Sadexii ceel ee siyaasada Somaliland laba way ajoobeen(biyo uskagoobay) taxane.

0
February 15, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sadexii ceel ee siyaasada Somaliland laba way ajoobeen(biyo uskagoobay) taxane.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus


Taxanahan waxaynu maanta ku eegi doonaa waxyaabaha keenay inay xisbiyadii siyaasadu ka tagaan dhalankoodii ahaa ceel ilaashan nadiif ah dadkuna ay ku arooraan. Qaab u fikirka bulshadeena dhaqan dhaqaale wuxu salka ku hayaa reero qofka kasta waxa dhiigiisa iyo dareen wadihiisa ku lamaan reernimo, dal in la wadaago dano guud la wado ilaashado magac kaliya iyo taariikh kaliya dad reero u qaybsani inay wada yeeshaan waa hawl culayskeeda leeg oo aan sinaba u fududayn. calan qaadashadii lixdankii dawladnimadii loo walqalay ilaa maanta wax jira xageena kama aha maxaa yeelay dadkeenu maba garanayaan dhan lagaga hagaago. Hogaamiyaashii u horeeyay waxay hilmaameen ogaanshaha dadkooda iyo qaabka ugu haboon ee dawladnimada lagaga dhaadhicin karo ama si kale hadaynu u dhigno may xanbaarsanayn dareen guud oo umada mideeya ee mid kastaba wuxu u xusul duubayay inuu meel gadhsiiyo midiisa hoose ee reernimo. Somaliland calankii ay hayn kari wayday waxa sabab u ahayd xafiiltan dhexdooda yaalay ragii waagaa horgalaha umada u ahaa, wuxuna dabada ku hayay reero aan waxba isku darsan karin oo cabsi ay dakanooyin hore keenen kala qaba. Xilqarsiimo aan waxba ka jirin ayay ahayd soomaali jacayl ayaa xamar ina gaysay ee runta biyo kama dhibcaanka ahi waxay daaha ka faydaysaa xanuun dhexdooda yaalay inuu ahaa kala yaac ayaynu odhan karnaa ee marnaba midaw laguma sheegikaro. Somalilandta maantu siday u egtahay maaha mid cidi kaaga xog ogaalsantahay tagtadii aynu soo sheegnay iyo taalada maanta isu gayntoodu waa halkii oo hal geedi kamay soo guurin.

Ceelkii Udub iyo Ina Cigaal
Wuxu ahaa ragii la kaalin galay waagii xoriyada ee ciyaaray siyaasada reernimada ku dhisan dhaxal aad u qaaliya ayuu dadkiisii uu matalayay uga tagay. dawlad ay magac ku leeyihiin dadkii ka soo horjeedi jiray uu xididada u siibay dalkana uu ka caydhshay intii wax dareemaysay ama iskoodba ay isaga huleeleen. Xisbigii Udub oo ahaa mid uu ugu talo galay inay reerihiisu ku tababartaan siyaasiyiin cabsan himilooyinkiisuna ay ka soo baxaan. Duluc ahaan udubku waa waxa aqal soomaliga haya ee dhismihiisu ku taaganyahay sidaasi darteed wuxu ahaa aabihii Somaliland isagu dhalay qaybo ka mida halka qaybo kalena uu agoomeeyay. Gobolka Saaxil wuxu ka soo dheegey sadex gobol Hargaysa , Togdheer, Sanaag, isagoo uga gol lahaa in reerka oo ka dhashay waligiiba gacnta ku hayo marsada Berbera ee ah hunguriga dalka wax u soo maraan si dhibyar ayuu ugu guulaystay waana dhaabada ugu adag ilaa imaka labadii madaxwayne ee ka danbeeyayba ay u caalwaayeen.Dal burburay dhismihiisu ma fududa, qalooc hadii wax lagu dhisana ogobeey waxa hubaal ah inuu dumayo markuu hawaarsadona waxa ka dhalanaya khasaare ka sii badan, bilawgaa la toosin karaa marka wax la dhisayo alif kaa xumaadaa albaqra kaagama hadho. qoraaladani maaha kuwa loogu tala galay inay abuuraan xumaan ee waa in wixii qalooca qumaati ka dhigno si ay dadka reer Somaliland u noqdaan waalaalo uurka ah ee aan afka baarkiisa ahayn ........ Siciid WARAABE jönköping SWEDEN waydiin hadii aad qabto 0046736945169


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online