYAASIGU QADARIN MA LE

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

MAANSADA SIYAASIGU QADARIN MA LE










MAANSADA SIYAASIGU QADARIN MA LE oo ka hadalaysa siyaasiyiinta aan aqoonta u lahayn hogaaminta ama hagida ee qabyaaladu wax ka dhigtay

Nin qabyaalad laasimay

Qudhun waligii kama koro

Qurux ma leh warkiisu

Qaasaaruu ku sugan yahayee

Ficiladu qaribanaa

Qalafsanaa amuuruhu

Maxaa biidhi qaatiyo

Garaadlaawe quusiyo

Isku tagay qaswada yaal

Qalafsanaa hamuuntoodu

Qaladkoodu badanaa

Qulub iyo wareer iyo

Qalalaase mooyee

Qaabsan um a shaqeeyaan

Siyaasigu qadarin ma leh

Ma qiimeeyo aadmiga

Qorshihiisa mooyee

Qaran uma adeegoo

Maba laha qaneecaad

Sir uu kugu qaldaayiyo

Qawlkiisu waa been

Dadka kala qoqobid iyo

Qolo qoliyo reer iyo

Qabiil loo saftiyo

Wax qasaari mooyee

Maba laha qaneecaad

Siyaasigu qalooc iyo

Qalad kama fogaadoo

Qoom wada sharaxanbaa

Qariboo dalkeenii

Qiiyaamiyo I doortaay

Ku qadhaabanaayoo

Qardhac reebi maayaan

Dhalintii qurxoonayd

Qudhooday galaafteen

Inay kaba qayaadaan

Ka qulqulaan dhamaantood

Tahriib uga qaxaanbay

Iyaguna qorshaysteen

Nin qamuunyo haysoo

Qarash raadinaayoo

Qurbahaa ka yimidoo

Qasnad buuxso mooyee

Qami kale lahayn iyo

Qaar aan wax tarinbaa

Qasabado samaystoo

Hantidii qudhqudhiyoo

Qaylada baxaysee

Ka qabtaay la leeyahay

Saxaafadihii qoraybaa

Qol madaw la galiyoo

Qasab lagu taxaaboo

Qidhim dhaha la leeyahay

Dadwaynihii qaracanyoo

Qoomamee codbixintii

Waanay kugu qasaareen

Adiguna xil qarawayn

Qaadayoo is maad odhan

Dalka nimaan waxba u qaban iyo

Qas abuur ha noqonine

Qafal xumadda daayoo

Wadankaagu qayrkii iyo

Qaaradaha ha dhaafee

U daryeel qumaatiye

Qawlaystayaaloow

Isma qariyo boobkuye

Imikaad qashifanteen

Qaybta koowaad

Qoraa Abdinasir Ismaciil nuur


drnasir908@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online