Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Tacsi Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)

0
February 15, 2017 in Tacsi by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Tacsi Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)

    Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Tacsi Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mujaahid Maxamed Kaahin Oo Tacsi Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)



XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

14 February 2017

TACSI GUDDOOMIYE

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE Mudane, Maxamed Kaahin Axmed, ahna Ku-simaha Guddoomiyaha xisbiga Mudane, Muuse Biixi Cabdi oo safar dibadeed ku maqan, sidoo kalena ka wakiil ah hay’adaha xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, garabyada xisbiga, laamaha gudaha iyo dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)oo ku geeriyooday magaalada Ceerigaabo shalay oo taariikhdu ahayd 13/02/2017.

Marxuum Suldaan Maxamuud Cabdi (War-qabe)waxa uu ka mid ahaa salaadiinta waawayn ee reer Somaliland, gaar ahaan Gobolka Sanaag, waxaannu door wayn ka soo qaatay dadaalladii halganka, nabadaynta iyo dib-u-dhiska Qaranka Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda warbaahinta iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida ku timi Alle ha u naxariisteeMarxuum Cali Cabdi Diini (Cali Nac-nac)oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo ay taariikhdu tahay 14/02/2017.

Marxuum Cali Cabdi Diini (Cali Nac-nac)waxa uu ahaa suxufi waayo-arag ah oo muddo dheer ka soo shaqaynayey mihnidda saxaafadda, isla markaana kaalinta muuqata ku lahaa horumarka iyo taabbagalka warbaahinta Somaliland gaadhay.

Guddoomiyuhu waxa uu labada Marxuum Alle uga baryayaan inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabkana Samir iyo Iimaan saadiq ah ka siiyo.Aamiin….Aamiin….Aamiin.



Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online