Mustafa Maxamed (Martin) markuu leeyey Ciro ha is casilo iyo D. Trump baan qiimaynayaa miyuu fayowyay by Abdi Mustafe

0
February 16, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mustafa Maxamed (Martin) markuu leeyey Ciro ha is casilo iyo D. Trump baan qiimaynayaa miyuu fayowyay by Abdi Mustafe

    Mustafa Maxamed (Martin) markuu leeyey Ciro ha is casilo iyo D. Trump baan qiimaynayaa miyuu fayowyay by Abdi Mustafe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mustafa Maxamed (Martin) markuu leeyey Ciro ha is casilo iyo D. Trump baan qiimaynayaa miyuu fayowyay by Abdi Mustafe





Mustafa Maxamed oo magaca iska bedelay lana baxayMartinkuna nool cariga maraykanka ayaa xisbiga Waddani soo dhawayn ka waayay, sababta uugu weyni na tahay Martin oo ah nin meesha uu galo fadareeya.Dabeed wuxuu caadaystay in TV yada lacag badani kaga baxdo oo uu kolba cid been la daba ciiro. Wiigan marna Gudoomiyaha xisbiga Waddani A/rahman Ciro ayuu intuu afka kala waaxo ku lahaa ha iska casilo xilka gudoomiya nimada. Mar labaad kiina intuu TV ga soo fadhiistay ayuu leeyey waxaan qiimaynayaa madaxweynaha mareykanka Donald Trump. Qarash laxaadle ayaa Martin kaga baxa TV yada uu soo fadhiisto oo waa nin aan isku kalsoonayn oo doonaya in soo caan baxo. Fudeydka Martin wuxuu kalifay in uu diinta islaamka ka baxo oo uu mikiniisada galo Axad walba. Beri dhaweyd wuxuu weydiistay xisbiga Waddani inay lacag ku siiyaan cayda maal qabeenka Maxamed aw Siciid hase yeeshee waa laga diiday. Martin maaha nin fayow ee marada ayuun buu sitaa sababtuna tahay idinba daawada marka uu leeyey madaxweynaha maraykanka ayaan qiimaynayaa. Weliba waxaan filayaa in uu cimrigiisa soo gaabinayo oo uu inta hadhay jailalka maraykanka ku dhamaysan haduu sidan wax ka bedeli waayo. Fariinta aan Martin u dirayaa marka uu Ciro ku leeyey ha is casilo waxay tahayoo carabtu ku maah maahdaa...Yaa waacid cid nafsak.... ninka wax wacdiya yow adigu is wacdi.... Martin isagii-baa daayacan oo ay tahay in uu is daweeyo ee siduu cid kale wax uuga sheegi karaa. Martin wuxuu isku darsaday badow nimo uu moodayo in uu keligii Somali ka joogo mareykan iyo diidaa-nimo aannu meel uu marayo iyo waxa dad waynuhu ka qabo toona garanayan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online