War Saxaafadeed Waddani Kanada

0
February 16, 2017 in Articles by Staff Somalilandlive Media
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Saxaafadeed Waddani Kanada

    War Saxaafadeed Waddani Kanada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Saxaafadeed Waddani Kanada








War Saxaafadeed Kanada, February 15, 2017

Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Ahmed Mohamed M. Siilaanyo, wuxuu maalintii Axaddii ee taariikhduna ahayd 12/02/2017, isugu yeedhay labada Golle ee Guurti iyo Wakiiladda Somaliland. Waxa halkaa aakhirkii xubno u badan Golaha Guurtidda cod gacantaag ah ugu codeeyeen wax lagu sheegay Heshiis Saldhig Military oo magaaladda Berbera laga siinayo dawladda Imaaraadka Carabta. Waxa fadhigaa si sharcidarro ah debedda looga saaray xildhibaano badan oo doonayey inay gutaan waajibaadkoodda distooriga ah kana doodaan mooshinka Golaha la horkeenay oo ay u arkayeen inuu baal marsanyahay dastuurka dalka u yaal. Hadaba waxaannu shacabka Somaliland gudo iyo debedba u soo gudbinaynaa qodobadan hoos ku xussan:-

  1. Waxaannu cadaynaynaa in aanu la mawqif nahay kuna taageersanahay Xisbiga Waddani, Gudoomiyahiisa Mudane Abdirahman Ciro iyo Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda ee diidey ansixinta Saldhiga Military ee Xukuumadda Somaliland doonayso inay dawladda Imaaraadka ka siiso magaaladda Berbera ee Somaliland.

  1. Waxaannu rumaysanahay in wax dan ahi aanay Saldigaa Military ugu jirin Somaliland. Maadaama, ictiraaf, difaacista Somaliland iyo faa’iido dhaqaale oo la taabankaraa midna aanay ka muuqan waraaqda goleyaasha la soo hordhigay.

  1. Dawladda Imaaraadka Carabta ee Saldhiga la siinaynaa xattaa ma rumaysana mana ogola Qarannimadda iyo Gooni-Issu-Taagga Somaliland.

  1. Lacagta US $1.2 Million ka ah ee sanadkii Imaaraadka Carabtu kiro ahaan u bixinayaan, waxay aad uga hoosaysaa kiraddii Ruusku ka bixinjirey Saldhiga Berbera iyo tii Maraykanku ka bixinjirey saldhiga Berbera markii uu joogey.

  1. Heshiisyadda Caalamiga ee Dawladda Somaliland soo gasho wuxuu dastuurkeenu dhigayaa in la horkeeno Golaha Wakiiladda.Qodobka 53aad faqradiisa 3aadee Distuurka Jamhuuriyadda Somalilandna wuxuu wajibaadka ansixinta siinayaa Golaha Wakiiladda Somaliland ookeliya. Golaha Guurtiduna xaq uma laha, meelna kama soo gelo, ansixinta Mashaariicda noocaas ah.

Gabogabadii, Gudoomiyaha, Guddida, Xubnaha iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee dalka Kanada waxay si buuxda u taageersanyihiin go’aanka Xisbiga WADDANI ku qaadacay Ansixinta heshiiskaas kor ku xusan oo aannu u aragno inuu Qaranimadda iyo Nabadgeliyadda Somaliland wax u dhimayo, khatarna ku yahay jiritaanka iyo Gooni-isu-Taaga Jamhuuriyadda Somaliland.

Wa Billaahi Tawfiiq

Gudidda Guud ee Waddani Canada




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online