Kulan ku dhexmaray magaalada Antwerpen een dalka Beljiga Xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga waddani Holland iyo xoghaya arimaha dibada ee xisbiga waddani mudane Maxamed Cusman Fadel oo uu weheliyo ergayga xisbiga waddani u qaabilsan EU en UN ka Mudane Abidirisaq Diinaari.

0
February 17, 2017 in Wararka by somalilandlive Staff
  • Visits: 169
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan ku dhexmaray magaalada Antwerpen een dalka Beljiga Xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga waddani Holland iyo xoghaya arimaha dibada ee xisbiga waddani mudane Maxamed Cusman Fadel oo uu weheliyo ergayga xisbiga waddani u qaabilsan EU en UN ka Mudane Abidirisaq Diinaari.

    Kulan ku dhexmaray magaalada Antwerpen een dalka Beljiga Xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga waddani Holland iyo xoghaya arimaha dibada ee xisbiga waddani mudane Maxamed Cusman Fadel oo uu weheliyo ergayga xisbiga waddani u qaabilsan EU en UN k

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan ku dhexmaray magaalada Antwerpen een dalka Beljiga Xubno ka tirsan gudida fulinta ee xisbiga waddani Holland iyo xoghaya arimaha dibada ee xisbiga waddani mudane Maxamed Cusman Fadel oo uu weheliyo ergayga xisbiga waddani u qaabilsan EU en UN ka Mudane Abidirisaq Diinaari.

Kulankani oo ka dhashay kadib markii xoghaye Fadel uu u yimid dalkan Beljiga howlo shaqo. Gudida fulinta iyo iyo xoghayaha arimaha dibada mudane Fadel iyo ergayga xisbiga waddani ee EU iyo UN ta mudane Diinaari waxa dhex maray kulan gaar ah oo uu xoghayuhu si mug leh uga waramay arimaha abaaraha ee hada waddankii ka taagan, doorashooyinka inagu soo foole iyo sidii laamaha xisbiga waddani ay u diyaarin lahaayeen korjoogayaal ilaaliya sanaaduuqda lagu codaynayo waqtiga doorshadu dhacayso, falalkii foosha xumaa ee xukuumadu kula kacday baarlamaanka iyo xubnihii diiday qorshaha boobka ah ee xukuumadu ka wado dalka iyo jawaabihii iyo mowqifka uu ka qaatay xisbiga waddani.




 


Intaa kadib waxa ay xubnaha gudida fulinta ee shirka fadhiyay sida Gudoomiye Xiis Mahamed Cige, Gudoomiye ku xigeen Ahmed Garanuug , Xoghaye Mahamed  Muuse Iyo Afhayeen Najiib Dhereye ay si qoto dheer uga warameen asaaskii laanta, waxqabadkii laanta ee mudadii koobnayd ee ay laantu jirtay oo ah mudo sanad iyo bilo ah , caqabadihii ka horyimid iyo halka imika ay hawlaha xisbiga waddani ee dalka Holland marayaan.




Xoghayuhu wuxuu aad ugu riyaaqay dadaalka iyo horumarka balaadhan ee laantani wado waxana u balanqaaday sii xoojinta wadashaqaynta laanta xisbiga waddani Holland iyo xarunta dhexe uu  ka yimid iyo guud ahaanba dardar galinta wadashaqaynta laamaha xisbiga waddani iyo dalada guud ee waddani yurub. Kulankani gaarka ahi waxa uu ku soo dhamaaday jawi is afgarasho iyadoo la isku raacay wadashaqayn joogta ah iyo dardar galinta hawlaha xisbiga guud ahaanba.

 

Wa bilaahi towfiiq

 

Xoghayaha xisbiga wadani laantiisa Holland

Maxamed Muuse Kidaar.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


...........
 
> ------ Online