Berberaay shicibkaa kaa hurdee wiil yari kuma xaraasheen by Abdi Mustafe

0
February 15, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Berberaay shicibkaa kaa hurdee wiil yari kuma xaraasheen by Abdi Mustafe

    Berberaay shicibkaa kaa hurdee wiil yari kuma xaraasheen by Abdi Mustafe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berberaay shicibkaa kaa hurdee wiil yari kuma xaraasheen by Abdi Mustafe


Shicib yahow hurdaa hadaydaan diidin in hantida dalka la bililiqeysto waxaydin is arki idin koo intaa ka itaal daran oo miciin mooda inaa Xamar u shaqa tagtaan. Wiilka Mooryaanka ah ee Baashe Cawil-Morgan- shalay waraysi uu bixiyey wuxuu ku sheegay in aan wax lacaga oo sanadkii emaaraadku ka bixinayaan saldhiga Berbera aanay jirin ee waxoogaa mashaariic ah ay samayn doonaan. Taa macna heedu waxa weeye si qoyska Silaanyo qandraas yada mashaariicda ee uugu waa wayn u qaataan iyagoon weliba xukunka ka degay. Taa macna heedu waxa weeye si aan dowlada Silaanyo bedeshaa wax lacaga uuga qaadan saldhiga emaaraatka. Shicib yahow hurdada dheer ku jiraa god baa la idinku riday oo dushiinaa dalkii lagu iibinayaa. Berbera waxay u baahantay dub u xorayn dambe. Haamaha na dhawaan baa emaaraadka lagu wareejinayaa oo Morgan ayaa shidaalka qandaraas lagu siiyey. Waxa kaluun ku jira bada waxa guranaya emaaraadka. Ciida niista ah ee Saaxil intay dhoofsadaan sida puntland ku dhacday ayay Dubai ku kala shaan dhaynayaan. Farax Nuur wuxuu yidhi:Hadaan Arab waxaa yeela iyo waano kala quustay Sow inan danatay waarriyaa igu wanaag maaha. Hadaba maanta hadal la is yidhaa ma hadhin ee xalka keliya ee Berbera u baahantay waxa weeye in qoyska Silaanyo laga xoreeyo. Maayarka Berbera Cidin ee isaga oon ilko lahayn la doortay ee markuu cashuurtii ummada gurtay ilka samaystay ee dhulkii ku gadaanaa madaarka badhna qaatay badhna dadka wada siiyey ee ku yidhi marka saldhiga laga dhigayo ayaa lacag badan la iga siisanayaa isagana reer Berbera waa inay ilkaha kala baxaan ileyn cashuurtii ummada ayuu ku gashaday e. Maayarka Berbera waa ninka xidh-xidhay labadii weriye ee dhul boobka sawirada ka qaadayay. isku soo xoori, shicib yahow ama khuuradaa dheer ku jira oo hadhow marka xuutiyiintu gantaalo Dekeda iyo haamaha la dhacdo ee Berbera laga qaxo ha caban nina ama hulaabta iska roga oo Morgan iyo inta daba socota iska celiya.iminkana wershadii cibidhka ayay sii iibinayaan oo wax Berbera u hadhayaa ma jirto. Kuwa lagu balamiyey badhasaabada iyo mayorada ee lagu yidhi kolba dad soo abaabula taageera saldhiga waa dad busaaradi hayso oo lacag yar la siiyo oo mooryaan ah ee dheg ha u dhigana ka dhab maaha e. Dalka waxa u damqaday xisbiga Waddani oo diidan in hantida qaranka la boobo ee ha kuwada biiraan oo wax ha iska celiyaan Morgan naf kaga kici maayo oo waa ciyaal aan dalka dan ka lahayn e. Muse Biixi wuxuu ayda la mirinayaa wuxuu ka muquura-nayaa arimahan Saldhiga oo uu is leeyey hadaad diidana kuu daran oo Amna Weris baa ku calaashan hadaad yeeshana ka sii daran oo reer Saaxil baad cod kaga waayi. Sidaa darteed isagu Berbera waxba uuma tarin ee taana ha la ogaado. Muse Haamihii Ciro ku dagaalamay iyo Dekedii DP World lagu wareejiyey iyo Saldhiga midna ismuu hor taagin oo sidaa darteed reer Saaxil duna u sheegan maayo oo iyaguna waxay leeyiin waar seedow ha nagu soo lugoi'n la hasho waa ceebe. Waxay cod ku siiyaan muu gashan. Caku Dhega-weynow sowta Berbera lagaala hoos baxay.

Abmustafe123@gmail.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online