Xadhigu Xal Maha Se Xeelad Ba Jirta.!

0
February 16, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 109
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xadhigu Xal Maha Se Xeelad Ba Jirta.!

    Xadhigu Xal Maha Se Xeelad Ba Jirta.!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xadhigu Xal Maha Se Xeelad Ba Jirta.!

Geedi socodka Dimu-quraadiyada iyo tallaaboyinka hormarined ee 26-kii sano ee qarankani jiray waxa ku lifaaqna cabudhin fikir, iyado xukuumad walba oo muddada in un kaso aramisa ay wax qabad ka dhigan jirtay xabsiyeenta fikirka. Walow Xukuumaddani ay uga faro fiiqfiiqantahay kuwi ka horeeyay. Haddaba Fikirka aynu laba u qaybino si aynu u fahno xeeladda lagu xalin karo cadaadsika maanka.

(1) Fikirka Diinta.

Waxa aynu nahay ummad isku dhaqda dhaqan lagu lammaaneyay Diinta runta ah ( ISLAM ) sido kalena kusi ab tirsata Sunniga saxda ah, marka qofkii ka so horjeeda dhabaha naxrista leh waa mid qaadacay Noloshi layna faray waxanu innaga mudan yahay awaamirta ay ina farayso diintena, innago u eegeyn Gobolaysi, Tolaysi iyo Nin jecleysiba waa innaynu si degdeg ah oo bila hadal ah ugu fulinaa wixi aynu aaminsanen waa Diintiye.


(2) Fikirka Siyaasiga.

Sida aynu wada ogsoonahay waxa aynu soo marnay masiir hore oo ku dhismay doonis shacab kaso hadal hayntisu ay taagan tahay waagan saaka, soddon sono ka dibna waxa aynu ku dhaqana masiir siyaasaded oo ku taagan doonis shicib. haddaba fikirki hore waxa u ahaa mid wakhtigaa lo arkayi dan, kan maanta taagna waa mid wakhtigisi yimi kana dhax argnay danteena.

Sidaa haddaba marka ay tahay waxa timi in ay jiraan dad aaminsan Fikirki hore ee Midnimada ahaa kuwaaso da` walba leh badankooduna joogan Muqdisho iyo in Dalka waa Somaalilaane dhax jooga lana kulma xadhig iyado lagu haysto qadiyada laga so guuray. Haddaba xadhigu xal ma yahay ? Ani ahaantay maya ayaan qaba sababa jira awgood

Waa ta koowade Igaarka hab fikirkisa lagu xidho wuxu Beesha Caalmka iyo Dalkii anan wali kala go`in u sawiraya arin xaqiiqda ka fog kaso ah in dadka deegankas lagu hayo cabudhin qori caaradina lagu xukumo. Waa marka labaade waxa ay dhiira galin u noqonaysa Ruuxi la xidhay kaso isku arkaya inuu saxsan yahay. Haddaba waxa xeelad xaqa laysku tusi karo ah hirgalinta arinkan.

La Dagaalanka Walwalka.

Dhalinta Somaliland badankooda waxa ka dhax guuxaya 26-tan sano oo bila ictiraafa daaqad kalena waxa ay ka arkaan siyaasiyinti Dalka oo qabyaalad, musuq iyo wax-qabad la`aan kusi qanacsan sidoo kale waxa ku mudan in Mustaqbalkoodi laga hor taagan yahay Siyaasintuna ay kow ka yihin madax dhaqameedaduna ay badhi taarayan. Haddaba sida ku cad caqliga waxa ku furan walwal taasana keenaysa u hanqal taaga Dawlada walaalehen ah e aynaan wali kala dhamaan waa Somaaliye.

Haddaba dunida hormartay waxa ku yaala xaruumo lagula dagaalamo walwalka waxayna u maraan Cognitive-Behavioural Therapy CBT, kaso u saamaxaya cidhib tirka walwalka, qodobada ugu horeeya ee ay ula dagaalamana waxa kamida. Badalida hab-nololedka ay amminta ku sugan yihin, marka si aynu ula dagaalano arinkan aynu xadhiga kala hor tagayno waxa haboon qodobadan

1: In shaqaalaysinta dhalinyarada lagu xidhin Gobolaysi, Xisbiyahan iyo Tolaysi balse Aqoonta lagu xidho si ay marka u so baxan dhalinyaro waddaniyadu kashoda biyo dhigatay wadda jirkana daneeya.

2: Inaan da`da dhalinyarnimo lagu maxaafsan oo 40+ laga dhigin dhalinyaro iyado marka xukumadu danaheeda ilaashanayso.

3: In Dhalinyarada laga caawiyo Baahiyahoda gaar ahaaned, sida Waxbarashada iyo hirgalinta Ganacsi, taaso keenysa kalsooni iyo ibu-fur Waddaniyaded.

4: Maaddama ay Somaliland u badan yihin Dhalinyaradu waa in la sameeya madal kulmisa Siyaasiga iyo dhalinta si ay iskula xisaabtaman.

Waad Mahadsantihin

WQ/ Abdi Salaan Mahdi


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online