Maansada magaceedu waa diradiraale.

0
February 15, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maansada magaceedu waa diradiraale.

    Maansada magaceedu waa diradiraale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maansada magaceedu waa diradiraale.

Maansada magaceedu waa diradiraale.

Waxayna ku bilamaysaa sidan:-

Dadkii kala fogaaysoo

Diradiraale noqotoo

Dab iyo naar afuuftoo

Kala didisay beelii

Doc kastoo la eegaba

Deegaamadeenii

Duufaan qabiil iyo

Dabaylaad ku kicisoo

Dad ma noola odayoow

Duunyadu ma dhimatee

dakhligi dalkoo idil

dad gacmaha u galisoo

daadafaysay samahoo

dadku waa ku diideen

duudsig ma yeelan

dulmi qaadan maayaan

dabinadaad dhigaysyiyo

dhacu kama dahsoonee

way dareen qabaanoo

dirqi laguma maamulo

hadba daaro soo dhiso

kordhi dabaqyo dhaadheer

iyo danayso mooyee

daryeel iyo wax qabad ;iyo

samo waa lagaa daday

daku inay gadoodaan

durba ficilo booddaan

doorkan way ku socotaa

dalkii waad dhantaashoo

duunyadiyo dhaqaalii

dalawbaad ka tuurtoo

daba dhilifyadaadaa

ku durduuranaayoo

dawladuba dhamaanteed

iyagay u dihintoo

dan yar iyo agoon iyo

cidba looma diir naxo

damac nimuu hagaatoo

shacabkii ku doortiyo

dalkii wuu ku eedoo

lagaa waa daryeel iyo

dadaal iyo wax qabadoo

dib u socod ahaatoo

dacatiga xadbeeliyo

dulmigiyo xaqdaradana

dadka adaa u horseedoo

duudsiyay agoontoo

kaalintaadii dayacee

duqoow ma is ogtahay

da.ayartii dhamaanteed

camal li.i darteedbay

dalkii uga tahriibeen

danbigana adaa iska leh

saxaafadii dagaal iyo

kama dayside xadhigoo

nimaan daacadnimo iyo

doonayn wanaagoo

runta diidayaad tahay

duul kuu raxleeyoo

durbaan kuu garaacoo

dadwaynaha xaqoodiyo

hantidii daldalayoo

hadba doolar qaatiyo

dilaal iyo malaal

adigaa dirsaday.

QoraaAbdinasir Ismail Nour

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online